Sign in to follow this  
General Duke

TFG takes over Burhakabo, Leego and Kuntuwaaray?

Recommended Posts

Ciidanka FS oo gaaray leego iyo Kuntuwaaray oo….!

 

 

Leego, Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidanka Dawlada FS ay ka gudbeen degmada Buurhakaba oo ay saakay ku waabaristeen, islama markaasna ay gaareen tuulada Leego oo Buurhakaba u jira 45 KM dhinaca koonfur bari.

 

Dagaalkii saaka ayaa ciidanka dawlada wax iska cabin weyni aysan ka hor imaan waxaana la sheegay malayshiyaadka gacansaarka lalaahaa maxaakiimta ee halkaas ku sugnaa inay isaga carareen, lama soo sheegin ilaa hadda wax dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Ciidanka Dawlada ayaa hadda la sheegayaa inay ku sii jeedaan dhinaca garoonka diyaaradaha ee degmada Bali-doogle, oo ah meel ku haboon xagga istiraatiijiyada.

 

Dhinaca kale warar aan xaqiiqdooda la hayn oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in la qabsaday tuulada lagu magacaabo Kuntuwaaray, waxaana la sheegayaa in ciidanka qabsaday uu ka yimid dhinaca diinsoor, waxaana ciidankaasi kala jarayaan baa la leeyahay malayshiyaad maxaakiimtu leeyihiin oo ku sugan Jilib iyo Bu,aale.

 

Warkaan Kuntuwaaray weli ma cadda wixii ka soo baxa anaga ayaa idin la soo socodsiin doona.

 

Xarunta wararka waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal u dhaxeeya Dowladda iyo Maxaakiimta oo ka qarxay Buur Hakaba,iyo Ciidamada dowladda oo la wareegay Buur Habaka.

 

Published: 21 October, 2006 11:42

Ciidamada dowladda FS ayaa saakay la wareegay degmada Buur Hakaba,xilli ciidamo ka socda Golaha Maxaakiim ta islaamka ay ku sugan yihiin meelo ku dhaw dhaw degmadaasi.

 

Dagaal qaraar ayaa la sheegayaa in haatan uu ka socda degmada inkastoo aan la sheegin khasaaraha dagaalkaasi uu geystay,waxaana lagu qasbaya ciidamada taageersana a Maxaakiimta islaamka in ay ka baxaan degmada Buur Hakaba.

 

Dagaalka ayaa la sheegayaa in haatan si goos goos ah uu u socdo,waxana wararka qaar ay sheegayaa in ciidamada dowladda FSD ay taageero ka helayaan kuwo ka socda dowladda Ethiopia.

m

Golaha Maxaakiimta Islamka ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay Jihad alka lagu difaacayo,waxaana bilowday in la daabulo ciidamo kor u dhaafaya kumanaan waxaana haatan xarumaha Golaha Maxaakiimta ka socda dhaq dhaqaaq Xoog leh.

Jibriil Nuur Alghamidi

Xafiiska MarkaCadey

 

Muqidisho - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dawlada oo ugu awood sheegtay Buurxabaka Maleeshiyada maxaakiimta taageerta.

 

Allmudug.com 21-10-06 Ciidamo aad u xoogan oo ay leedahay Dawlada Federaalkaa kuna hubaysan gawaarida gaashaaman iyo Madaafiicda goobta ayaa saaka waa barigii la wareegay Degmada Buurxakaba iyadoo maleeshiyadii maxaakiimta gacansaarka lalahayd isaga carareen goobtaas kadib markii madaafiic lagu garaacay intaysan galin ciidanka Dawladu.

 

Madaxa maleeshiyaadka Deegaanka oo ay maxaakiimta Gacan saarka lahaayeen ninka lagu magacaabo Xasan Aadan Buulow oo xalay u waramayay idaacadaha Muqdisho intaan laga qabsan saaka magaalada oo sheegay in ciidamadoodu ay kawar hayaan inay ku soo fool leeyihiin wuxuu ku sheegay ciidamada Tigreega ayna siin doonaan cashar lama ilaawaana ayaan la ogayn sababta ku kaliftay inuu isagaga cararo dagaal la aan Magaaladii uu sheegay inuu ujihaadi doono.

 

Ilo madax banaan oo shabakada allmudug laxariirtay ayaa sheegaya in ciidamada Dawladu aysan la kulmin wax iska caabina iyagoo markay magaalada kusii dhawaayeen riday madaafiicda ka dhacda qoryaha la jiido kadibna ay argagaxeen maleeshiyada deegaanku isagana carareen halkaas.

