General Duke Posted January 16, 2008 Xukun lagu riday maanta 11-maxaabiis Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 16-Janaayo-08 Maxkamadda sare ee gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ruday ilaa 11-maxbuus oo dhamaantood lagu eedeeyay falal amni daro oo kala duwan, waxaana qaarkood lasoo qabtay iyaga oo xiran dareska ciidamada. Maxkamadda ayaa xukunkan ku riday maxaabiistan kadib markii ey isbuucyo ku sugnaayeen xabsi ku meelgaar ah. Inta dabadan maxaabiistan ayaa lagu xukumay xukun ka badan 3-sano oo xabsi aha halka qaarka kale iyana lagu xukumay mudo intaas ka yar. Waxaa kalo lagu wadaa iyana dhawaan in xukun lagu rido maxaaniis kale oo iyana sugaya xukun kuwaasoo siyaabo kala duwan loosoo qabqabtay. Dhawaan ayey hayed markii ciidamada bolisku ey soo qabqabteen dhalinyaro ka ganacsanayay daroogooyink/ muqaadaraad kala duwan, waxaana ey iyagana xukun ka sugayaan maxkamadda sare ee gobolka. Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 16, 2008 Dowlada Soomaaliya oo Xukun ku ridey Dad kala duwan 16 January, 2008 By _Dowladnimo Maamulka gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in Xukumeen dad gaaraya 11 qof, kuwasoo ku eedaysanaa dad kala duwan, ayagoo dadkaan qaar ka mid ah ku eedaysanaayeen falalka amaanka ka soo horjeeda iyo Qaraxyo ay wadeen. Maxkamada gobalka Banaadir ayaa dhageysatey dacwo ay dad ku soo ogayeen Dad kala duwan oo ku cadenayay Eedaysanayaasha falalka loo heysto, ayagoo ugu danbeyntii ay Maxkamadu go'aan cad gaartey. War warbaahinta loogu talagalay oo ka soo baxay maamulka gobalka Banaadir ayaa lugu sheegay in ay Maxkamadu go'aankeeda ku dhawaaqday markii ay aragtay dacwadaha ah loo heysto dad kala duwan ee loo hayo. Qoraalkan ayaa sidoo kale lugu sheegay in Kooxahan lugu xukumay 1, 2 Ilaa 3 Sanno,ayagoo Xabsiga ku dhameysanaya waqtigooda loogu xukumey, ayagoo dadkaan ay yihiin kuwa lugu soo qabtey ayagoo ku labisan Tuutaha ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Maxkamada ayaa sheegtay in looga baahan yahay Talisyada ciidamada dowlada Soomaaliya in ay Maxkamada horkeenaan dadka ku jira Xabsiyada Magaalada Muqdisho. Go'aankan ay gaartey Maxkamada gobalka Banaadir ayaa ku soo beegantey xili ay shalay gudiga Amniga Qaranka ee Magaalada Muqdisho, isku raaceen in Maxkamad lakeeno dadka lugu hayo Xabsiyada Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites