Sign in to follow this  
General Duke

PM names governor of Banadir

Recommended Posts

Ra'iisal Wasaare Geeddi oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Posted to the Web Apr 08, 18:16

 

 

Nairobi:-Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo ku taariikhaysnaa 7 April 2005 summadiisuna tahay Dekreeto Lam.OPM/057/05 ayuu wuxuu ugu magacaabay laga bilaabo 7da bishaan April Mudane Maxamuud Xasan Cali (Cadde) inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.

 

Sida ku cad qoraalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa magacaabistani waxay ka danbeysey sida uu qorayo Axdiga KMG ah iyo qadarrinta marxaladda xasaasiga ah ee dalku ku sugan yahay iyo baahida loo qabo baahinta xukuumadda iyo weliba tixgelinta soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Caydiid,iyadoo sida isla qoraalka ku cad magacaabistaan lagu qorayo faafinta rasmiga ah.

 

Magacaabista Mudane Maxamuud Xasan Cadde ayaa ah tallaabadii kowaad ee ay xukuumaddu xil sare ugu magacawdo maamullada gobollada iyo kan deegaankaba ee dalka Soomaaliya ,iyadoo gobolka Banaadir uu yahay midkii ugu horreeyey ee qorshaha magacaabistan laga fuliyo maadaama uu yahay mid muhiimadiisa leh marka la eego dhinaca xukuumadda oo danaynaysa in la helo nidaam iyo maamul ka hirgala magaala madaxda oo saldhig u ah nabadgelyo ka dhalata dalka oo dhan.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi oo magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

 

Tripoli-08.April.2005 Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo haatan booqashada ku jooga Dalka Liibiya Liibiya wuxuu magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Qoraal uu soo saarey Ra'isalWasaare Geedi ayuu ku sheegay ka dib markii uu la tashi la sameeyey Ra’salwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid in uu u magacaabey Maxamuud Xasan Cali (Cadde) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho.

 

Magacaabistan Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi uu magacaabey Maxamuud Xasan Cali in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay noqon doontaa tii ugu horeysay ee Masuul ka hawlgalaya Gudaha Wadanka la magacaabo.

 

Maxamuud C/raxmaan Rood

SBC Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Brief History of the New Governor of Banadir:

Md. Cadde Xasan Cali Gaabow oo loo magacaabay xilalka guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho wuxuu ku dhashay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir sanadkii 1952-kii, wuxuuna waxbarashadiisa Dhexe iyo Sare ku qaatay Dugsigii Jamaal Cabdi Naasir, isagoo kadibna sanadkii 1979-kii ka qalin jebiyay Jaamacaddii Lafoole. Md. Cadde wuxuu isla sanadkaas 1979-kii ka mid noqday maamulkii guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, isagoo kadibna ka mid noqday Wasaaraddii Dhalinyarada iyo Isboortiga ilaa uu noqday Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Wixii ka dambeeyay 1990-kii wuxuu noqday Ganacsade iskiis u shaqeysta, wuxuuna ku noolaa dalka Jarmalka, isagoo dhowaana ka mid ahaa wafdigii ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi ee socdaalka ku soo kala bixiyeen deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya, waxayna siyaasad ahaan mas'uulkan aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo xilka loo magacaabay wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo magacaabistiisan, isla markaana uu shacabka ugu adeegi doono si daacadnimo iyo Soomaalinimo ay ku jirto.

The appointment of Cadde is wise and very well calculated and I know he has the capabilities to steer the region towards pacification given the chance. If anything he is a local and well respected one. I support him and wish him the best of luck and succes

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this