Sign in to follow this  
General Duke

Federal Parliment awakens....

Recommended Posts

GUDDI FARSAMO OO LOOGA DHAWAAQAY

DEGMADA JOWHAR

 

Gudoomiye K/xigeenka 1aad ee Golaha Barlamaanka oo magacaabay gudi farsamo ah oo ka shaqeeyay sida ugu haboon ee loo bilaabi wadahadalo dhex mara dhinacyada Dowladda ee khilaafka u dhaxeeya

 

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xubnaha Labada Gole ee ku sugan Magaalada ayaa waxaa lagu magacaabay Gudi Farsamo ah oo ka shaqeeya isu dhowaanshaha iyo qaabka loo wada hadli karo labada dhinac ee Dowladda.

 

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiye K/xigeenka 1aad ee Golaha Barlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa,kulankan ayaa dabajoogay kulankii shalay ay yeesheen xubnahan ku sugan Magaalada Jowhar,waxaana lagu go’aamiyay in la magacaabo gudi farsamo oo ka kooban 9xubnood.

 

Gudigan 9-ka xubnood ayaa waxa ay isugu jiraan wasiiro,wasiiro k/xigeeno,wasiiro dowlayaal iyo xildhibaano,gudigan ayaa la filayaa in ay soo diyaariyaan qaabkii lagu wada hadli lahaa labada dhinac ee uu khilaafka dhex yaal,waxeyna ka shaqeyn doonaan sida ugu habboon ee loo bilaabayo wadahadalada,isla markaana looga baaran dagi lahaa isu keenida labada dhinac iyo sidii uu wada rasmi ah u dhex mari lahaa.

 

Gudigan farsamada ah ayaa waxa ay ka kooban yihiin sida tan:

 

1- Cabdalla Deerow *****

 

2- Ibraahim Sh. Cali Xaafuun “Jeeboâ€

 

3- Max’ud Sayid Aadan

 

4- Xuseen Cabdi Salaam

 

5- Qamar Aadan Cali

 

6- Axmed Ibraahim Max’ed

 

7- Cali Baashi X. Max’ud

 

8- C/laahi Macalin Max’ed

 

9-Saalax Cusmaaciil Saqaawe

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this