Sign in to follow this  
General Duke

AU meeting opens up. PM NUR CADE present, secessionists bared

Recommended Posts

Shirkii Madaxda Afrika oo Ka Furmaaya Ethopia.

Last Updated::2008-01-31 10:39:08

 

Adisababa-(HRNet) Magaalada AdisAbaba ee caasimada wadanka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka madaxda wadamada Qaarada Afrika, kaasi oo si weyn looga hadli doono arimo kala duwan oo ku aadan Ammaanka Siyaasada

iyo dhaqaalaha Afrika Shirkaan ayaa waxa aka qayb galaaya Madax iyo Hogaamiyayaal kala duwan oo Afrikaan ah waxaana lagu lafa guri donaa arimo dalal badan oo Afrikaa xaaladadooduna is ka hoosayso.

 

Kulankaan Madaxda Afrika ay maanta is kugu imanayaan aya looga hadlayaa oo aad loogu falaqayn donaa xaaladaha Dalalka Somalia Dafuur iyo xiisadaha colaadeed ee wadamada Itoobiya iyo Eritrea.

 

Sidoo kale Shirkaan Afrika ayaa lagu lafa guri donaa oo looga hadli donaa Qilaafka SIyaasadeed ee hareeyey Xaalada Guud ee Dalka Kenya Shirkaas Afrika ayaa waxaa dalka uga qayb galaaya oo gaaray Caasimada Ethopia ee Adisababa Madaxweynaha Kenya Mwi Kibaki.

 

Shirkaan waxaa Soomaaliya uga qayb galaya oo matalaya Ra’isalwasaaraha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo, iyadoo Ra’isalwasaaruhu uu soo bandhigayo sida ugu haboon ee dib loogu soo celin karo arimaha amaanka Soomaaliya, iyo taageerada dawlada ay uga baahan tahay Afrika ee ah in la dhameystiro ciidamadii ay balanqaadeen dalalka Afrika.

 

Wasiirada arimaha dibada Afrika ayaa sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxay ku shirsanayeen xarunta ururka ee magaalada Adis Ababa kuwaasi oo diyaarinayey ajandayaasha ay ka wada hadli doonaan hogaamiyeyaasha Qaarada Afrika.

 

Inkastoo shirkan ajandayaasha ugu waa weyn ay tahay xaaladaha Soomaaliya, Kenya, Darfur iyo arimaha dhaqaalaha Afrika hadana Madaxweynaha Liibiya Col.Mucamar Al-Qadaafi ayaa shirka ku soo dhextuuray mooshin kale oo ku aadan in madaxda Afrika ay ku

 

heshiiyaan inay dhistaan dawlada wadaag ah, si buu yiri ay Afrika uga kabato dhibaatada kaga imaanaysa quwadadaha kale ee caalamka.

Col.Qadaafi ayaa ku hanjabay in hadii Madaxda Afrika ay ku guuldareystaan inay sameystaan dawlada federaal ah uu go’aan ka gaari doono ka sii mid ahaanshaha wadankiisa ee midowga Afrika.

 

Dhinaca kale Ra’islwasaaraha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Nuur (Nuur Cade) oo shirkan uu u yahay kii ugu horeeyey ee uu ka qayb galo, isagoo khudbadiisa si weyn ugu canaan doonaa kaalinta Afrika sida ay uga gaabiyeen fulinta balanqaadkii ay sameeyeen sanad ka hor oo ku aadanaa inay Soomaaliya u soo diraan ciidamo gaaraya 8 kun oo fuliya hawlaha nabad ku soo celinta Soomaaliya.

 

Dad badan oo Soomaali ah iyo waliba xeeldheerayaasha siyaasada Soomaaliya ayaa waxay ku bixinayaan saadaalin inaanay shirkaasi ka soo bixi doonin wax badan oo muhiim ah, isla markaana balanqaadyo oo kali ah ay shirkaasi natiijadiisa noqon doono.

 

Shirkaan Madaxda Afrika uga Furmaaya Maata Ethopia Adis Ababa Ayaa ah markii ugu horeysay oo Arimaha looga hadlaayo lagu soo daray xaalada wadanka Kenya oo haahatan aan wanaag sanayn.lama oga wax yaabaha ay Hogaamiyayaasha Afriak ka yeeli donaan qilaafka Siyaasadeed iyo qaab ka xal uhelidiisa ay uga qayb qaadan karaan.

 

 

HorseedNet

Ethopia Adisababa

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHIRKII MADAXDA QAARADA AFRIKA OO KAFURMAY ADIS ABABA

Posted to the MOL January 31, 2008, 4:02 pm

 

Maanta ayaa shirku si rasmi ah ufurmay, waxaa lafilayey inay kasoo qayb galaan illaa 40 madaxweyne inkastoo qaar wali maqanyihin oo laga yaabo inay gadaal ka imaadaan maadaama shirku sadex maalmod soconayo. Shirka waxaa hareeyey Arimaha Kenya ayadoo mucaaradka horay uu Alpha Omar Konari ugu diiday inay kasoo qaybgalaan oo khudbo kajeediyaan ayaguna ay aad uga xumaadeen Kibaki oo madaxweyne ahaan ku fadhiya. Alpha Omar Konari oo khudbo dheer afka faransiiska ku aqriyey wuxuu sheegay in " markaad eegto wadooyinka Kenya ay ka muuqanayso rabshado, ayna muuqato Xasuuq soo dhow, waxaan ka hadlaynaa xasuuq iyo isir goyn xiligan.. waa inaan xal helnaa, maaha inaan gacmaha laabano Kenya oo gubanaysa, barito xal majirayo, ayuu yiri.

 

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay isna Xoghayaha Qaramada Midoobay oo sheegay in Somalia ay tahay in dowladda KG. ah ay heshiis lagasho kooxaha mucaaradka ah, Beesha caalamkuna taageerto. wuxuu sheegay in Gudi farsamo oo UN ka ka socda somalya booqden, waxyaalihii ay heleenna usoo gudbin doonaa isaga ,kadibna uu kala hadli doono Golaah Amaanka Qarmada Midoobay suurtagalnimada in ciidamo loodiro somaliya. balse qorshaha ciidamo gaynta ayuu ku tilmaamay Mid xiligan adag.. wuxu sidoo kale ka hadlay arinta Kenya isagoo sheegay in rabshadaha Kenya ay yihin kuwi Isir ku salaysan,uuna maanta la hadlayo Madaxweyne Kibaki, baritana u ambabaxayo dalka Kenya si uu ula kulmo Raila Odinga hogaamiyaha mucaaradka iyo Kofi Annan. wuxuu shacabka Kenya ka codsaday in ay rabshadaha joojiyaan.

 

 

Wuxu sidoo kale ka hadlay dhibaatada ka aloosan xadka Ethiopia iyo Eritrea isagoo ka codsaday labada dal inay isdajiyaan oo ay ilaliyaan heshiiskii labada dal ee Algieris Agreement ee labada dal galeen 2000 oo soo afjaray dagalkii labada sano soconaayey. wuxuu ugu baaqay dalka Eritrea inay xayiaaradda ka qaado hawlgalada ciidamada qaramada midoobay ee jooga xuduuda labada dal (UNMEE).

 

Waxaa isna goobta ka hadlay Raysul wasaaraha Japan, ayadoo shirkan uu cinwaan u ahaa "Theme" horumaarinta warshadaha ee Africa Industrial development of Africa, ayaa waxaa isna fadhiyey wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Iran Manouchehr Mottaki, Iran waxay ka tahay korjooge, Observor Midowga Africa.

kadib waxaa la furay dood ku aadan sidii Africa ay uhormarin lahady waxsoosaarkeeda iyo xagga warshadaha.

 

Waxaa la doortay Golaha amaanka iyo nabadda ee midowga African (Peace adn Security Council (PSC) oo loo dooray toban dal oo kala ah: Zambia, Swaziland, Chad, Benin, Burkina vaso, Mali, Rwanda, Uganda and Tunisia. waxaa sido kale loo doortay dalka haynaya madaxnimada Midowga Africa (Rotating Presidency) dalka Tanzania oo ay wateen dalka geeska Africa. Safiirka ufadhiya somaliya Midowga Africa, Ambassador Said Yusuf Nur ayaa iisheegay kahor intan la dooran in Somaliya ay aad udanaynaysay in Tanzania xilka qabato. Wali waxa dhiman doorashada golayaasha kale iyo Chairpersonka badalaya Alpha Omar Konari. dad badan ayaa usharxan oo wasiiro hore ubadan.. warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in ay AU du doorbidayso madaxweyne hore inuu xilkaan qabto. waxaa sidoo kale la sheegaya in laga yaabo Chairperson dorashadiisa in lix bilood la dib dhigo oo looga doodo kulanka kan xiga e Bisha July oo ah kan 11naad. Kulankii kan kahoreeyey ee bishii July 2007 ka dhacay Ghana, Accra, ayaa la filaayey in lagu doorto balse kan ayaa loosoo dib dhigay haddana kan sanadka dhexdiisa in loodib dhigo ayaa dhacaya ayaa la leeyahay. haddii ay dhacdo in la dib dhigo waxaa suurtagal ah in ragga qabanaya xilkaas uu ka mid noqdo Thabo Emabiki markuu dhawaan xilka ka dago.

 

Somaliya ayaa aad shirkaan looga hadli doonaa ayadoo warbixin dheer oo 17 page ka kooban uu Alpha Omar Konari somaliya uga hadlay oo 18 ki bishaan uu u gudbiyey kulankik ay ka yesheen Golaha amaanka iyo nabadda ee Midowga Africa ooiyana warbixintooda usoo gudbinaya madaxda Midowga.

 

 

RABIILE ABDIKARIIM GABANOW

 

 

MUDUGONLINE.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Shirkii Madaxweynayaasha Africa oo ka furmay Addis Ababa.

31. januar 2008

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa ayaa shirkoodii hada ka furmay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya ,ayagoo ay goobta joogaan Madaxda dowladaha Africa intooda badan marka laga reebo Madaxda Xukuumada Casmara.

 

Gudoomiyaha Midowga Africa Alpha Omar oo hada si toos ah uga hor hadlaya Madaxda Africa ,ayaa sheegay in shirkaan waxyaabaha looga hadlayo ay noqonayaan arimaha Suudaan,Kenya iyo Soomaaliya.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dagaalada iyo qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay ka danbeeyaan Kooxo ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo sheegay in looga baahan yahay dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ,ayna muhiim tahay in wada hadal lagalo.

 

Alpha wuxuu sheegay in Ururkoodu waxyaabo la taaban karo ay ka qaban karaan dalka Soomaaliya ,ayagoo Soomaaliya geeyey ciidamo gaaraya 2,500 oo Askari ,kuwaasoo qeyb ka ah CIidamada dowladaha Africa ay geynayaan dowladaha Africa ayna bahoon tahay in ciidamadaasi lasoo dhameystiro.

 

Faahfaahinta kala soco Shabakada AllPuntland.com

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this