Sign in to follow this  
Saalax

Displaced People from Southern Somalia should be welcomed says - Somaliland Suldan

Recommended Posts

Saalax   

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Oo Shacbiweynaha Reer JSL Ugu Baaqay In Ay Soo Dhaweeyaan Dadka Somaliyed Ee Ka Soo Barakacay Dagaalada Somaliya iyo Ilaalinta Nabadgelyada Somaliland.

 

 

Hargeysa(Ramaas) Sept.23, 2010 - Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan dadka Somaliyeed ee ka soo qaxay koonfurta Somaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ee dagaalada qadhaadhi ka socdaan ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Isaga oo reer Somalilandna usoo jeediyey in ay nabadgalyadooda ku fara adaygaan.

 

 

2nb8yhe.png

 

 

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayey arday hore xiftiga qur’aanka uga dhamaysay Dugsiga Aflax oo xaflad loogu samaynayey dalad kulmisa ardaydaas oo lagu qabtay Hotel Kaah ee bariga magaalada Hargeysa ku yaala.

 

Suldaanku isaga oo arintaas kala hadlaya shacabka reer Somaliland waxa uu yidhi “Koonfur ama Somaliya waa walaalaheen isku dad iyo isku diin ayeynu nahay, laakiin waxa aynu kala nahay laba dawladood oo walaalo ah. Waxa aynu Ilaahay uga baryeynaa inuu dhibaatada haysata ka dulqaado oo barwaaqo, nabad iyo bash bash ugu badelo”.

 

Waxaa uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi Suldaanku “Waxan ka codsanayaa shacabka Somaliland dadku way soo qaxeen oo walaaladeen way inoo yimaadeen ee ha la soo dhaweeyo, ma ninkii balaaya wada mise shacabka caadiga ah iyo dumarka iyo caruurta ninkii balaaya wada sharcigaa qaban ummadduna way iska qabanaysaa. Waxaan idiin soo jeedinayaa waar dadkaa walaalaheena ee ay naftu inoo keentay cunfi, dhibaato ah ha galinina oo ha jidh-diidina ee soo dhaweeya, oo nin wallowba wixii aad u qaban karayso u qabo, waayo anigu iyagana Suldaan baan u ahay oo xil gaar ah ayaa iga saaran.

 

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaa uu shacabka u soo jeediyey in ay ilaashadaan nabadgalyada ilaahay siiyey, isaga oo si cilmiyeysana uga hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay wuxu yidhi “Maanta nabadgalyo ayeynu haysanaa, Ilaahay ha inoo sii xoojiyo waxba maynaan dhiganeen horumar kalena maynaan samaynayn, haddii aynaan nabadgalyo haysan, bal hadda hadalkaa u fiirsada markaa shacabka reer Somaliland qaybahooda kala duwan waxaan leeyahay waar nabadda aynu gacanta ku hayno”.

 

Suldaan Xiiray waxa uu soo qaatay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday sannadkan, taas oo uu tilmaamay in ay sabab u ahayd qabsoomideedu nabadgalyada ka jirta Somaliland ,waxanu yidhi “Bal waxa kaliya oo aad eegtaan warqad cad baa Madaxweynihii hore ee tagay lagu eryey dhiig kuma daadan dhibaato kamay dhicin, kan jooggaana warqadaa cad buu ku yimid, ka iman doonaa warqad cad buu ku imanayaa, kana taasi ayuu buu ku tagayaa”.

 

Isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxa dhacday habeenkii la yidhi bari ayaa doorashada loo dareerayaa, horta caloosha ayaan ka yara naxay eray kale ismaan odhane waxaan isidhi bilaa la iskula yaacaa, taasuun baan habeenkii oo dhan ka ducaynayey oo aan lahaa ilaahayow nabad noogu dhamee kii doonaa ha helee. Waxaan farxay markii ay 200 oo qof ka soo qayb galeen, markii ay labada Madaxweyne xilka isku wareejinayeen oo si nabad ah ku dhamaatay oo Madaxweynihii tagay uu albaabka ka baxay ee uu Madaxweynihii la doortayna kursigii uu ku fadhiisan jiray Daahir Rayaale uu xaggiisii u dhaqaaqay oo uu ku soo fadhiistay. Arinta intaa le’eg ee miisaankaas leh, waxa keenay codkiinii aad sida nabadgalyada ah ku codayseen, nabadgalyadaana Ilaahay baanu ugu xamdi naqaynaa.”

 

Dad Somaliyeed oo ay soo barakiciyeen dagaalada ka socda dalkooda ayaa guud ahaanba ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, dadkaas oo si fiican ay shacabkuna u soo dhaweeyaan. kuwaas oo iyaga laftooduna isu arka in ay la joogaan dad ay walaalo yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We have plenty of people from Somaliland who are not doing well. Lets focus on our own people first. How is Somaliland suppsoed to accommodate them? I don't know what this Suldan is on seriously.

 

 

We should blame this on Silaanyo. Riyale used to be blamed for stuff like this as well smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah there are so many koonfurians in Somaliland yet these people are refugees they need to be taken care of I mean our next door neighboring country is having some real issues they have no other place to go these refugees I mean the country they claim to be from is deporting them to war torn places in the southern part of their country. They only chance they have is their neighboring countries such as Kenya and Somaliland.

 

Loool@ lets blame this on Siilanyo let’s give siilanyo a break let’s start the blaming January 2011

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know what is weirder. Some Soomaali dude who thinks like he is a redneck that lives in Arizona. 'Focus of our own people' uuba lasoo shirtagay.

 

Even more weirder is that he posts this crap on a Somaliaonline site he supposedly dislikes its very word. Weird and weirder. How insecure some could be. Very unhealthy.

 

Soomaalida u qaxday Waqooyi Galbeed cidna ma weydiisaneyso halkee ka degi lahaayeen meeshaas, waana dalkoodee, least of all an online character's approval, who himself is a refugee in some random Western country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The term "Waqooyi Galbeed" is outdated sxb, the name is somaliland, Waqooyi Galbeed is a region within somaliland, atleast call it it's correct name, and yes the natives(somalilanders) have the right to determine who they should host and welcome into their lands and who shouldn't they host.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emotions and politics aside, the Suldaan made a good call.

 

There are a lot of displaced Somalis that need support in everywhere and all corners of the country. They should be helped, end of the matter.

 

Alhamdulilah anagu waanu ladanahay dadka dhibaataysanna ilaahay ha ugargaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Qandali, exactly the suldaan made a excellent speech and telling the natives to welcome people from southern somalia who were devastated by the war, but instead of being understanding some take it the wrong way and think they can do whatever they want in somaliland without the consent of the natives.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaahe do you also know the term woqoyi galbeed as a province with in somaliland is also out dated the former woqoyi galbeed province is now called maroodijeex.

 

Miskin i also go to hiiraan.com and somaliweyn.com

 

and these people are refugees in somaliland thats their status.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Che -Guevara:

Xaaji..horta since we are two countries, why do you come to foriegn websites or you go to Kenya and Ethiopian forums as well.

 

 

We are refugees, saaxib. There is no similar SL discussion forum out there. We welcome refugees, do you? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this