Sign in to follow this  
Emperor

Hargaysaay Clan can never become a nation

Recommended Posts

Emperor   

HARGEYSAAY QABIIL QARAN MA NOQON KARO!

 

dhaq.jpg

 

Dhawaan Xisbiyadda hoostaga Maamulka Hargeysa ka taliya waxay sameeyeen bannaan-bax lagu baadi goobayo Ictiraaf Dowlad ka dhalata Gobollada Waqooyi Galbeed (GWG)!! Fikraddan goosashadda waxaay gooni u tahay oo kaliya Beelaha ***** oo qiyaastii dega 30% deegaanka hoos taga GWG, Beelaha ***** iyo Gudabiirsi si weyn ayay uga soo horjeedaan nidaamkan gooshashada. Taasna waxaa marag ma doonto u ah in Bannaan-bixii ay qorsheeyeen uu ka dhacay oo kaliya Hargeysa, halka gobollada kalana ama waddanka intiisa kale laga abaabulay bannaan-baxyo lagu taageerayo dowladda KMG iyo midnimada Soomaaliya.

 

WAA MAXAY ICTIRAAFKU? SIDEE BAASE DOWLAD LAGU NOQDAA?

RIYAALE11.JPG

 

Ictiraafku waa aqoonsi diblomaasiyadeed oo la siiyo shacab dowlad dhistay marka ay buuxiyaan shuuruddii dowladnimo, sidoo kale waa in dhammaan beelaha ama shacabka degaankaas deggani ee dowladnimada raadinayaa 100% isku raacsan yihiin habka dowladnimada, raallina ka yihiin hoggaanka maamulkaas ama mustaqbalkooda siyaasadeed ee dambe.

 

Dhinaca xuduudaha waa in la helaa ama ay jirtaa xuduud cayiman oo dunidu ama Qaramada Midoobay ka diiwaan gashan, sidoo kale waa inuu jiraa faraq u dhaxeeya bulshada doonaysa goosashada iyo bulshada kale ee ay ka go'ayaan, taasoo inta badan la tixgaliya, arrimahan soo socda sida: Soohdinta, Luqadda, Diinta, Dhaqanka iyo xidhiidhka qaraabada ama wada dhalashada ee ka dhaxeyn karta labada bulsho.

banki-moon.jpg

 

Haddaba, haddaynu Soomaaliya dib ugu noqono, ugu horreyn ma jirto Soohdinta cayiman oo gumeystihii ka tagay ama xuduud xaddidan oo ka diiwaan gashan Qaramadda Midoobay, Soomaalidu waxay u deggan tahay hab-qabiil, waxayna isku kala soocaan ama isku raacaan abtirsiimada, ma jirto beel si gaar ah dhul gaar u leh, sababtoo ah Soomaalidu waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin dad reer guuraa u badan xoolo dhaqato una guura hadba meesha roobku ka da'o, taasina waa sababta dhabta ee maanta GWG aysan u lahayn beel gaar ahi.

 

calanaka23.JPG

 

Wakhtigii gumeystuhu joogay Soomaaliya raalli laguma noqon joogitaankiisa laguma dhaqmin nadaamkiisii ama xuduuddii uu sameeyay siday doontaba ha ahaatee, balse waxaa bilowday kacdoon hubeysan oo lagaga soo horjeedo, xoodgagii Daraawiishta oo inta badan ka soo jeeday gobollada hadda diidan goosashadda (Sool, Sanaag iyo Cayn) ayaa halgan hubeysan la galay wakhtigaas oo hadda laga joogo 100 sannadood ku dhawaad, waxaana ku nafwaayay halgankaas in ka badan 20,000 oo ruux.

Sidoo kale waxaa jirtay siyaasiyiinta wakhtigaas ka hadlay ammuurtaan, waxaa ka mid ahaa: Micheal Maryama oo sheegay in Soomaaliya tahay 'Hal iyo Nirigteed' oo aan xuduud la kala dhex dhigi karin, taasoo uu uga jeeday inayna suurta gal ahayn in shacabka Soomaaliyeed xuduud loo kala sameeyo, isagoo sheegay inay yihiin shacab isku luqad ah, isku diin ah, isku dhaqan ah.

 

HADDABA YAY DANI UGU JIRTAA DOWLAD KA DHALATA GWG?

