General Duke Posted October 1, 2008 Muqdisho: “ Wixii ka dambeeya Ciida mawada joogeyno Magaalada Muqdisho Anaga & Kooxaha Nabad diidka ah” Afhayeenka ciidamada Milateriga Soomaaliya. 1. October 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Afhayeenka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sarre Daahir Maxamed Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadayaan talaabooyin ay wax kaga qabanayaan tabarta ama (Awood), kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, labadii todobaad ee lasoo dhaafay bilaabey in ay sarre uqaadaan dagaalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho. G/sarre. Daahir Maxamed Xirsi wuxuu sheegay in uu dulqaadkii ka dhamaaday ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna qirey in maalmihii ay socdeen wada hadalada Mucaaradka & dawladda ay hoos udhigeen howlgallada ay ku adkaynayaan amaanka ayna kula dagaalamayeen cid walboo ka hor imaaneysa amaanka Magaalo Madaxda Soomaaliya. Wuxuu ku sifeeyey kooxaha ka soo horjeeda DFKMGS in aysan xurmeyn Bishii barakeysneyd ee Ramadaan & dadaalada dibu heshiisiinta ee lugu doonayay in Soomaaliya nabad looga dhaliyo, ayna mar walba yihiin kuwa doonaya in ay Soomaaliya ku sii hayaan dhibka maanta yaala. Afhayeenku wuxuu sidoo kale tilmaamay in aysan ciidamada dawladdu dhaafin xeryahooda intii lugu jirey shirarkii dalka Jamhuuriyada Jabuuti, balse wuxuu hada sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday ayna qaadayaan Howlgalo ay hoos ugu dhigayaan awoodo kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo leh magacyo cusub iyo kuwii horeba waxa ay kordhiyeen dagaalada ay ku qaadayaan xarumaha ay degan tahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah goobaha aadka loo weeraray saldhigyada ciidamada Soomaaliya kuwa Midowga Africa iyo dawladda Itoobiya, waxaa sidoo kale intaasi dheerayd duqeynmo si toos ah mar walba loogu qaadayey garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho & Madaxtooyada Soomaaliya. Hadalka masuulkan wuxuu ku soo aaday xili uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed uu qirey in aan mar dambe loo dulqaadan doonin dagaalada ay soo qaadayaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo uu ku macneeyey Madaxweynuhu kuwa dhashay xiligii ay Soomaaliya ka socdeen dagaalada, ayna ku adeeganayaan dad leh dano gaar ah. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2008 Howlgallo ay ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalintu ku wada lug yeesheen oo ka soconaya Dayniile. Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay saaka wadaan howlgalo baahsan oo amaanka lagu sugayo kuwaas oo ka soconaya xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee gobalka Banaadir. Ciidamada ayaa waxaa ay mid mid u galayaan guryo laga shakisan yahay waxaana wararku sheegayaan in howlgalka ciidmadu saaka wadaan uu ku qotomo macluumaad ay soo gudbiyeen kooxaha sirta oo sheegayay in xaafadaaha baaritaanadu ka socdaan iminka ay hoy u noqdeen kooxo nabad diidayaal ah maalmihii lasoo dhaafay. Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha degmada dayniile oo saxaafada la hadlay uu sheegay in degmadu ay gacanta maamulkiisa ku jirto,islamarkaana ay ciidamadu fulin doonaan howlgalo amaanka inta ka dhiman lagu xaqiijinayo. Wali lama oga hadii ciidamdu howlgaladan dad kusoo qab qabteen iyo in kale waxaase saacadaha soo socda aanu idin soo gudbin doonaa wixii warar ah ee arrintan kasoo kordha isha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 3, 2008 Muqdisho: Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo bilaabay Howlgalo amaanka Caasumada Soomaaliya dib loogu soo celinayo. 3. October 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa markale dib ubilaabay Howlgallada ay wax kaga qabanayaan xaalada Amaanka ee Magaalada Muqdisho, oo ay maalmihii ugu dambeeyey ku soo bateen dagaalada lugu soo qaadayo ciidamada dawladda faderaalka ee Soomaaliya. Ciidamada Xooga dalka oo taageero Milateri oo leh dhinacyo kala duwan ka helaya nabad sugayaasha Africa, ayaa bilaabay maalintii shalay ahayd howlgalladooda, waxa ayna ka lug bilaabeen degmada Wadajir waxa ayna wada marayaan Degmooyinka gobalka Banaadir kuwooda ay ka jiraan falalka amaan daro. Masuul sarre oo ka tirsan taliska ciidanka dawladda Soomaaliya ee Milateriga ayaa usheegay Shabakadan AllPuntland in ay howlahan ka dambeeyeen, markii ay dawladda Soomaaliya aragtay in aan laga maarmeyn qaadida talaabooyin wax looga qabanayo awooda kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Sarkaalkiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey falanqeyn dheer ku hayay khariirad weyn oo ku aadan sugida amaanka Magaalada Muqdisho, taasoo ladoonayo in dhawaan lugu howlgaliyo ciidamada kala duwan ee jooga Magaalada Muqdisho. Masuul oo ka gaabsaday Magaciisa kuna sugan Magaalada Muqdisho kana mid ah talisyada ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dawladda Soomaaliya heshay siro badan oo ku aadan dagaalo hor- leh oo ay qorshaynayaan Kooxaha diidan. Dagaaladaasi ayuu sheegay in ay ku doonayaan in ay ku qaadaan Xarumaha ugu mahiimsan ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay hada umuuqanayaan kuwa fashilmay oo ay ogaatay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay howlgallada dhawaan bilaabayama ay qeyb weyn ka noqon doonaan nabad sugayaasha Africa oo ku sugan magaalada Muqdisho, maalmahaan lugu qaadayay dagaalo ay wadeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Howlgalladan & wararka soo baxaya oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Afhayeenka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed G/sarre. Daahir Maxamed Xirsi qireen in aysan dawladdu udulqaadan doonin dagaalada ay soo qaadayaan Kooxaha diidan nabadda dalka Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites