Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: France Training Puntland Coastguards Begins

Recommended Posts

Cowke   

Ciidamada Badda Faransiiska oo Tababar u bilaabay qaar kamid ah Mariiniska Puntland.

 

Horseed Media

Bosaso

 

Tababarkani oo socon doona mudo 6 cisho ah ayaa waxaa ciidamada Badda ee dalka Faransiiska ay ufureen maanta oo Khamiis ah ciidamo katirsan Ciidamada Badda ee Puntland kaasi oo ku aadan ladagaalanka Burcad badeeda si rasmi ah uga furmay dusha markab taagan xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Furitaankii tababarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro katirsan Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland Md Maxamed Faarax Aadan iyo Wasiirka Dekedaha ee Puntland Md C/risaaq Xuseen Gacayte iyo sidoo kale saraakiil katirsan Ciidamada Badda ee Puntland.

 

Inkastoo Furitaanka Tababarka loo diiday in saxaafadu ay aragto qaabka loo furayo Tababarkan ayaa hadana wariyahayaga C/qani Xasan Dhegjar ay usoo gashay in uu markabka dushiisa fuulo halkaasi oo uu sirasmi ah Tababarku uga bilowday waxaana Tababarka furitaankiisa kadib Markabka dushiisa kabilowday kulan ay albaabadu uxiranyihiin oo ay leeyihiin Wasiirada kasocda Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Faransiiska kaasi oo saxaafada ay Ciidamada Faransiisku kuwargeliyeen inaanay saxaafada loo baahnayn oo ay Markabka kadegaan.

 

Lama oga waxa uu kulankaasi kusaabsanyahay hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo Tababar Noocan oo kale ah ay Ciidamada Badda Faransiiska siiyaan Ciidamada Mariiniska ee Puntland kasii oo imaanaya xili ay dhowr jeer oo horey Puntland caalamka uga dalbatay in laga taageero dhanka ladagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah .

 

sawirada naga filo goor dhow Insha alaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this