Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: fear stalks the city as Al Shabaab Ras-kamboni groups declare war

Recommended Posts

Xoogaga Mucaskarka Raaskambooni oo ku hanjabay inay dagaalka sii wadayaan haddii aysan ciidamda AMISOM Hubka soo wareejiyaan ama dalka isaga bixin, iyagoo Bayaan soo saaray. WAA BURBUR HOR LEH OO LALA DOONAYO MAGAALADA MUQDISHU

 

16 Jan 2009

 

Kismaayo: Xoogaga Urur Diimeedka Mucaskarka Raaskambooni oo uu hogaamiyo Wadaadka caanka ah ee Sheekh Xasan Turki ayaa ku goodiyay inay dagaalka sii wadayaan, ilaamaa dalka lagaga xukumo shareecada Islaamka, iyagoona u jeediyay Ciidamada AMISOM inay hubka soo wareejiyaan ama ay dalka isaga baxayaan.

 

Afhayeenka Mucaskarka Raaskambooni Barre Cali Barre ayaa sheegay in dagaalka uu sii soconayo ilaa Ciidamada AMISOM ay dalka joogaan, isagoona u diray fariin ah in maalmaha soo socda hubka ku soo wareejiyaan.

 

"dagaalka waa soconayaa ilaa kuwa lagu sheegay AMISOM ee saliibiyiinta ah ku sugan yihiin dalka, kuwa kalee la doonayo in dalkan la keeno waan u digeynaa"ayuu yiri Afhayeenkan oo ugu baaqay Mujaahidiinta inay dagaalka sii wadaan oo ay u midoobaan AMISOM.

 

Ugu dambeyn bayaan Kooxdan islaamiga ka soo saartay xaaladaha dalka uu marayo iyo bixitaanka Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Saadaq Maxamed Mursal (Abuu Xamza) isagoona bayaan talooyin ah u soo jeediyay shacabka iyo Mujaahidiinta

 

1· Mucaskarka Raaskambooni marka uu arkay isbadalka ku soo kordhay Dalka Soomaaliya waxa la gudboonaatay in bulshada u soo gudbiyaan baaq arimahas wax ku tara.

 

2· Waxaan ugu baaqeynaa Mujahidiinta meel kasta oo ay joogto in ay mideeyaan sufuuftooda kana fogaadan kala qobqobanata iyo wax walba oo keeni kara qilaaf iyo kala tag.

 

3· Waxaan Alle uga mahad naqeynaa ka bixitaanka Ciidamada Xabashida iyo Daba******ka, taas oo ku timid fadliga Alle, kadibna Mujahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya.

 

4· Waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in aanu weli dhamaan Jihaadka uuna socon doono ilaa uu sharciga Alle noqondoono midka lagu dhaqmo, kufriga lagu zuuliyo Soomaaliya oo idil

 

5· Waxaan si cad uga soo horjeednaa Ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo kuwa cusub ee la doonayo in la keeno Dalkeena, Dowladii isku daydana ay qaadi doonto Mas’uuliyadeeda dhibaatadii ka timaada.

 

6· Waxaan kaloo aan cadeyneynaa in aanu jirin farqiga u dhexeeya Ciidamada AMISOM ee kufaarata ah iyo Ciidamada Ethiopia in sha alah waana la dagaalamidoonaa AMISOM inta ay ku jiraan gudaha Dalkeena ee Soomaaliya

 

7· Waxaan kaloo aan ugu baaqeynaa Mujaahidiinta oo dhan iyo inta jihaadka jecel in ay isku mashquulin meelaha ay cadaowga ka baxaan, taa badalkeedana ay u diyaar garoowaan sii wadida jihaadka iyo sifeenta Dalka

 

8· waxaan Ummadda Soomaaliyeed uga digeenaa arrimaha cusub ee cadowgu uu adegsanayo iyo iska horkeenida shacabka iyo mujaahidiinta iyo dib u soo celinta hogaamiye kooxeedyadii ayaga oo ku gabanaya Ururo diimeedyo.

