Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Mafia boss Riyaale arrests merchant

Recommended Posts

Riyaal oo xiray ganacsade

20 Jul 20, 2008 - 6:37:11 AM

 

Maamulka Somaliland ayaa xalay [19 July, 2008] u taxaabay xabsiga gudoomiyihii gudiga ganacsatada dhoofka xoolaha ee Somaliland C/llaahi Maxamed C/raxmaan isla markaana ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee UDUB.

 

Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay xabsiga Hargeysa, iyadoo ay su'aalo weydiinayan ciidamada nabadsugida ee SL, waxaana xarigiisa lala xiriirinayaan hadallo ku aadan khilaf dhoofka xoolaha ka dhashay oo ay isdhafsaden Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo gudiga uu madaxda u yahay.

 

Taliyaha Booliiska SL Max'ed Saqadi Dubad oo wax laga weydiiyay xarigan ayaa ka gaabsadeen inuu wax faahfaahin ka bixiyaan xariga ganacsadahan iyo waxa loo aaneynayo.

 

Gudomiyaha gacansatada xoolaha Somaliland ayaa lagala baxay Hotel uu ka daganaa Hargeysa, wuxuuna ganacsadahan uu shalay sheegay in heshiiska uu Riyaale la galay shirkad Sucuudiyaan ah ee lagu magacaabo Al-Jaabiri uu yahay mid aan xaq ahayn, isla markaana lagu cunnoqabteynayo iyaga.

 

"Waxaanu dhoofinaynaa xoolaha, mana dhacayso inaan qaadano go'aanka ah in dhoofinta iyo ka macaashida xoolaha Somaliland lagu wareejiyo shirkad shisheeye ah, haddii dowlada Somaliland ay soo faragashato ganacsigeena waxaan kala helno ayaan leenahay" ayuu yiri C/llaahi Max'ed C/raxmaan oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa.

 

Gudoomiye ku xigeenka guddiga ganacsatada Somaliland Xuseen Max'ed Cawaale [Gacmodheere] ayaa ku tilmaamay xariga gudoomiyahooda mid aan sharci ahayn, isla markaana xadgudub ku ah dastuurka u yaala maamulka Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale ayaa dhawaan diiday in dhoofka xoolaha Somaliland uu noqdo mid xor ah, isla markaana ay ganacsatadu dhoofsan karaan xoolahooda si ay macaash uga helaan, wuxuuna sheegay in shirkad laga leeyahay Sucuudiga lagu wareejinayo xoolaha Somaliland, taasoo caro gelisay ganacsatada.

 

Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa wuxuu cambaareeyay xariga loo geystay gudoomiyaha ganacsatada Somaliland, iyadoo Maxa'ed Cabdi Iskeerse oo ah xoghayaha dhaqaalaha ee xisbigan uu sheegay in ay xukuumada SL joojiso cagjugleynta iyo caburinta ay ku hayso ganacsatada ayna sii dayso C/llaahi Max'ed C/raxmaan.

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ku tilmaamay xarigan mid cago-jugleyn ah oo loogu adeegayo shisheeye, laguna caburinayo ganacsatada Somaliland iyadoo la adeegsanayo awooda dowlada.

 

Garowe Online, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEGDEG AH: Guddoomiyaha Ganacsatada xoolaha oo la xidhay

July 19th, 2008

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa caawa fiidkii ka qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana xidhay Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada Xoolaha, Mr. Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana la baadi doonayaa xubno kale oo ka tirsan guddida.

 

Sida wararku sheegayaan, Guddoomiyaha Gudida Ganacsatada waxa caawa fiidkii laga qabtay Hotel uu deggan oo ku yaalla xaafadda New Hargeysa, waxaana loo taxaabay oo uu caawa ku xidhan yahay saldhigga Booliska ee xaafaddaa New Hargeysa.

 

Xadhigga Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu ku xidhiidhsan yahay khilaafka cirka ku shareeran ee u dhexeeya xukuumadda iyo ganacsatada xoolaha ee Somaliland, kaas oo ku saabsan heshiiska xukuumaddu la gashay Maalqabeenka Sucuudiga ah ee Al Jabiri ee kootada ku haysta dhoofinta xoolaha nool ee Somaliland.

 

Ganacsatada xoolaha oo ka qaylinayey heshiiskaas tan iyo markii xukuumadda Somaliland la gashay ganacsadahaas bilihii u dambeeyey 2006, ayaa dhowaan bilaabay dhaqdhaqaaq ay isku urursanayaan, si ay ugu khasbaan xukuumadda in ay ka noqoto heshiiskaas. Waxayna cuslays ku saareen in loo ogolaado 7,000 oo neef oo ka madax bannaan Al Jaabiri inay ka dhoofiyaan dekedda Berbera 15 July, isla markaana Daahir Riyaale iyo Al Jaabiri ay dib ugu noqdaan heshiiskoodii hore. Hase yeeshee, ganacsatadu waxay maanta ganafka ku dhufteen qodobo ay ka soo saareen cabashada ganacsatada xoolaha ee maxalliga ah oo ay ka mid tahay in $6 lagu kordhiyey qiimihii hore ee Al Jaabiri ku qaadan jirey neefka adhiga ah iyo ganacsatada oo dhami ka iibin karaan xoolaha Al Jaabiri, halkii laba ganacsade oo keliya oo Wakiil u ah Al Jaabiri ay awood u lahaayeen inay iibiyaan xoolaha.

 

Guddoomiyaha Guddida ee caawa la xidhay, Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xalay la kulmay Daahir Riyaale, waxana uu u dhiibey codsi uu ku weydiisanayo ganacsatada inay dulqaataan 5 bilood oo uu u cusboonaysiiyey Al Jaabiri inuu adhiga dhoofiyo, taas oo ganacsatadu ku gacan saydheen.

 

Xadhigga Guddoomiyaha ayaa la filayaa in xukuumaddu kaga hortegayso qorshe ganacsatadu doonayaan inay xoolahooda geeyaan dekedda, isla markaana ay mar kale ku khasbaan xukuumadda in loo ogolaado inay dhoofiyaan.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We're the Mob....

 

Don't the Mob cut up their foes and drop their body in the sewer? I will be careful if you ask me Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^lool. Your confused adeer, Mafia & Mob are two different words.

 

Why was this man arrested?

Walk in the streets and ask around what is a "Mobb"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this