Sign in to follow this  
Siciid1986

Beeneey waa run..gabadhii lagu baahiyey websityada beenta .....

Recommended Posts

Beeneey waa run..gabadhii lagu baahiyey websityada beenta oo nimankii kufsaday noqdeen SSC.

Warkii 05-May-2010 iyo Qormadii: C/xakiim

Waxaa wax lala yaabo ah oo sumcadii umada iyo xeerkii saxaafadaba baab'iyey shabakado aan been mooyee wax run ah qorin,kuwaasoo hadh iyo habeen soo daabaca warar been abuur ah oo waalay dadka qurba joogta ee ay wadankii ugu danbeysey wakhtigii dagaalada sokeeye ee soomaali is uur dooxday,welina ay colaada ay u qabaan dadka kale ee walaalahood ah ee soomaaliyeed ay kala weyn tahay ta ay u qabaan gaalada.

 

Dadka akhrista shabakadaha beenta iyo baroorta,isla markaana caaya qabaa'ilada soomaaliyeed ee kale,sidoo kalena aan halkaas ku ekayne sii wada ilaa ay aflagaadeeyaan ama ka qoraan warar aan sal iyo raad toona aan lahayn jilibyada kale ee aan jilibkooda ahayn,ilaa ay laba walaalo ah midna amaanaan,midna caayaan,taasoo ka yaabisay umada soomaaliyeed.

Akhristoow waxay shabakadahaasi si khaas ah u ceebeeyaan gabdhaha ***********,khaas ahaan kuwa reer Laascaanood,iyagoo wax xun mooyee aan ka qorin wax fiican,si ay dadka uga qariyaan xaqiiqda dhabta ah ee wadanka ka jirta,waxaana ugu danbeeyey been aan geedna loogu soo gaban oo ay warka beenta ah ku sheegeen in gabadh reer Laascaanood ah ay kufsadeen rag ka tirsan ciidanka Somaliland,arintaas oo ay isla dhexmarayaan dadka qurba joogta ah ee colaadaha iyo nacaybka dadka soomaaliyeed wakhtigooda iyo dhaqaalahoodaba ku bixiya.

Hadaba akhristoow waxaa shabakada Ceegaag oo ah shabakadaha yar ee xalaasha ah,ayaa waraystay wiil ay walaalo yihiin inanta la sheegay in la kufsaday,(HALKAN KA DHEGAYSO)wuxuuna ninkaasi sheegay in nimanka kufsaday ay yihiin isla beesha SSC,kuwaasoo hada ciidanku gacanta ku hayaan,oo baadhitaan lagu wado,hadaba maaha markii ugu horeysey ee ay qoraan in la kufsaday gabdhaha reer Laascaanood,iyadoo weliba qaarkood ay talaabo kasta ama wado kasta oo ay maraan raga ku abtirsada gobolka sool ee masuuliyiinta ka ah maamulka Somaliland,iyadoo ay odayaashaas ay caayayaan ay ku jiraan awoowayaal,iyo niman sheekhyo ah oo danbi ay ka galeen aanu jirin.

Tusaale ahaan boga Jibaale oo ay inta kale wararka ka qaataan,sida Boocame,Horufadhi,Riinji, Widhwidh iyo kuwa xaaramiyiinta ah(waa ereygii Maxamed Cabdi Xaashiye) ee Taleex iyo xaysinimo,waxaa ay meel kaga dhaceen sharci kasta oo aduunka u yaala,kan tolnimada,kan muslinimada,iyo naftoodaba,waxayna wakhtiyadii ugu danbeeyey ay saarnaayeen siyasiga ruug cadaaga ah ee Maxamed Cabdi Xaashi,Cali Sandulle,Xaabsade,Sheekh Bashiir,Garaad C/rashiid,iyagoo danbiga ragaasi ay galeen uu yahay oo keliya in aanay jifadooda ahayn,ama aanay ka tirsanayn maamul ay markaan durbaanka u tumayaan.

Waa maxay ceebaynta iyo dagaalka ay kula jiraan hablaha reer Laacaanood shabakadahaasi?mase og yihiin in markay sameeyaan war been ah sida gabadh la kufsaday,in iyaga laftigooda beri lagu caayayo,oo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waran kugu soo noqonaya lama tuuro,taasoo aan uga jeedo,ceebaytna raga aad isku beesha tihiin ama hooyooyinka iyo hablaha reer Laascaanood ogoow in aad cayday walaashaa iyo hooyadaa,isla markaan aad abuurayso xumaan iyo colaad u dhexaysa jifooyinka soomaaliyeed ee ilaahay dhulkaas ku wada beeray.