 

Ciidamada Dawlada ayaa xalay ka soo dhaqaaqay deegaanka Daynuunaay iyadoo la sheegay inay ku wajahan yihiin Garoonka balidoogle oo ah meesha kaliya ee laga quudiyo maleeshiyaadka maxaakiimta wallow ciidamo xoogan oo maxaakiimta ka tirsan ay horfadhiyaan ciidanka dawlada kuna sugan yihiin deegaanka Qordho oo udhexeeya leego iyo Buurxakaba.

 

Dadbadan ayaa filaya in galitaankaan uusan ahayn kii hore oo kale balse uu daba joogo hadalkii uu Madaxwaynaha Somalia ka sheegay Nairobi oo ahaa inuu qaadayo weerar adag oo ka dhan ah maxaakiimta muqdisho oo uu ku sheegay kooxo Argagixiso ah

 

 

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

 

Xafiiska Allmudug Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada FKMG iyo Maxaakiimta oo ka hadlay Xaalada Buur Hakaba

Last Updated::2006-10-21 14:20:11

 

Muqdisho:- Wasiirka Warfaafinta ee DFKMG Md.Cali Jaamac Jaangeli ayaa

ka hadlay qabsashadii magaalada Buurhakaba ee saaka gacanta ku dhigeen ciidamada Dowlada Federaalka.

 

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay halkaasi hawlo amniga lagu sugayo ay ciidamadooda u tageen, kadib markii ay halkaasi soo galeen maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Warsaxaafadeed Maxaakiimta Muqdisho

 

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Midowga Maxaakiimta Muqdisho Shiikh C/raxiim Cali Muudey ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay kusoo duuleen magaalada Buur hakaba, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Shiikh Muudey ayaa sheegay in ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ay xasuuq badan geysteen, walow uu ka gaabsaday inuu sheego dadka la xasuuqay tirada ay dhamaayeen.

 

Afhayeenka Maxaakiimta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid keenayo dagaalo balaaran isla markaana ay ka qaadan doonaan tilaabada ku haboon.

 

Wasiirka Warfaafinta DFKMG

 

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md.Cali Jaamac Jaangeli ayaa sheegay in ciidamada Dowlada Federaalka ay galeen magaalada Buurhakaba kadib markii ay halkaasi weerar kusoo qaadeen maleeshiyooyinka Maxaakiimta Muqdisho.

 

Wasiirka ayaa sheegay in maleeshiyooyinkaasi oo todobaadkan isku aruursanayey degmada Wanlweyn ay gudaha usoo galeen magaalada Buurhakaba, ayagoo halkaasi ka bilaabay arrimo amniga wax loogu dhimayo ayuu yiri Md.Jaangeli wasiirka Warfaafinta DFKMG.

 

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada ay amniga sugeen isla markaana ay magaalada ka saareen ciidamada xooga kusoo galay ee maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Wasiirka ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in ciidamada Dowlada ay wehliyaan ciidamada Dowlada Itoobiya sida ay sheegeen maxaakiimta Muqdisho.

 

Wasiirka ayaa sheegay wararkaasi in ay yihiin kuwo kutiri kuteen ah oo la buun buuninayo ayuu yiri Cali Jaamac Jaangeli.

 

Maxamed Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

BUUR-HAKABA: Gacan ku haynta Degmada Buur-hakaba oo ay la wareegeen Ciidammada Dowladda Federaalka

Posted to the Web Oct 21, 11:27

 

 

Buur-hakaba (PP) - Xoogagga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xoog kula wareegay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay, waxaana la sheegay in halkaas ay kula dagaalameen Malleeshiyo gacansaar la leh Maxkamadaha.

 

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gacan ku haynta Magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ay haatan gacanta ugu jirto Dowladda Federaalka, isla markaana ay ka talinayaan, waxaana la sheegay in dagaalka ay kula wareegeen uu ahaa mid socday xilli yar oo daqiiqado ah , inkastoo aan la xaqiijin weli khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaas.

 

 

Xasan Aadan Buulloow oo ka mid ah Maamulka Degmada Buur-hakaba oo haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose gaar ahaan Deegaanka Leego ayaa u sheegay saxaafadda qaarkeed in ay dowladda Federaalku la wareegeen gacan ku haynta Degmada Buur-hakaba.

 

 

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta weyn ee Maxkamadaha ayaa waxay sheegeen in ay Malleeshiyooyin u dirayaan degmada Buur-hakaba, waxaana ay sheegeen in Buur-hakaba ay la wareegeen ciidammada Dowladda oo ay gacan siinayaan kuwo Ethiopian ah, waa sida ay hadalka u sheegeene.

