Jacaylbaro Posted December 12, 2007 Waxaa xaflad balaadhan oo lagu xusayo saxafiyiin laga soo saaray magaalada Hargeisa ay dhigtay safaarada France uu ku leedahay dalka Kenya xafladaas oo ay kasoo qayb galeen suxufiyiin fara badan iyo waliba dad xaalada dalka Somalia wax badan kala socda. Xafladan oo ay safaarada France ay iska kaashadeen UNDP iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay halkaasi kusoo bandhigeen tacadiyada loo gaysto xquuqda suxufiyiinta ka hawlgala gudaha dalka Somalia oo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan. Suxufiyiintan loo dhigay xaflada ayaa waxaa laga soo saaray xarunta maamulka somalialnd ee Hargeisa iyadoo maamulku uu uqabtay waqti kama danbaysa oo ay kaga baxaan dhamaanba inay ka baxaan maamulka Somaliland suxufiyiintan ayaa ahaa kuwii kasoo barakacay magaalada Muqdisho oo dagaalo ba’ani ka socdaan. Hadaba suxufiyiintan oo ka koobnaa 39 suxufi oo ah kuwii laga soo saaray magaalada Hargeisa ayaa waxa ay soo saareen baaq ay ku canbaaraynayaan soo saarista laga soo saaray magalaada Hargeisa iyo waliba tacadiga loo gaysto suxufiyiinta ka hawlgala dalka Somalia gudihiisa. Sidoo kale suxufiyiintan ayaa waxa ay xafladaasi kaga warameen tacadiyada suxufiyiinta iyagoo kasoo sheekeeyay waqtiyadii maxaakiimta oo ay yiraahdeen waxa aysan siin jirin suxufiyiinta illaalo ama xaq dhawr u gaar ah halka ay dowlada Somalia ay gabi ahaanba xuquuqdoodii hor istaagtay kuwa ka shaqeeya magaalada Muqisho. halkan Quote Share this post Link to post Share on other sites