JIIDA.JPG

 

Dowlad ka dhalata GWG waxay dani ugu jritaa oo kaliya Beesha *****, guud ahaan iyo gaar ahaanba, waxaana meesha ka baxaya ama taariikhdooda iyo jiritaankooda dambe uu dabar go'aya beelaha kale ee ku dhex nool, kuwaas sida maantaba muuqata ay Hargeysi noqon doonto Xarunta taliskaas, isla markaana ay marti ku noqon doonaan.

 

Xilalka sar sare iyo dhammaan illaha dhaqaalaha sida maantaba muuqata waxaa gacanta ku dhigi doona shakhsiyaad ka soo jeeda Beelaha *****, waxaa laga yaabaa in shakhsiyaad gaar ah oo ay dhaleen ama ay ku kalsoon yihiin u magacaabaan xilal sare, iyadoo dadyowga kale ama beesha caalamka tusaya inay ku dhaqmayaan hab-dimoqraadiya loona siman yahay xukunka.

 

shakhsiyaadkaas waa kuwa ay maanta u adeegsadaan dhinaca saxaafadda (Media), waxaana ka mid ah Daahir Riyaale, Fagadhe, Qaybe, Faratoon, Dalbac iyo kuwo kale (sirta ka dambeysa in la adeegsado shakhsiyaadkan oo kale waa go'aan ay hoggaamiyaashii Jabhaddoodii (SNM) ku gaadheen shir ay ku yeesheen Burco bishii March 03, 1991).

 

Marka aynu ka hadlayno beelaha ***** dhexdooda maamulkaas dheefta ay ka helayaan uma sinnaan doonaan, Habar-Xabuusheed oo u badan dad xoolo dhaqato ah sida maantaba muuqata aan dheef ku heysan waxay noqon doonaan kuwo dulman, halka Beelaha Habar-Magaadle ay iyagu heli doonaan dheefta ugu badan, sida maanta ka muuqata maamulka jira.

 

SIYAASADDA DIBADDA - (A) IGAD IYO ITOOBIYA

111114.jpg

 

Akhristoow, arrimahaas aynu kor ku xusnay iyo kuwo badan oo aynaan sheegin waxay salka ku hayaan sababta dhabta ee bulshada caalamku GWG dowlad ugu aqoonsan wayday, bal aynu hadda u kuur galno siday waddamada Soomaaliya ku xeerani u arkaan in Soomaaliya la kala qaybiyo.

Waddamada ku bahoobay Ururka IGAD oo inta badan ahmiyad dheeraada siiya arrimaha Soomaaliya, iyagoo tixgalinaya wadciga dhabta ee ka jira GWG waxay dhagaha ka fureysteen inay ajiibaan dhawaaqa dowlad-doonka ah ee ka soo yeedhaya siyaasiyiinta Maamulka Hargeysa, boqollaal shir oo arrimaha Soomaaliya lagu falanqeynayay laguna qabtay waddamada deriska ah ayaa loo diiday in maamulkaasi ka qeyb galo, iyagoo sheeganaya dowladnimo, bal dib u raac guul-darrada ay kala kulmeen shirar dhowr ah oo ka dhacay qaar ka mid ah waddamada deriska ah, sida shirkii Carta, shirkii Kenya iyo shirkii Gaambiya, iwm.

 

Itoobiya oo la odhan karo waxay Maamulkaas la leedahay gacansaarka ugu badan taageerada Burco iyo Hargeysa oo kaliya oo aan lahayn Illo dhaqaale oo buuran waxay ka doorbidday inay taageerto Dowladda KMG oo ka talisa, Gobolladda Sanaag, Sool, Bari, Garoowe, Mudug, Galguduud, Hiiraan, Gedo, Bay, Banaadir, Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka oo dhinac walba dhaqaale hodan ka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

(B) JAAMACADDA CARABTA IYO YEMEN

Kuweyt1.jpg

 

Ururka Jaamacadda Carabta oo ay ku bahoobeen in ka badan 22 dowladood oo Carbeed iyagoo tixgalinaya wadciga dhabta ah ee ka jira GWG waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuuleen sidii looga ilaalin lahaa in ***** dowlad yeesho, iyagoo cuskanaya sababo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay:Tuhun ay ka qabaan in maamulkaasi hore xidhiidh qoraal ah ula yeeshay dowladda Israaiil oo carabta aan la tusi karin.