 

 

Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abu Mansoor) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas lagula wareegay Buur-habaka uu dhacay isla markaana ay iyagu aamisan yihiin in ciidammada dowladda ay taageerayeen kuwo Ethiopian ah, balse ma jiraan wax caddeynayo eedeynta Dowladda oo ay heshay ilaa hada Puntladpost.

 

 

Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ciidammada dowladda ay soo buuxiyeen meel ku dhow Degmada Buur-hakaba iyadoo la sii sheegay inay doonayaan inay gacan ku haynta Buur-hakaba la wareegayaan, kaddib markii dhowr jeer ay halkaas gaareen xubno ka tirsan Maxkamadaha oo sheegtay inay gacanta ku hayaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda FS oo difaacday weerarkii ay ku qabsatay Buur Hakaba iyo Maxaakiimta oo hadfal kale kasoo saaray.

 

 

Baydhabo, Dowladda FS ayaa faah faahin ka bixisay qabsashadii Ciidamada dowladda FS ee degmada Buur Hakaba,oo saakay dagaal ay kula wareegeen iyagoo taageero ka helaya Ciidamo Ethiopian ah sida Maxaakimta ay sheegayaan.

 

Wasiirka Warfaafinta dowladda FS Cali C/laahi Jingili oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa sheegay in dowladda FS ay adkeysay amniga degmada Buur Hakaba.

 

‘’Buur Hakaba waxaa joogay Maleeshiyo daacad u ah qolo la yiraahdo Midowga Maxaakimta,waxaana ciidanka Federaalka ay adkeeyeen amniga degmada’’ayuu yuiri Jangili.

 

Waxaa sidoo kale uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dowladda FS in Degmada Buur Hakaba maalmahaan ay ka socdaan dhaq dhaaqyo ay wadeen maleeshiyaadkii halkaasi laga saaray oo ay ku doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo sida uu sheegay Jangili.

 

Dhanka kale Madaxa Waaxda Warfaafinta oo isaguna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulan balaaran oo ay yeesheen Golayaasha Maxaakimta ayuu ku sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay qabsadeen degmada Buur Hakaba,waxaana wacad uu ku maray in halkaasi laga saari doono ciidamada Cadowga uu ku tilmaamay.

 

‘’Amxaaridii baa qabsatay Buur Hakaba,waxaana dadka deegaanka ay u geysteen dhibaatooyin,taasina ciidamada Tikreegu loogama hari doono’’ayuu yiri Muudeey.

 

Masuliyiinta Maxaakiimta waxaa ay ugu baaqeen shacbiga Somaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan sidii ay dalka uga difaaci lahaayeen Cadowga ay sheegeen in uu kusoo duulay.

 

Dagaalka saaka ka bilowday degmada Buurhakaba ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo mid dayn oo daana u gaysta labada dhinac ee iska soo horjeeda, tan xiligii la la soo doortay dawlada FS ayeysan waxa dagaal ah qaadin waxaase jiray inta badan daan daasi ka imaanayey dhinaca maxaakiimta oo isku fidiyey deegaano badan oo ay ka midtahya degmada Hakaba oo saakay laga qabsaday.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Xukuumadda iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay qabsashada magaalada Buur hakaba.

Sabti, October 21, 2006

 

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Cali C/laahi Jaamac (Jaangali) ayaa shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo waxa uu uga hadlay tagitaanka ciidamada dawladda ee magaalada Buur Hakaba.

 

Jaangali ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada dawladda Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay in ay sugaan amaanka guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya sidaasi daraadeedna ay tagaan meel waliba oo dalka ka mid ah.

 

Wasiirka warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu shaaciyay in ciidamda dawladda ay halkaasi ku soo dhoweeyeen dadkii deegaanka iyo maamulkii ka jiray degmadaasi.

 

Sarkaalka arrimaha warfaafinta ee maxkamadaha C/kariin Cali Muudeey ayaa isna waxa uu shaaciyay in deegaanka Buurhakaba ay soo galeen ciidamada dawladda oo gacan ka helaya xuukuumadda Ethiopia.

 

Waxaa ka soconaya deegaanadaasi abaabul dagaal oo ay wadaan maxkamadaha iyo xukuumadda Soomaaliya iyada oo ciidamada dawladdu ay ku sugan yihiin meel 15 Km dhanka Koonfureed kaga began magaalada Buur hakaba ee gobolka Bari.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kornel C/risaaq Af-gaduud oo sheegay inay sagaal Tekniko ah kala wareegeen Maleeshiyaddii joogtay Buur-hakabo.

