Sign in to follow this  
Cowke

So-mafi-land Parliament Bar Brawl AGAIN

Recommended Posts

Cowke   

10798.jpg

 

b2.jpg

 

b3.jpg

 

b4.jpg

 

b6.jpg

 

b7.jpg

 

Halkan Ka Daawada Sawirada Dagaalkii Gacan-ka-hadalka Ahaa Ee Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland Maanta Dhex-maray

 

Hargaysa (Oodweynenews)- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta(Shalay) gacanta isula tegay oo dhulka is-jiid-jiiday, ka dib markii ay gudo-galeen dood xasaasi ah oo la xidhiidha mooshinkii maamuuska ka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee ay hore Golaha ugu soo gudbinyeen 38-ka xildhibaan ee ka tirsan Mudaneyaasha mucaaradka ah.

 

Fadhiga oo uu hagayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hareeraha ka fadhiyeen labadiisa ku-xigeen Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Baasha Maxamed Faarax, ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu mudaneyaasha ku war-geliyey in fadhigan ku guda-gelayaan doodala la xidhiidha mooshinkii xisaanad-ka-qaadista Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ay ku eedeeyeen sharci-jebin iyo khiyaamo qaran ku kaceen.

 

Savages. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi/ Galbeed Oo Feedh la Isla Dhacay.

 

wakiilo.jpg

 

Hargaysa(Jidbaale):- Dooda xil ka xayuubinta maamulka uu Hogaamiyaha ka yahay Riyaale& xigeenkiisa, ayaa ka bilaawday fadhiga golaha Wakiilada..

 

 

Waxa madashii fadhigaasi ka dhex aloosmay dagaal gacan ka hadal ah ay isku fara saareen wakiilada muxaafidka iyo mucaaridka, Iyadoo dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray labada wakiil ee Saleebaan Cawad & Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.

 

 

 

Labadan wakiil ayaa isku maandhaafay hadalo dhex maray qaar kamid ah wakiilada muxaafidka iyo kuwa mucaaridka.

 

 

 

Arrintaas oo ka dibna keentay in labadaasi xildhibaan gacmaha isula tagaan, laguna kala jiiday madasha fadhiga, sidoo kale waxaa daqiiqado kadib ay madasha isku fara saareen Xuseen Ismaaciil oo ka mid ah wakiilada muxaafdika iyo Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah wakiilada mucaaridka.

 

 

 

Wakiilada mucaaridka ee iyagu soo hordhigay golaha mooshinka maamus ka xayuubinta Riyaale iyo ku xigeenkiisa, ayaa doodooda ku dhiibtay in xaalka maamulka maanta ku jiro Riyaale iyo ku xigeenkiisa maamuuska laga xayuubiyo, iyagoo intaa ku daray in Riyaale qodobada distoorka ee 130 ka kooban uu dhamaantood wada jabiyey.

 

 

 

Xaalada Siyaasadeed ee maamulka Hargesa ayaa beryahan aad u qasan, kadib markii mudadii doorashadu dhici lahayd, mar kale dib loo dhigay. taas oo keentay kacdoon shacab oo dad badani ku geeriyoodeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this