Jacaylbaro Posted July 26, 2008 Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool saraakiil ka socoda Hay'ada UN Security si ay ugu kuur galaan nabad galyada Gobolka guud ahaan iyo marlxalada Gobolka halka ay marayso kadib la wareegistii maamulka Somaliland uu la wareegay magaalada Laascaanood ku dhawaad muddo sanad ah klana wareegay maamulka Puntland. Saraakiishan oo ay weheliyeen qaar kamid ah masuuliyiinta Hay'ada OCHA iyo HAVOYOCO ayaa waxaa soo dhaweeyay maaulka Gobolka Sool iyagoo sidoo kalena warbixino dheeraad ah kasiiyay sida Gobolka Sool uu u lee yahay nabadgalyada iyo xaaladda haatan ka taagan iyo sida ay shabaka reer Laascaanood u yihiin dad nabada jecel kana shaqeeya. Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool ahna kusimaha Gudoomiyaha Maxamed Faarax Indho buur ayaa waxa uu shir kula qaatay masuuliyiintan ka socday hay'adaha kala gedisan xarunta Gobolka halkaas oo uu warbixin dheer uu kaga hadlayo xaalada Gobolka uu ku siiyay isagoo Gobbolka ku tilmaamay inuu yahay Gobolada ugu nabada badan Somaliland. Sidoo kale qaar katirsan masuuliyiinta UN security ayaa waxa ay ka war bixiiyeen socdaalkoodan ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood waxaana ay ku tilmaameen inuu yahay u kuur galida nabada galyada Gobolka si ay Gobolka uga shqeeyaan hay'adaha UN ku kuwaas oo ay balan qaadeen inay u gudbin doonaan nabada balaadhan ee ay kusoo arkeen kuna dhiiri galin doonaan inay si dahqso leh uga shqeeyaan. Hadaba masuul u hadlay Hay'ada OCHA oo dabagal ku samaynaysay mashruucii hay'ada DRC ay bixiosay kaas oo ahaa ceelashii biyaha macaan ee shanta ahaa ee magaalada Laascaanood ayaa waxa uu sheegay inuu soo arkay inay gabi ahaanba aysan shaqaynayn ceelashaasi kuwaas oo ay istaageen mishiinadii kicin lahaa isagoo xusay inay hadda istaajiyeen inta wax laga qabanayo. Afnugaal News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 27, 2008 Sidoo kale qaar katirsan masuuliyiinta UN security ayaa waxa ay ka war bixiiyeen socdaalkoodan ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood waxaana ay ku tilmaameen inuu yahay u kuur galida nabada galyada Gobolka si ay Gobolka uga shqeeyaan hay'adaha UN ku kuwaas oo ay balan qaadeen inay u gudbin doonaan nabada balaadhan ee ay kusoo arkeen kuna dhiiri galin doonaan inay si dahqso leh uga shqeeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted July 28, 2008 las Anod has improved termendously according to local reports. Alot of people were skeptical of SL resuming power, but most of those skeptics have either had changed of hearts or are on their way. All the 'will take back Las anod' force has died down as reality settled in. Quote Share this post Link to post Share on other sites