 

Mogadishu, Sabti, Okt. 21, 2006 Radio Simba

 

Taliyaha Cutubka Koowaad ee Ciiddamadda DFKMGS, Kornel C/risaaq Af-gaduud, ayaa sheegay inay Ciiddamadooda la wareegeen Sagaal Tekniko oo ay lahaayeen Ciiddamadda Deegaanka ee Degmadda Buur-hakabo ee Gobalka Bay.

 

Taliyaha, oo isagoo ku sugan Magaalladda Baydhabo u waramayey Idaacadda Simba, ayaa sheegay inay Ciiddamadda DFKMGS si nabad ah ku tageen Degmadda Buur-hakabo, wuxuuna beeniyey inay dagaal la galeen Ciiddamadda Deegaankaasi.

 

Taliyaha Cutubka Koowaad ee Ciiddamadda DFKMGS, waxa uu sheegay inay Ciiddamadda la wareegeen Sagaal Tekniko ah oo ay lahaayeen Ciiddamo ka mid ah kuwa Deegaanka.

 

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya hadalka Kornel C/risaaq Af-gaduud ku sheegay inay la wareegeen Teknikadaasi.

 

Dhinaca kale, wararka ugu daambeeyey ee naga soo gaaray Degmadda Buur-hakabo, waxay sheegayaan inay Ciiddamadda DFKMGS ee saakayto la wareegay gacan-ku-haynta Degmadaasi inay haatan ku kala sugan yihiin gudaha Degmadda Buur-hakabo iyo Tuulladda Jameeco oo 10-Km u jirta Buur-hakabo.

 

Sidoo kale, Ciiddamadda Deegaanka ee Buur-hakabo, ayaa la sheegay inay haatan abaabul-dagaal ka wadaan Tuulladda Qardho oo 10-Km u jirta Buur-hakabo, si ay dagaal rogaal-celis ah ugu qaadaan Ciiddamadda DFKMGS ee ku sugan Buur-hakabo.

 

Degmadda Buur-hakabo, ayaa ah Degmo Istaraatijiyad u leh dhinaca Milliteriga, waxayna 60-km dhinaca K/bari kaga toosan tahay Magaalladda Baydhabo oo farriisin dhexe u ah DFKMGS.

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maliishiyo beeleedka C/llaahi Yuusuf oo xoog kula wareegay Buurhakaba

Posted to the Web Oct 21, 05:24

 

 

Xiisado dagaal ayaa ka bilowday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii ay waabarigii saakay maleeshiyo beeleedka Korneyl Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidamo Xabashi ah xoog kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Buurhakaba.

 

Maleeshiyo beeleedka Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa Itoobiyaanka ee la socda ayaa la sheegayaa in ay dhanka Muqdisho usoo dhaafeen magaalada Buurhakaba, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Melez Zenawi amar ku bixiyay in weeraro lagu qaado dhamaan goobaha ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamka.

 

Korneyl Cabdullaahi Yuusuf oo dorraad khudbad ka jeediyay magaalada Nairobi ayaa waxaa hadaladiisa laga dhadhansaday in ay ka go'an tahay dagaal uu la galo Maxkamadaha Islaamka.

 

Cabdullaahi Yuusuf oo khudbadda Nairobi kahor magaalada Adis ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi ayaa lagu waramayaa in khudbadda uu Cabdullaahi Yuusuf ka jeediyay magaalada Nairobi ay aheyd mid ka timid maskaxda ra'iisul wasaare Melez Zenawi.

 

Maxkamdaha Islaamiga ayaa ciidamadii ugu badnaa u diray deegaanka Buurhaba, iyadoo ciidamada Maxkamadaha oo ku hubeysan gawaarida dagaalka iyo hub aad u fara badan ay ku dhaqaaqeen magaalada Buurhabakaba.

 

Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)

Aayaha.com, Muqdisho

nuurdiin007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Jaraa'id: Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Dowlada Federaalka kmg oo gacanta ku dhigtay Degmada Buurhakaba

 

Ciidamada dowladda Federaalka kmg ah oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigtay magaalada Buurhakabo oo ka mid ah Gobolka Bay iyadoo wax qasaare dhimasho iyo dhaawac ah aan halkaasi ka dhicin iyadoo Ciidamada deegaanka oo xiriir la leh Maxaakiimta ay isaga baxeen markii ay maqleen in lagu soo fool leeyahay.

 

Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada dowlada oo watay ilaa 21 gaari oo kuwa dagaalka ah, isla mar ahaantaana ay gacanta ku dhigeen saaka subaxnimadii magaalada Buurhakaba oo 60km u jirta magaalada Baydhabo iyadoo halkaasina aan wax dagaal ihi ka dhicin, Ciidamada Dowlada ayaa ku hakaday meel la yiraahdo Jameeco oo dhowr iyo tobon km u jirta magaalada Buurhakaba dhanka Muqdisho.

