Sign in to follow this  
General Duke

President Abdullahi Yusuf outlines startegy for national STABILITY

Recommended Posts

Yusuf oo ka hadlay Hal sano kadib

26 Dec 26, 2007 - 7:47:10 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay muddadii sannadka ahayd oo Dowladda Somalia ku sugnayd caasimadda waxyabihii ay qabatay ayaa sheegay inay ugu waaweynaayeen inay dalka ka saareen kooxo uu ku sheegay argagaxiso.

 

Yuusuf oo ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah ee ay la dagaashay Dowladdiisa oo gacan ka helaysa Itoobiya ay ahaayeen kuwo xiriir toos ah la leh Shabakadda Al-Qaacida, isla markaana damacsanaa inay isku ballaariyaan Geeska Afrika oo dhan.

 

"Markii aan jabinnay kooxihii argagaxisada ahaa oo aan ka qabsannay magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ugu horreyso caasimadda Somalia [Muqdisho]; DF waxay billowday inay ka shaqeyso dib u heshiisiinta" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, oo intaas ku daray: "Dowladdu way la dagaalamaysaa koox walba oo ay ku tuhunto inay xiriir la leeyihiin Argagaxisada, mana dhacayso inaan u ogolaanno inay ku fidaan gudaha dalka, taasna waa midda aan ula dagaallanay ICU" ayuu yiri mar kale yiri Yuusuf.

 

Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday in Dowladdu ay qabatay shirkii qaran ee lagu qabtay Muqdisho bilihii July iyo August, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid ay heshiis buuxa ku gaareen beelaha Soomaaliyeed oo dhan.

 

Yuusuf; oo ka hadlay ciidamada Itoobiya ee dalka ku sugan iyo kuwa ka socda dalalka Midowga Afrika ayaa sheegay in sababta loo keenay tahay sidii loo baabi'in lahaa fidno ay dalka ka wadeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa.

 

Wuxuu sheegay Madaxweyne Yuusuf, in DF wadahadallo la galayso xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda, isagoo yiri: "Cid walba oo nabad doonaysa waan la hadlaynaa, balse ma aqbalayno kooxo doonaysa inay gacanna nagula heshiiyaan, gacanta kalena nagula dagaalanto".

 

Mar la weydiiyay Yuusuf sida ay suurogal ugu noqon karto DF inay laba sano ku qabto howl saddex sano qaban wayday ayuu sheegay in xilligii ka tagay aad uga xun yihiin, balse dadaal weyn u galayaan inay labada sano ku dhammeeyaan inta badan howlaha u harsan.

 

Sidoo kale; Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dalka ka qabanqabiyiaan dorashooyin Dimuqraadi ah kuwaasoo dhacaya sannadka 2009, isagoo carrabka ku dhajiyay in cid walba oo doonaysa inay dalka hoggamiso ay isi soo sharraxi karto, balse laga doonayo inay leedahay xisbi la aqoonsan yahay.

 

Ugu dambeyn; Madaxweyne Yuusuf, wuxuu sheegay in Dowladdu waddo dadaallo ay ku doonayso inay dib ugu soo celiso nabaddii iyo kala dambeyntii dalka, isagoo tibaaxay in 80% ay Somalia tahay mid nabdoon, inta hartayna dhameystiri doonaan.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale; Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dalka ka qabanqabiyiaan dorashooyin Dimuqraadi ah kuwaasoo dhacaya sannadka 2009, isagoo carrabka ku dhajiyay in cid walba oo doonaysa inay dalka hoggamiso ay isi soo sharraxi karto, balse laga doonayo inay leedahay xisbi la aqoonsan yahay.

 

Ugu dambeyn; Madaxweyne Yuusuf, wuxuu sheegay in Dowladdu waddo dadaallo ay ku doonayso inay dib ugu soo celiso nabaddii iyo kala dambeyntii dalka, isagoo tibaaxay in 80% ay Somalia tahay mid nabdoon, inta hartayna dhameystiri doonaan.

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

wsomlaia10a.jpg

"80% of Somalia is in the TFG's hands"

 

A strategist of the highest order.

 

The remaining two years will be spent mopping up the armed factions, rebuilding the national institutions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo dabayaaqada Todobaadkan Imaanaya Baydhabo “Carmooyin Exclusive”

 

Warar ku dhow dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu kusoo wajahan yahay xarunta dowladda ee Baydhabo ugu dambeyn maalinta Axada ah ee inasoo aadan.

 

Warar ku dhow dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu kusoo wajahan yahay xarunta dowladda ee Baydhabo ugu dambeyn maalinta Axada ah ee inasoo aadan.

 

Wararka aanu helnay ayaa intaa raacinaya in madaxweynuhu uu maalinta Jimcaha ah ee ina soo aadan soo gaari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya,halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono masuuliyiinta beesha caalamka ee Nairobi jooga.

 

Magaalada baydhabo ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow xoogan oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyada ,waxaana madaxweynaha laga dareemayaa fir fircooni dheeraada,iaydoo caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsan yahay.

 

Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo madaxweynaha ku boqoday hotelka uu ka dagan yahay magaalada London ayaa u sheegay shabakadan in madaxweynaha Jamhuuryadu uu aad u caafiaad qabo.

 

Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu kulamo is daba joog ah la lahaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka ingiriiska iyo siyaasiyiin ajaanib ah oo ay ku jiraan wakiilada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka shisheeye u fadhiya dalka Ingiriiska.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this