Sign in to follow this  
Liibaan

Siilaanyo uu soo jeediyey in guri gaar ah loo raadiyo golaha wakiilada

Recommended Posts

Liibaan   

Qaran news; Xisbiga Kulmiye oo Shir guddoonka Golaha Wakiilada ugu baaqay inay aqal u gaar ah kiraystaan

 

Hargeisa (Qaran news)-: Ka dib markii in muddo ah khilaaf xooggani ka dhex aloosmay mudanayaasha golaha wakillada dhexdooad ayaa xaruntii golaha wakiilada Somaliland ee Caasimadda Hargaysa ay isu bedeshay goob faraha ka baxday oo aan wax nidaam iyo kala dambayni k a jirin haba yaraatee. Taas oo isu bedeshay goob jaah wareer, buuq, gacan ka hadal iyo hub urursi sababay in maanta hadh cad ay qaar ka mid ah Xildhibaanada ay baastoolado isula soo baxeen falkaas oo keeni gaadhay dhaawac iyo dhimashoba. Arrintaa ayaa keentay in golihii sharci dejintu noqdo mid amaankiisii faraha ka baxo taas oo qarka u gaadhay inuu dhiig ku daato sababtayna in albaabada loo xidho si nafta xildhibaanada loo badbaadiyo. Sida wararku sheegayaan shir guddoonka golaha ayaa ka masuul ah mashaqaadaas hadhaysay maanta golihii ummaddu soo dooratay ee loo hayn weynaa.

 

Markii maanta arrintaasi dhacday ayaa la sheegay in Guddoomiyhii Golaha Wakiiladu mudane Cabdiraxmaan Cirro u cararay Guriga Guddoomiyaha Golaha Gurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) taas oo la sheegay inuu filaayey in ay si wada jir ah shir jaraa’id u wada qabtaan laakiin Saleebaan Gaal ayaa ka gaabsaday. Mudane Cirro ayaa ku dacwiyey in golihii farihiisa ka baxay oo ciidamada amaanku ka xidheen golihii oo la wareegeen.

 

Haddaba wararkii u dambeeyey ee ka soo baxaya ilo wareedyo ku dhow dhow dhinacyada muranku ka dhex taagan yahay ayaa sheegaaya in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo uu soo jeediyey in xarun ama guri gaar ah loo raadiyo golaha wakiilada oo laga maarmo xarunta golaha mar haddii ay suurtoobi weyday in mooshinkii la fuliyo. Siilaanyo ayaa la soo weriyey inuu arrintaas uu ku cadaadinaayo Shirguddoonka Golaha Wakiilada inay ku dhaqaaqaan tallaabadaas si deg deg ah. Siilaanyo iyo Xisbiga kulmiye ayaa soo jeedin taas ku daray in markaa la helo xarun gaar ah in wakiiladu meel marin karaan xilka qaadista Madaxweyne Riyaale Kaahim. Arrintaas ayaa caawa magaalada Hargeisa aad ugu weyn lagana hadal hayey, dadkuna is weydiinayeen halka ay ku dambeyn doonto iyo wejiga cusub ee goluhu yeelan doono.

 

Dhanka kalena mudaanayaalka Muxaafidka ah oo arrintaas si aad ah ula socday ayaa iyana sheegay inay ku tala jiraan dhinacooda haddii arrinaaas Kulmiye dabada ka riixaayo hirgasho inay iyana dhinacooda raadsan doonaan xarun kale oo ay isla markaasna ay Shirguddoon cusub soo dooran doonaan mar haddiii golihii dumay oo Shirguddoonkiina iskaga tageen oo meel gaar ah kiraysteen.

 

Wararka ka imanaya dhinaca xukuumadda talada dalka haysa ayaa sheegaya in xukuumaddu ku talisay in golaha wakiiladu khilaafkooda dhexdooda ka dhammaystaan heshiisna si deg deg ah u gaadhaan si ay xaruntii wakillada dib ugu furaan oo hawshii ummaddu u soo dooratay u fuliyaan. Xukuumadda ayaa ku boorrisay wakiilada inay danta dadka iyo dalka wax walba ka horraysiiyaan oo aanay dan gaar ah eegin haddii kale wixi dhibaato ah ee dalka ka dhacda dusha waxa ku qaadan doona shir guddoonka golaha maanta hogaamiya. Dhanka Guddoomiyaha xisbiga Ucid Mudane Faysal C. Waraabe lama sheegin halka u ka taagan yahay in shir guddoonku aqal gaar ah u soo kireeyaan mudanayaasha golaha wakillada garabka mucaaraadkku hoggaamiyo.

 

Isku soo wada duubo kala qaybsanaantii iyo xiisaddii ka dhex taagnayd golaha wakiilada ayaa sii xoogaysanaysa waxana soo badanaya wararka sheegaya in masuuliyiinta xisbiaga Kulmiye dedaal ugu jiraan in gar iyo gardarroba lagu meel mariyo mooshinka xilka qaadista madaxweynaha.

 

 

 

Qaran news

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this