 

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka kmg ee Somalia Md. Cali Axmed Jaamac "Jangali" oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in qabsashada ay qabsatay dowlada federaalka inay ku timi ka dib markii ay Maxaakiimta dhaqdhaqaaq ka wadeen deegaanka Buurhakaba taasina ay sababtay buu yiri in Dowlada Federaalka ay la wareegto.

 

Wasiirka Warfaafinta oo sii hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalka kmg ah ay u dul qaadan waayeen carqaladaynta ay ka wadeen ciidamada deegaanka Buurhakaba oo taabacsan Maxkamadaha Islaamiga Waa sida hadalka uu u dhigaye taasoo sababtay buu yiri in guud ahaan lala wareego degmada Buurhakaba.

 

Wasiirka Warfaafinta Mr. Jangalli ayaa iska fogeeyey in ciidamo Ethiopian ah ay la socdaan kuwa Dowlada Federaalka waxa uuna sheegay inaysan jirin ciidamo Ethiopian ah oo lasocday markay Buurhakaba Qabsanayeen.

 

Arrintani ayaa keeni karta isku dhac Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo kuwa Dowlada Federaalka iyagoo kala jooga meel isu jirta ilaa 10km, rajadii laga qabay in waanwaanta laga dhex waday dowlada iyo Maxaakiimta ay sii yaraanayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin dagaalkii maanta ee Buur hakaba

 

 

Buur-hakaba, Dagaalkii maata ka dhacay degmada Buur hakaba ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 6 ruux 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegayaa inay soo gaartay dhinaca midowga maxaakiimta, ka dib markii gaariigii ay saaraayeen oo ahaa kuwa qoryaha xamaara,oo ah nooca loo yaqaan Suu uu la gadoomay.

 

3da qof oo dhaawca ah ayaa la sheegayaa in lagu daawaynayo magaalada Buur hakaba. Waxaa iyana laga qabsaday malayshiyaadkii taabacsanaa midowga maxaakiinta 3 baabuur oo ah nooca qoryuhu saran yihiin.

 

Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cali ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen ciidan uu horkacayo hogaamiyihii laga taagta roonaaday ee Max’ed Cumar Xabeeb max’ed dheere oo isaguna doonaya in dib ula soo noqdo degaamadii horay looga eryey.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Wasiirka Warfaafinta: "Ciidammada Dowladdu waxay u tageen Buur-hakaba sidii ay nabadda ku sugi lahaayeen"

Posted to the Web Oct 21, 17:55

 

 

Baydhabo (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta uu magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa'id Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali, waxaana uu kaga hadlay shirkiisaas jaraa'id Magaalada Buur-hakaba.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ciidammada dowladda ay u tageen Buur-hakaba sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaaladaas, waxaana uu sheegay inay jireen dhibaatooyin ay ka geysteen Maxkamadaha deegaankaas, isagoo sheegay inay jiraan jidgooyooyin ay dhigeen iyo waxyaabo kale oo ay dadka dhibaatooyin ugu geysanayeen.

 

Jangali ayaa daboolka ka qaaday in ciidammada dowladda ay sii joogayaan Magaalada Baydhabo oo ay sii wadi doonaan howlaha ay nabadda ku sugayaan, waxaana uu sheegay in Magaaladaas ay tahay magaalo ay dowladdu maamusho isla markaana aysan ahayn meel ay sidii ay doonaan ka yeeli karaan Maxkamadaha.

 

Dhanka kale, Maxkamadaha ayaa waxay sheegeen in taageerayaashooda ay isaga soo baxeen magaalada, kaddib markii ay dagaal ku soo qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo kaashanaya Ethiopia, balse ma jiraan wax caddeynaya inay kaashanayeen Ethiopian.

 

Buur-hakaba ayaa haatan xaaladeeda lagu soo warrramayaa inay hagaagsan tahay isla markaana aysan ka jirin wax dhibaatooyin ah oo ganacsigeedu si caadi ah u socdo, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in cabsi gelin lagu hayo shacab, kuwaasoo loogu sheegayo in lagu soo weerarayo magaalada si uu Puntlandpost u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka Buur-hakaba.

 

Degmada Buur-hakaba ayaa waxaa saakay gacan ku haynteeda la wareegay ciidammada Dowladda, mana jiraan wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen inay jireen rasaas aan sidaas u badnayn oo la isku weydaarsaday bannaanka magaalada gaar ahaan dhanka buundada Magaalada Buur-hakaba.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this