Sign in to follow this  
General Duke

Parliments meets in Baidoa.. + MP's must lave Nairobi

Recommended Posts

Baydhabo : Golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya oo qodobo kala duwan oo ay ka mid yihin xil ka qaadidda Shariif Xasan maanta ka dooday.

 

Sabti January 06, 2007

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kalfadhigooda magaalada Baydhabo waxa ay uga doodeen arrimo kala duwan o ay ka mid yihiin sida laga yeelayo xildhibaanada ka maqan fadhiga baarlamaanka.

 

Xill. Xasan Isxaaq Yacquub ayaa waxa uu sheegay in golaha baarlamaanka dawladdu ay maanta ka doodeen sida loola dhaqmayo xildhibaanada dalka ka maqan, iyada oo ay baarlamaanku iska dhex magaacaabeen guddi soo diyaariya qodkaasi, oo tixraacaya xeer hoosaadka golaha baarlamaanka.

 

Mudane Gees cadde ayaa waxa uu cadeeyay in xildhibaanadaasi ay ku tunteen sharciga dawladda Soomaaliya.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in lagu soo qaaday kulankii maanta arrimo ku aadan xil ka qaadista afhayeen baarlamaanka dawalada Soomaaliya.

 

Waxa uu shaaciyay in 84 mudane ay wadaan mooshin ku aadan in xilka laga qaado gudoomiyaha baarlamaanka dawlada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay in uu sharciyada jabiyay.

 

Mar wax laga waydiiyay sababaha keenay in xilligani lagu dhawaaqo arrintaasi ayaa waxa uu sheegay in ay sugayeen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka ee dawlada Soomaaliya.

 

Ugu danbayntii waxa uu xildhibaan Yacquub sheegay in qodobadii ay maanta isku soo qaadeen ay ka mid ahayn ka doodidda miisaaniyadda loogu talo galay xildhibaanada dawladda Soomaaliya, dibna looga balamay.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: Xukuumadda Kenya oo 7 cisho u qabatay in ay dalkeda uga baxaan xildhibaanda Soomaaliyeed.

Sabti, January 06, 2007

 

 

Nayroobi (AllPuntland)- Xukuumadda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ugu baaqday xildhibaanada dawladda Soomaaliya in ay muddo gaaban uga banaxaan dalka Kenya.

 

Qoraal ka soo baxay xafiiska madawaynaha wadanka Kenya ayaa waxa lagu sheegay in muddo ku siman 7 cisho loo baahan yahay in xildhibanada dawladda Soomaaliya ay dib ugu noqdaan wadankeeda.

 

Wariye Liibaan C/Salaan oo ku sugan magaalada Nayroobi ayaa waxa uu sheegay in saxafadda wadanka Kenya ay maanta qodobadaasi si aad ah uga hadashay.

 

Qoraalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in lagu amray waaxda socdaalka ee wadankaasi Kenya in ay ku dadaasho meel marinta go`aankaasi.

 

Waxa ay arrintaasi ka danbaysay iyada oo dhowaan ay kulan qaateen madaxwaynayaasha wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

 

Waxaa la filayaa in wax yaabihii ay ka wada hadleen ay ka mid ahayd arrimahaasi.

 

Waxaa sidoo kale warku intaasi ku darayaa in ciidamada wadankaasi Kenya ay xabsiyada dhigeen tiro ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Nayroobi.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Kenya oo diiday in Taageerayaasha Maxaakiimta dalkeeda hawlo siyaasadeed la yimaadaan

Last Updated::2007-01-06 15:02:38

 

Nairobi:- Waxaa magaalada Nairobi shalay lagu xidh xidhay qaar kamid ah Xildhibaanadii Dowlada Federaalka oo ku sugnaa caasimada Kenya.

 

Dowlada Kenya ayaa bilowday in ay qabato xildhibaanadan kadib markii la sheegay in ay Warsaxaafadeed ay ku dhaliiceynayaan Dowlada Somaliya iyo tan Itoobiya ku qabteen magaalada Nairobi.

 

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in xildhibaanadaasi Viso shaqsi ah ku joogeen magaalada Nairobi ama dalka Kenya ayadoo sheegtay in ay soo qaban doonto dadkii ku xadguba sababa ah ay dalka Kenya u joogaan.

 

Xildhibaanadan ayaa kamid ahaa Xubno ay si weyn isugu dhaw yihiin dhinaca Siyaasada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan.

 

Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubno kale oo Xildhibaano ah oo ay sheegeen in ay dalka Si sharci daro ah ku joogaan.

 

Xildhibaanada la xiray ayaa ahaa kuwo si weyn u dhaliiceeyey DFKMG iyo tan dalka Itoobiya oo ay sheegeen in ay dalka Soomaaliya kusoo duuleen.

 

Dowlada Kenya ayaa ayadu shaacisay in aysan u ogolaan doonin siyaasiyiin si bareer ah u taageersan Maxaakiimtii laga itaal roonaaday in ay dalkeeda si sharci daro ah shirar jaraa'iid ugu qabtaan, taasi oo ay sheegeen in ay wax u dhimi karto xiriirka ka dhaxeeya dalalka Kenya, Somaliya, iyo Itoobiya.