Wararka been abuurka ahi ma qarsoomaan oo hada waxaa fudud sida war loo helo,aduunka adigaa ku ceeboobaya,aakhirana tii ilaahay baa kaa danbaysa.

Waxaan kula talain lahaa hadii shebekadaha aan kor ku xusnay ay leeyihiin dad damiir leh oo beelaha ay magacyadooda wataan leeyihiin ku dayda shabakadaha kale ee ay leeyihiin dadka soomaaliyeed,joojiyana ceebaynta iyo cayda aad dadka tolkiina ah ku haysaan,taasoo tolka sii kala fogaynaysa,colaadna aan waxba kaaga tarayn.

Hadii rag ilaahay kaa dhigay oo aad wax tabanayso waxaa lagaga baxaa xarago iyo adoo sidii raga u hadla,ama hadaad awoodo cudud isticmaala,balse walaashay baa la jufsday,anigaa la i fuulay,nin baa fiise la siin waayey,oday baa albaab loo istaagay iyo hadalada ay caruurtu isku maaweeliso ragana waa kugu dirtaa colaadna waxba kuu tari mayso.

Waxaa shabakadahaasi ay soo daabaceen oo kale sawiro ay caruuri samaysay oo programka paint ee caruurtu ku cayaarto weji la kala bedelay,iydoo weliba uu garan karo qof kasta oo sawirkaa arka inuu been abuur yahay,taasoo keentay inay beeniyaan dhamaan webebka soomaaliyeed,maxaa ku maydha hadaad hadh iyo habeenba been qorto,so sidii cumar beenaale,markay runta gaadho lagaa yaaci maayo,ragu siyaasad waa isku qaban karaa,waa la kala adkaan karaa,siyaasada waa la kala badin karaa,wax u qor sida nin gob ah ama u caytan sida ina-gumeed.

Xaqiiqdii akhristoow shabakadaha aan kor ku xusnay warka ay qoraan 80% waa been abuur,waxaase qurbaha jooga dad aan iska hubin waxa la qoro oo si fudud beenta u gaadhsiiya meel kasta,kuwaasoo maqaaxiyaha kaga qaxweeeya ceebaynta odayaashoda,iyo magaalooyinkii ay ka soo jeedeen,iyagoo u adeegsanaya arimo siyaasadeed ama dan uu markaa leeyahay.

(HALKAN KA DHEGAYSO WIIL AY WALAALO YIHIIN GABADH LAGU KUFSADAY LAASCAANOOD OO KA WARANAYA SIDAY WAX U DHACEEN.)

 

Qoraalka beent ah ee Lasanod.com,akhriso.

Qoraalkii baant ah ee Boocame oo ay qortay gabadh Ikraam la yidhaahdo

Xaga hoose ka arag,wasirada been abuurka ah ee ay daabaceen webebka baroorta iyo beenta.

Sawirkii laga dhigayey in madaxweynuhu la kulmey Ahmed Yasiina waa kan bal eega.(Madaxa waa Ahmed Yasiin lakiin waxaa loo galiyey sawirka Payne oo madaxweyne faroole ay wada fadhiyaan)

 

faroleiywaydhaqaaqday.jpg

 

Payne_iyo_Farole_oo_kulmaya.JPG

 

Kanina waa kan been abuurka ah.

 

 

 

 

 

Shabakadaha xalaasha ah oo kala ah:

 

Holhol.net

Xargaga.com

Ceegaag.com

kaagayagana isna kur qabyaaladba ha iga noqotee..Afnugaal.com.

 

Shabakadaha xaaraamiyiint ah oo kala ah:

 

Jidbaale oo ah xaaramiga koowaad.

Boocame oo ah xaaramiga labaad.

horufadhi.com,hada xisaabtu yaanay kaa khaldamin.

Taleex iyo Xaysimo iyana ha ka reebin xaaramiyiinta.

Lasanod.com oo ah been abuuraha ugu weyn.

 

http://kalabaydh.ipower.com//warka.php?num=8746

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Nune i thought you were the admin here..

 

Anyways, nothing is lie about the story of the raped women. It's said that she was raped by Somaliland army.. If you saperate your arms from tribal lines simply that undermines your claims of being different. Plus, where are those who argued that their militia are saints with no criminal activities.. Here you go now..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this