Xudeedi Posted June 24, 2010 Haylaan: Warar hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in Wasiir ku Xigeenka Koowaad ee Amniga Loo Magcaabay Coll Abdi Jamaal Cismaan Maxamed, Warku waxa uu intaasi ku daraya in Madaxwayanha Pl Garowsaday Magcaabista Wasiir xigeenka Amniga Markuu Talooyin badan ka dhegaystay La Taliyaashaasi dhanka Amaanka iyo Coll Cabdi Jamaal oo Booskaasi u dhigma. Coll Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa Mudooyinkan Danbe ku Sugnaa Caasimada Hayland ee Dhahar isaga oo awal Jiray Dhawor Sano Isu taga Emarta Carabta oo uu Hawlo Ganacsi u Joogay. Coll Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa ah Nin aad u Fir Fircoon oo la Jaan qaadi kara Hanaanka Siyaasadeed ee Puntland iyo Tan Somaliya, waxana uu wax badan ka qabtay Amaanka isag oo aan Shaati Maamul wadan, Coll C/ Jamaal Cismaan Maxamed waxa lagu Xasuustaa sida uu uga qayb qaadan Jiray La Dagaalanka xaalufka isaga oo ka mid ahaa Bud dhigayaashii Ciidamada Qaranka ee la Dagaalama Xaalufka kuwaasi oo Saldhig ku leh Caasimada Hayland ee Dhahar. Talaabiyinka Madaxwayne Faroole Ku Dhaqaaqay Ayaamahan danbe ayaa loo Leexinayaan inuu Amaanka wax ka qabanayo oo uu xulanyo dadka deegaanka ee Loo Tirinayo inay Amaanka wax ka bedeli karaan. Wasaarad Amniga ee PL ayaa Wasiir waxa ka ah Gen Yuusuf Axmed Khayr, hase ahaatee lama sheegin ama Dawladu ma qeexin Meesha Loo bedeliyay Wasiir Xigeenkii Hore Ugu xigay Gen Yuusuf Axmed Khayr. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted June 24, 2010 Audio http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=103:wasiir-ku-xigeenka-koowaad-ee-amniga-oo-l amagacaabay&Itemid=121 Quote Share this post Link to post Share on other sites