 

Warar dheeraad ah oo aanu hada ka helayno illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaanada ay booliisku su'aalaha weydiinayaan ay ka badan yihiin 4 oo ay gaarayaan 10 xidhibaan.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Waxa uu shaaciyay in 84 mudane ay wadaan mooshin ku aadan in xilka laga qaado gudoomiyaha baarlamaanka dawlada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay in uu sharciyada jabiyay

 

dec_29_2006.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo baxsaday Nairobi gaarayna Baydhabo

 

Posted to the Web Jan 06, 14:39

 

 

Baydhabo (PP) - Xildhibaanno aan tiradood la sheegin kana tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Federaalka, iyadoo la sheegay inay kasoo baxsadeen Nairobi.

 

Xildhibaannada yimid maanta Baydhabo ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ay kal hore u diideen inuu yimaado Magaalada Muqdisho maamulkii Maxkamadaha waxaana wararku ay sheegayaan inay ka soo baxsadeen Magalaada Nairobi ayna ku soo laabteen Magaalada Baydhabo.

 

Sida wararka ka imaanaya Nairobi ay sheegay xildhibaannadaan ayaa waxaa ku raad joogtay Ciidammada Ammaanka ee dalka Kenya oola sheegay inay doonayeen inay xiraan, kaddib markii ay dacaayadao ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya ka baahiyeen gudaha dalka Kenya.

 

Xildhibaannadaan soo fakaday ayaa waxay miciin bideen halkii ay ku sugnayd Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay dacaayaadka ka fidinayeen, waxaana lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Baydhabo, kaddibna magaalada Muqdisho.

 

Baxsadka Xildhibaannadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay ka soo tageen Nairobi xildhibaanno kale oo laga sii daayay xarigga iyadoo ay shalay xireen Boliiska dalka Kenya.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandposmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barlamanka DF oo mooshin la keeney

6 Jan 6, 2007, 11:54

 

Wasiirul dowlha warfaafinta DFKMG ah

Wasiirul dowlaha warfaafinta DFKMG ah ah Sahro Cabdulqaadir oo maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho markii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii Somalia ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay kasoo degto Muqdisho 16 sano ka dib.

 

Sahra Cabdulqadir ayaa sheegtay in maanta intii aysan u soo kicitimin Muqdisho ay ka soo qayb gashey kulan golaha Baarlamaanka KMG ah isugu yimid kaasoo si wanagsan u dhacay waxayna intaa raacisay in looga hadlayey arimo ay ka mid ahaayeen, sidii laga yeeli lahaa xildhibanada aan soo xaadirin fadhiyada Barlamanka, miisaaniyada loogu talagalay xildhibaanada iyo qodobo kale.

 

Kulanka maanta ee Baarlamaanka Baydhabo ku yeeshay ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayey mooshin ka dhan guddoomiyaha Baarlamaanka oo mudanayaal ka tirsan wadaan sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiye Shariif Xasan oo lagu eedeeyay in uu ku tuntay sharciyada dowladda KMG ah, iyadoo arintaasi ay isla garteen in lala sugo guddoomiye ku-xigeenka koowad oo dalka ka maqan.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Cumar Dalxa iyo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

 

January 06- 2007 HornAfrik, Mogadishu

 

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa iyo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka iyo golaha wasiirada oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Dib u soo laabashada mudanayashan oo wasiirada ay ku jiraan ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada booliska Kenya ay shalay qabqabteen qaar ka mid ah xildhibaanada kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xubna aan ku fikir aheyn dowladda fedraalka.

 

Wefdigan oo ka koobnaa 15 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano dowladda ka tirsan ayaa waxaa horkacayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaaka Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

 

Wefdiga ayaa xubnaha la socda waxaa ka mid ah safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka wasiirka arrimaha Haweenka iyo xubna kale oo dowladda ka tirsan.

 

Wasiirka howlaha guud iyo guryeenta Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma dheere oo ka mid ahaa wefdigas ayaa sheegay in cid walba oo dowladda ka tirsan ay qasab ku tahay inuu ka qeyb qaato horumarka dalka maadaama ay dowladda KMG ah ay gacanta ku dhigtay guud ahaan dalka isagoo dhinaca kalena soo dhaweeyey isbadalka ka dhacay guud ahaan dalka.

 

Xubnaha maanta ka soo dagay garoonka magaalada Baydhabo ayaa qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa ka soo horjeeda markii hore siyaasada dowladda waxaana socdaalkooda ku soo beegmayaa xilli saraakiisha Kenya ay shalay xireen qaar ka mid ah xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo mowqifka dowladda qaadacay iyadoo qaarkoodna imminka galeen Safaaradaha ay Baasabooradooda wataan waxaana booliska imminka ka wadaan dalkaas Kenya baadi goobka xubnahaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this