 

9· Wxaan Ummadda Soomaaliyeed uga digeenaa in ay ka fogadaan abuurida dagaalo sokeeyo iyo kala qeybinta shacabka Muslimka ah, ugu dambeyntii waxa ay mujaahidiitu cadeynayaan inen marna ogalaandoonin Dowlada waliba oo loo dhiso Dalka oo aan sharciga Alle ku maamuleyn,

 

Qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka ayaa ka digay dagaal laga dhex qaado shacabka dhexdiisa, iyagoona u aqoonsaday Ciidamada AMISOM in aanay cadaw aheyd, waxaana Afhayeenka Beelaha ****** Axmed Diiriye uu sheegay in ninkii shacabka ka dhex tuura xabad ay u aqoonsan doonaan cadaw

 

Hanjabaada ka soo baxday Mucaskarka Raaskambooni ayaa ku soo aadaya xilli Ururka Alshabaab ay sheegeen in dagaalkooda ay u wareejin doonaan isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo dagaalo ay ku qaadi doonaan Ciidamada AMISOM.

 

 

Wixii wae ah kala soco somalidoon.com

 

 

(16 Jan 2009) (reads: 6)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is ballaarinta Islaamiyiinta ee Muqdisho iyo dareenka colaadeed ee ka taagan Waqooyiga Muqdisho .

 

January 16 2008 Radiofreesomalia.com

 

Kadib bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxday dareen dadka reer Muqdisho ay ka qabaan dagaalo lagu hoobto oo mar kale ka dhaca Caasimada Muqdisho, bedelkii la filayay inay wax walba xasilooni noqdaan marka ay baxaan Ciidamada Ethiopia.

 

Dareenka cabsida ee ka taagan Caasimada ayaa u muuqda mid kaliya ku kooban Deegaanada dhul dowladeedka ahaa ee markii hore Dowladda KMG ku howl galeysa, taasoo haatan laga dareemayo ifafaalo dagaal.

 

Ciidamada Dowladda ayay haatan soo wajahday xaalad adag, kadib markii inta badan Islaamiyiinta ay qabsadeen Caasimada Muqdisho, waxaa hadaba yar magaca jiritaanka Dowladda oo sida muuqata Magaalada oo idil ay Xoogaga Muqaawamada wada qabsanayaan, isla markaana u muuqata qaab xafiiltan uu ku jiro.

 

Ciidamada Dowladda cabsi ka qaba in la ugaarsado, iyagoo meelaha qaar isku aamini waayeen, isla markaana bilaabay inay isu ekeysiiyaan sida Islaamiyiinta lagu yaqaan iyagoo u baqaya naftooda, waxaana xaalad adag ee heysata tahay mid isa soo tareysa.

 

48-saacadood kaddib bixitaanka ciidamada Ethiopia waxay xaaladdu isu rogtay qaabka duwan sidii markii hore la filayay ee aheyd inay ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee hoos yimaada Sheekh Shariif iyo ciidamo ka tirsan Dowladda inay iyagu degaan goobaha ay Ethiopianka ka baxaan, balse wax walba wey isku qasmeen, waxay noqotay in fariinkii uu go', isla markaana maleeshiya kasta uu camaamad soo xirto, goob walbana uu tago, taas ayaana keentay cabsi hore leh oo xilligan laga dareemo Deegaanada Waqooyi ee horay loogu aqoonsanaa dhul dowladeedka, marka loo eego deegaanada kale oo dagaaladu ay ku bateen, isla markaana dadkii ka yaaceen

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa is weydiinaya tallaabooyinka aan qorshaha ku jirin ee Xoogaga Islaamiyiinta wataan, taasoo ah mid lagu dhul ballaarsanayo, waxaana dadka ay saadaal ka bixinayaan sida wax walba ay isu badali karaan, isla markaana sheekada faraha ka baxdo, hadii ay dhacdo in qolo ay giirato.

 

Hada Cabsida waxay ku soo beegantay dhanka Waqooyi ee Magaalada oo lagu qiyaasayo inay ku sugan yihiin %80 dadka Muqdisho, kuwaasoo isugu jira kuwa ka soo cararay deegaanada dagaaladu ka dhaceen iyo kuwo horay u daganaa.