San'aforum.JPG

 

Dowladda Yemen iyo Jabuuti oo ku jira Jaamacadda Carabta, derisna la ah Soomaaliya waxay si buuxda u taageereen midnimadda Soomaaliya.

 

© WADAMADDA MIDOWGA YURUB (EU) IYO INGIRIISKA

cabdullahi_louis_addis1.jpg

 

Sidoo kale Ururka Midowga Yurub (EU) iyagoo qudhoodu ka dharagsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan buuqa iyo qeylada ka soo yeedhaya Xisbiyadda haya talada Maamulka Hargeysa waxay doorbideen inay aqoonsi iyo taageero dhaqaalle siiyaan dowladda KMG ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

DSCN5406.JPG

 

Boqortooyada Ingiriiska oo la odhan karo waxay gumeysatay GWG waxay si rasmi ah u taageertay dowladda DKMG, waxayna dareensan tahay in dowlad ka dhalata GWG ayna suurtagal ahayn haddii aan ogolaansho dhab ah laga helin Beelihii horkacayay Xoogaggii Daraawiishta ee xabadda kala hortagay xilligii uu Soomaaliya joogay.

 

Marka laysku soo wada duubo, ee aynu si dhab ah daraasad ugu sameyno marxaladda siyaasadeed ee ka jirta gudaha Maamulka GWG iyo Arrimaha Soomaaliya ka dhacay ama guud ahaan dareenka ay beesha caalamku ka qabto in Soomaaliya midnimadeeda la dhaawaco, waxaa inoo soo baxaya inayna marna suurta gal ahayn oo aysan muuqan wax jaro ah in Hargeysa iyo Burco Dowlad noqdaan.

 

By:M. A. Noor– mnjeenyo@hotmail.com

South Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakhtigii gumeystuhu joogay Soomaaliya raalli laguma noqon joogitaankiisa laguma dhaqmin nadaamkiisii ama xuduuddii uu sameeyay siday doontaba ha ahaatee, balse waxaa bilowday kacdoon hubeysan oo lagaga soo horjeedo, xoodgagii Daraawiishta oo inta badan ka soo jeeday gobollada hadda diidan goosashadda (Sool, Sanaag iyo Cayn) ayaa halgan hubeysan la galay wakhtigaas oo hadda laga joogo 100 sannadood ku dhawaad, waxaana ku nafwaayay halgankaas in ka badan 20,000 oo ruux.

Sidoo kale waxaa jirtay siyaasiyiinta wakhtigaas ka hadlay ammuurtaan, waxaa ka mid ahaa:
Micheal Maryama oo sheegay in Soomaaliya tahay 'Hal iyo Nirigteed' oo aan xuduud la kala dhex dhigi karin,
taasoo uu uga jeeday inayna suurta gal ahayn in shacabka Soomaaliyeed xuduud loo kala sameeyo, isagoo sheegay inay yihiin shacab isku luqad ah, isku diin ah, isku dhaqan ah.

war heedhe salaadu halkeey iska qabsan la adhay. Hadii ajaanibtii leeyihiin sidaas kor ku xusan maxaa kudhaay brianwashed kid's in Hargeeysa. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bannaan-bixii ay qorsheeyeen uu ka dhacay oo kaliya Hargeysa, halka gobollada kalana ama waddanka intiisa kale laga abaabulay bannaan-baxyo lagu taageerayo dowladda KMG iyo midnimada Soomaaliya.

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL ,,,,,,,,,,,,, Intaas baaba igaga filan inaan ka akhriyo ,,, i'm not going bother reading the rest ,,,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^NO support the UIC :D

 

JB who is crying and why one should cry? Look at the above pics and see how Somali leaders are received by world officials and think of SL, truth is not what u like to hear but often are told lies...

Share this post


Link to post
Share on other sites

wait 6 months ,,,,,,, ICU is not that far u know, and they had a fabulous PICs with the whole world ,,,,,,,,,

 

Remember AbdiQasim ,,,,,,,,,,,,

 

 

don't forget all the loosers ,,,,,,,,,,,,, Pics are not the issue sxb ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

ICU is not that far u know, and they had a fabulous PICs with the whole world

JB, I agree, It seems thou you miss one point, they both represent Somalia and not SL, they both have similar position regarding SL...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this