Saalax Posted November 22, 2010 Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda S/land oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu ugu maqnaa Dalalka Tunisia, UAE Iyo Djibouti. Wasiirka Khayraadka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland Md Maxamed Yaasiin Xasan oo dalka Dib ugu soo laabtay ka dib markii uu safar shaqo oo qaatay muddo Lix Todobaad ah ugu maqnaa Dalalka UAE Tunis iyo Djibouti . Wasiirka ayaa sheegay mudadii uu ku sugnaaa Dalalkaas in uu kulamo la yeeshay Masuuliyiinta Dhigiis ah ee dalalkaas iyaga oo ka wada hadaly iskaashiga iyo wax wada qabsiga iyo waliba ka faaidaysiga khayraadka badda . Wasiirka ayaa intaa raaciyey intii uu ku sugnaa Dalka UAE uu la kulmay Gudoomiyaha Baanka Adduunka waxaa u sheegay wasiirku in ay ka wada hadleen Gudoomiyaha Baanka Adduunka sidii uu baanka Adduunku uu kaalin uga qaadan lahaa Khayraadka Iyo Kaluumaysiga Badda ee Dalka Jamuuriyadda Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in wada hadaladii uu la yeeshay Masuuliyiinta dalalkii uu soo maray in ay isla meel dhigeen in si wada jir ah wax loo wada qabsado . Warqabadka ToggaHerer Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites