Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The French Embassy Welcomes the Expelled Journalists

Recommended Posts

Waxaa xaflad balaadhan oo lagu xusayo saxafiyiin laga soo saaray magaalada Hargeisa ay dhigtay safaarada France uu ku leedahay dalka Kenya xafladaas oo ay kasoo qayb galeen suxufiyiin fara badan iyo waliba dad xaalada dalka Somalia wax badan kala socda.

 

 

Xafladan oo ay safaarada France ay iska kaashadeen UNDP iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay halkaasi kusoo bandhigeen tacadiyada loo gaysto xquuqda suxufiyiinta ka hawlgala gudaha dalka Somalia oo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan.

 

 

 

Suxufiyiintan loo dhigay xaflada ayaa waxaa laga soo saaray xarunta maamulka somalialnd ee Hargeisa iyadoo maamulku uu uqabtay waqti kama danbaysa oo ay kaga baxaan dhamaanba inay ka baxaan maamulka Somaliland suxufiyiintan ayaa ahaa kuwii kasoo barakacay magaalada Muqdisho oo dagaalo ba’ani ka socdaan.

 

 

 

Hadaba suxufiyiintan oo ka koobnaa 39 suxufi oo ah kuwii laga soo saaray magaalada Hargeisa ayaa waxa ay soo saareen baaq ay ku canbaaraynayaan soo saarista laga soo saaray magalaada Hargeisa iyo waliba tacadiga loo gaysto suxufiyiinta ka hawlgala dalka Somalia gudihiisa.

 

 

 

Sidoo kale suxufiyiintan ayaa waxa ay xafladaasi kaga warameen tacadiyada suxufiyiinta iyagoo kasoo sheekeeyay waqtiyadii maxaakiimta oo ay yiraahdeen waxa aysan siin jirin suxufiyiinta illaalo ama xaq dhawr u gaar ah halka ay dowlada Somalia ay gabi ahaanba xuquuqdoodii hor istaagtay kuwa ka shaqeeya magaalada Muqisho.

 

 

halkan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this