Sign in to follow this  
Jacaylbaro

I didn't even know him ,,,, But He is Back anyway

Recommended Posts

Hargeysa(Geeska)- Yuusuf Maxamed Kaahin (Yuusuf Gaydh), oo ka mid ahaa Kooxda Asmara ee ka soo horjeedda siyaasadda dawladda Imbigaati iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya, ayaa shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaalada Djibouti, oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa.

Yuusuf Gaydh, oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ka tirsanaa Baarlamaanka dawladda Imbigaati, waxa shalay madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo dhawr mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.....

 

Xukuumadda Somaliland iyo Wasiirka Daakhiliga ee soo dhaweeyay toona wax war ah kama soo saarin xubintan iyo inuu ka tanaasulay mawaaqiiftiisii siyaasiga ahayd oo ahaa kuwo ka soo horjeeda Madaxbanaanida Somaliland. Hase yeeshe ilo xogogaala oo ku dhow dhow Xukuumada Somaliland ayaa Geeska Afrika xalay u sheegay in imaanshaha Hargeysa ee Mr. Gaydh ka dambeeyay wada hadal muddooyinkii u dambeeyay u socday isaga iyo xukuumadda Somaliland, kuwaas oo lagu doonayay in Somaliland cafis u fidiso, waxaanay wararku sheegeen in Mr. Gaydh soo qortay cafiskaas uu ku dalbanayo in la saamaxo, taas oo xukuumaduna ka aqbashay.

Mr. Gaydh, waxa uu ka mid ahaa koox xildhibaano ah kana tirsanaa Baarlmaanka Imbigaati lana baxay Baarlamaanka Xorta ah kuwaas oo ka degay magaalada Asmara ee wadanka Ereteriya, halkaas oo ay ku aasaaseen Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya. Yuusuf Gaydh, ayaa dhawaan laga saaray Baarlamaanka Imbigaati ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, waxaana lagu bedelay xubin kale oo ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay. Waxa la sheegay inuu Yuusuf Gaydh, ka mid ahaa mid ka mid ah guddoomiyayaasha guddiyada Kooxda Asmara, balse waxa la sheegay inuu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa wadanka Djibouti, halkaas oo uu aakhirkii shalay ka yimid.

Yuusuf Maxamed Kaahin, waxa uu ka mid aha shakhsiyaadkii Somaliland u dhashay ee ka qayb galay shirkii Carta ee lagu soo dhisay dawladii uu Madaxweynaha ka noqday Cabdiqaasi Salaad Xasan.

 

 

Source; Wargeyska Geeska Afrika, o­nline Version...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

JB it depends who wrote the article!

 

Have look at this version

 

Somaliland Oo Si'aada Usoo Dhoweysay Wafuud Kasocota Maxaakiimta Iyo Kooxaha Asm

 

(Hargeisa}23.2-8

" Wafuud Aad ubadan oo katirsan maxaakiimta iyo kooxaha Asmara oo hargeisa kasoo degay iyagoo soomaray Djibouti waxaana madaarka hargeisa kusoo dhoweeyay Wasiirka Daakhiliga Somalidiidka Cabdillaahi Ismaaciil Cirro iyo xildhibaano badan.......................

 

wafti uu hogaaminayo Yuusuf Gaydh, oo ka mid ahaa Kooxda Asmara ee ka soo horjeedda dawladda Somalia horena u ahaan jiray maxaakiimtii islaamka ayaa ka soo degay madaarka Hargeysa, ka dib markii ay ka yimaadeen magaalada Djibouti, oo ay muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaayeen.

 

waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Daakhiliga Somalidiidka Cabdillaahi Ismaaciil Cirro iyo dhawr xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka hargeisa

 

Yuusuf Gaydh, waa sarkaal maxaakiimtii katirsanaa wuxuuna dhalasho ahaan kasoo jeedaa hargeisa maxaakiimta kahor wuxuu ahaan jiray xubin kamid ah baarlamaanka somalia.

 

Sarkaalkan waxaa weheliya saraakiil sar sare oo katirsan golaha maxaakiimta waxayna haatan ku sugan yihiin mid kamid ah hotelada ugu caansan hargeisa halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin masuuliyiinta maamulka hargeisa.

 

imaashaha xiligan hargeisa ee wafuuda maxaakiimta ayaa kusoo beegmaysa xili ay siweyn ugu soo qulqulayaan magaalada laascaanood boqolaal dhalinyaro ah oo kayimi dhanka muqdisho.

 

Sida warku sheegayo dhalinyaradan waxay katirsan yihiin kooxaha is qarxiya ee shabaabka wuxuuna safarkoodu yahay hargeisa halkaas oo ay tababaro kusoo qaadanayaaan.

 

Xafiiska Hargeisa..Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this