General Duke Posted July 26, 2007 Taliyaha booliska oo gudaha s/Bakaaro ka mabnuucay hubka iyo Qaadka.Wed-25-July-2007 audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 26, 2007 Muqdisho: “Ganacsatada qaadka waxaan ugu digeynaa ineysan qaad ku iibin Suuqa Bakaaraha, loona raro goobo ka baxsan” Taliyaha ciidamada Booliska 25. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Booliska dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta digniin ka soo saaray ganacsiga qaadka ee suuqa Bakaaraha iyo hareerahiisa isagoo ugu digay dadka ku iibiyo halkaasi qaadka in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuraan. “Ganacsatada qaadka waxaan ugu digeynaa ineysan qaad ku iibin karin Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska dowladda Federaalka Gen. Cabdi Qeybdiid shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in ujeedada looga rarayo halkaasi ay tahay sidii loo sugu lahaa amniga suuqa Bakaaraha. Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa uu sheegay in buuqa iyo dadka badan ee ku sugan goobaha qaadka lagu iibiyo lagu soo dhuumaaleysto isla markaana kooxaha wax tuuraya ay goobahaasi ku gambadaan. “Shacabka waxaan u sheegeynaa inaan inaga ganacsigooda u dan laheyn, mana ahan ujeedadeena in aan joojino qaadka, waxaanse codsaneynaa in loo raro goobo kale oo ka baxsan suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid. Labo qarax oo nooca bam gacmeedka ayaa maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha iyadoo ay jiraan dad fara badan oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi walow maalmihii u danbeeyay aysan jirin wax qaraxyo ah oo halkaasi ka dhacay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 26, 2007 Iibka jaadka oo laga mamnucay Bakaraha 25 Jul 25, 2007 - 1:53:34 PM Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta amar ku bixiyay in laga bilaabo 26-ka bishan la mamnuucay in qaad lagu iibiyo goobaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa oo uu sheegay iney ugu weyn yihiin afar goobood arrimo la xiriira dhinaca nabadgelyada awgeed. Cabdi Qeybdiid oo maanta ka hadlayey kulan ay yeesheen guddiga amaanka qaranka iyo qaar ka tirsan ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in la isku raacay in la mamnuuco in jaad lagu iibiyo gudaha iyo nawaaxiga suuqa Bakaaraha iyo sidii kale hub si sharci daro ah ay dadweynuhu ku dhex qaataan goobahaasi iyo weliba gaari gacanada ay leeyihiin ganacsatada guur guura kuwasoo isticmaala wadada dhexdeeda si sharci daro ah. Qeybdiid ayaa sheegay in tallabadani ay tahay mid wax ka tareysa nabadgelyada balse aan loola jeedin lagu mamnuucayo ganacsiga Jaadka wuxuuna faray iney u madax banan yihiin dadkaasi iney ku ganacsadan goobaha kale oo aan aheyn hareraha iyo gudaha suuqa. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xili uu is afgarad dhex maray guddiga amniga qaranka iyo guddiga ganacsatada taasoo wax ka badashay xaaladii hore ee uu ku sugnaa suuqa oo aheyd mid gebi ahaanba albaabada loo laabay goobihii ganacsiga. Garowe Online, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted July 26, 2007 ^After it had been cleaned of anything that moves? Quote Share this post Link to post Share on other sites