 

Ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ka socda ayaa iyana dhankooda si gaar ah feejignaan ugu jira, iyagoona ka cabsi qaba in xaalada ay ku soo roganto, waxaana muuqanaya is aaminid la'aan baahsan marka loo eego dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Xoogaga Islaamiyiinta ee aan xadka laheyn.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa markii u horeysay shaki ka muujiyay dhaq dhaqaaqyada Xoogaga Islaamiyiinta ee aan xadka laheyn, isagoona sheegay in heshiiskii Jabuuti aan waxba ka dhaqan gelin.

 

Waxa uu sheegay in caado uu sheegay inay ka jirto magaalada oo ah HA YAACDO ay u ku socdaan wax kastaba, wuxuuna ka digay in shacabka Soomaaliyeed oo markii horeba dhibaateysnaa haatan loo horseedayo dagaallo iyo burbur hor leh.

 

Dhagaxtuur ayaa sheegay in goobo markii hore ammaan ahaa haatan laga abuurayo cabsi iyo qal qal, isagoona sheegay in la doonayo in qax cusub laga bilaabo goobo markii hore deganaa.

 

Sidoo kale Xuseen Siyaad Qoorgaab oo ah Madaxa gudiga isku dhafka xabad joojinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa ugu baaqay Madaxda Islaamiyiinta inay xadeeyaan dhaq dhaqaaqyada Maleeshiyaadka oo aanay wax dhaq dhaqaaq ah sameyn, isagoona u jeediyay inay ku sugnaadaan meelihii qorshaha ahaa ee ay baneeyeen Ciidamada Ethiopia.

 

Qoorgaab ayaa ku baaqay in aan Ciidamada Dowladda loo arkin cadaw, isla markaana la weerarin meelaha ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay in wixii shalay ahaa laga noqday xalay dhalay oo Soomaali wada heshiiso.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay kadib markii Xoogaga Islaamiyiinta ay qabsadeen goobo hor leh oo aan qorshaha ku jirin, iyadoona dadka qaarkiis ay arrintaas shaki xoogan ka muujiyeen.

 

 

RFS _ Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Adeer at least one has relatives in Mogadishu, and has lived there my dear Norf, stop the pretences ya secessionist.

Al Falisiin, but not Al Somali, what nonsense. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

duke. stick to puntland my friend. Mogadishu is off to people such as yourself after inviting the killers of eithopia to our country.

 

After ruining the capital for the past 2 years, i fail to see the genuiness of your concern.

 

by the way, there has been no fighting in mogadishu since your friends those filthy eithopians were kicked out

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali-Pirate so Mogadishu is just yours only? Adeer go take that to the Looters, and don’t get offended by the news. We wish the people well and insha Allah peace.

 

As for Norf adeer, go and preach to the secessionist you are a Somali patriot of the Faisal Warrabe type.

Share this post


Link to post
Share on other sites

duek, mogadishu is for all somalis except the traitors such as abudllahi yusuf who you supported.

 

ANd you seriously expect me to believe your concern for the people of mogadishu? the same people displaced by the war caused by the traitors who brought the filthy of abbaba into our country?

 

seriously duke, your credibility as a somali as sunk very low. Your loyalties i am afraid lies with puntland and not somalia in general as a whole. Your whole demanour is cheerleading puntland and it's leaders.

 

I really dont care if your allegiance is to puntland but quit acting as if you care about mogadishu and it's people

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^Yup including my Grandmother, aunts, uncles and their children my cousins. It’s in my own personal interest my family stay safe in that city.

Good boy.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali-Pirate adeer you have no power to speak for anyone let alone the people of Mogadishu.

The point here is that I and all Somali’s don’t need to see another meaningless war in Mogadishu and those who were anti government like the secessionists are prancing around as if they care. If you cared you would not want disunity.

As for the other comments, it’s the same usual people devoid of ideas and changing their shirts every other day.

 

Deal with the topic, is Al Shabaab, Ras Kamboni and Yusuf InadCade’s land grabs positive?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Juje, I have always been a good lad to my relatives, on both sides, unlike some.
:D

Good boy again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this