Cowke Posted October 1, 2009 Ciidamada Badda Faransiiska oo Tababar u bilaabay qaar kamid ah Mariiniska Puntland. Horseed Media Bosaso Tababarkani oo socon doona mudo 6 cisho ah ayaa waxaa ciidamada Badda ee dalka Faransiiska ay ufureen maanta oo Khamiis ah ciidamo katirsan Ciidamada Badda ee Puntland kaasi oo ku aadan ladagaalanka Burcad badeeda si rasmi ah uga furmay dusha markab taagan xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Furitaankii tababarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro katirsan Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland Md Maxamed Faarax Aadan iyo Wasiirka Dekedaha ee Puntland Md C/risaaq Xuseen Gacayte iyo sidoo kale saraakiil katirsan Ciidamada Badda ee Puntland. Inkastoo Furitaanka Tababarka loo diiday in saxaafadu ay aragto qaabka loo furayo Tababarkan ayaa hadana wariyahayaga C/qani Xasan Dhegjar ay usoo gashay in uu markabka dushiisa fuulo halkaasi oo uu sirasmi ah Tababarku uga bilowday waxaana Tababarka furitaankiisa kadib Markabka dushiisa kabilowday kulan ay albaabadu uxiranyihiin oo ay leeyihiin Wasiirada kasocda Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Faransiiska kaasi oo saxaafada ay Ciidamada Faransiisku kuwargeliyeen inaanay saxaafada loo baahnayn oo ay Markabka kadegaan. Lama oga waxa uu kulankaasi kusaabsanyahay hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo Tababar Noocan oo kale ah ay Ciidamada Badda Faransiiska siiyaan Ciidamada Mariiniska ee Puntland kasii oo imaanaya xili ay dhowr jeer oo horey Puntland caalamka uga dalbatay in laga taageero dhanka ladagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah . sawirada naga filo goor dhow Insha alaah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted October 1, 2009 Yo bro, here are the pics they uploaded it finally. You can go here for the rest of the pictures. http://picasaweb.goo gle.com/radiohorseed /CiidankaFaransiiska OoTababar6MaalmoodSo conaayaUBilaabayCiid ankaBaddaEeDawladdaP untland?feat=embedwe bsite# Quote Share this post Link to post Share on other sites