Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu security improves..

Recommended Posts

Amaanka Muqdisho oo aad u soo wanaagsanaanaya iyo ciidamada dawlada oo wada hawlgalo baaxadle.

 

Magaalada Muqdisho oo ay dagaalo lixaadle ka dheceen wixii ka dambeeyay 26-April-07 ayaa hada u muuqanaysa mid aad u soo hagaagaysa iyadoo la arkayo markii ugu horaysay mudo 17 sano ah astaamihii lagu yaqaanay caasimada sida Ciidamada Police ka oo wadooyinka lagu daadiyay, Ciidamada taraafikada oo baabuurta kala hagaya iyo sidoo kale Dawlada hoose ee Muqdisho oo markii ugu horaysay 17 sano mudo gaaraysa hawlgashay.

 

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu madaxda u yahay Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ayaa u bilaabay hawlo lixaadle oo lagu xaqiijinayo amaanka muqdisho iyadoo baaritaano aan kala go’lahayn ay wadaan ciidamada amaanka ku shaqada leh.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa ka hadlay amaanka Muqdisho iyo qorshaha dawladu ugu talo gashay isagoo sheegay inay Maamulkiisu uu wax wayn ka badali doono amaanka caasisamada isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yiri maxamed dheere Waxaan samaynaynaa qorshe magaalada oodhan loogu samaynayo qorshe dhamaystiran taasoo ah in marka koobaad lixda jiho ee magaalada laga galo lagana baxo la dhigo baro koontarool oo si baaxale ubaara waxa galaya iyo waxa ka baxaya iyadoo qofaan la aqoonsan uusan gali Karin magaalada kana bixi Karin Sidoo kale waxaa siwayn u wada hawlihiisii shaqo Taliyaha Boliska somaliyeed Coll. Cabdi Xassan Cawaale qaybdiid isagoo kulan oo la qaatay ganacsatada ku amray inay hubka soo wareejiyaan sidoo kalana amar ku siiyay ciidamada policeku inay gacan bir ah ku qabtaan cidii la arko inay khalkhal wado ama qorshaynayso.

 

Marka dhinacyo badan laga eego caasimada waxay u muuqanaysaa mid gashay gacantii loo baahnaa siwayna isu soo badalaysa iyadoo mudada 10 ka cisho ka yar oo ay dawladu sida buuxda uga ariminaysay laga dareemay isbadal dhinacyo badan taabanaya wallow wali ay muuqdaan raadadkii dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this