Cowke Posted June 4, 2010 UJEEDO: Bayaan Jaaliyadda UK ee ***** Posted to the Web Jun 03, 05:20 BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM UJEEDO: TACSI IYO CANBAARAYN KU: DHAMAAN DADWAYNAHA PUNTLAND KU: DAWLADA ETHOPIA KU: MAAMUL KU SHEEGGA SOOMAALILAND KU: DAWLADA PUNTLAND Waxgaradka, odayaasha, aqoonyahanadda, iyo dhaliyaradda jaaliyadda Puntland ee deegan dalkan UK (Ingriiska) ayaa kulan ay ka yeesheen dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay gobolka Cayn, degmada Buuhoodle iyo deegaanka Widhwidh. Jaaliyaddu waxay soo jeediyeen go’aamadan hoos ku xusan oo isugu jira tacsi iyo canbaarayn. Waxay jaaliyaddu: 1.Tacsi u diraysaa naftooda, iyo ehelkooda ay walaalaha yihiin ee ku nool degmada Buuhoodle iyo deegaanka Widhwidh taas oo la xiriirsan weeraradii gardarada ahaa ee ay ku dhinteen dad badani qaar kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana ay qaar kale oo badani ka barakaceen guryahoodii, iyo waliba hantidoodii (Gawaari) oo xaq-darro lagula tagay. 2.Canbaarayn kulul u soo jeedinaysaa Dowladda Ethopia, gardaradii qaawanayd oo sabab-la’aaneed ee ciidamadeedu ay ku soo qaadeen Degmada Buuhoodle, halkaas oo khasaare naf, maal iyo barakac uu ka dhacay. 3.Dawladda Ethopia ka filaysaa inay si dagdeg ah wax uga qabato xasiloonida deegaanka , daris wanaaga iyo xalinta dhibka ay ciidankeedu u gaysteen shacabka Buuhoodle, waxayna uga digaysaa dhicitaanka fal kaas la mid ah oo qalalaase iyo amaan daro ka hurin kara gayiga guud ahaantiis. 4.Cambarayn u soo jeedinaysaa Maamul-ku-sheegga labaxay Somaliland ee weerarka qaawan ku soo qaaday Widhwidh iyo Balihadhac oo ay ka dhaceen khasaare naf, maal iyo barakac loo gaystay shacabkii ku noolaa degaanadaas. Waxa ay sidookale digniin u soo jeedinayaan Maamulkaas in ay ka baxaan deegaamadaas, dhawraanna daris wanaaga. 5. Maamulka Dowladda Puntland ka doonaysaa inay ka soo baxdo doorkii kaga aaddanaa sugidda amaanka dhulka iyo dadkaba ee loo igmaday. 6. Dhamaan dadwaynaha reer Puntland ugu baaqaysaa inay si cad uga qayb qaataan difaaca dalkooda weerarka lagu hayo; sugidda amaanka deegaamadoodda iyo dhowridda sharaftooda iyagoo u huraya naftooda iyo maalkooda. Wa_bi Allahi Towfiiq. Guddoonka Jaaliyadda Puntland UK Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike E-mail:faaraxbotan@hotmail.com Daabacaada: Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites