Sign in to follow this  
General Duke

Former warlords , Ato, Suudi, Qaynyare,report to TFG in Baidoa.. NO JAZZ

Recommended Posts

BAYDHABO: Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo markii ugu horreysay gaaray Magaalada Baydhabo maanta

Posted to the Web Jan 09, 13:38

 

 

Baydhabo (PP) - Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow ayaa gaaray maanta markii ugu horreysay Magaalada baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay halkaas xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo saaxiibbadiisa kale.

 

Xildhibaan Muuse oo saddex maalmood ka hor soo gaaray Magaalada Muqisho ayaan la garanayn sababta dhabta ah ee keentay in xilligaan uu u gudbo dhanka Magaalada Baydhabo, waxaana bixitaankiisa uu ku soo beegmay isagoo aan caddeyn mowqifkiisa siyaasadeed kaddib ku soo laabashadiisa gudaha dalka oo uu ka maqnaa muddo 6- bilood ah.

 

Muuse Suudi oo ka mid ahaa xubnihii argagaxiso la dirirka ee ay ka saareen Muqdisho Maxkamadaha ayaa sheegay markii uu soo dagay inuu saxaafadda u qaybin doono qoraallo uu kaga hadlayo siyaasaddiisa ku wajahan imaantinkiisa dalka.

 

Xildhibaanka ayaa wuxuu ahaa xubnihii sida wseyn uga soo horjeeday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxuuna sheegay hadda ka hor in aanu tagayn Jowhar iyo Baydhabo oo ay dowladdu isku badashay intii ay dalka ku sugnayd ka hor imaantinkeeda Muqdisho oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen.

 

Wuxuu sheegi jiray inuusan doonayn wasiirnimo isagoo ah wasiirka ganacsiga, sidoo kalena uusan doonayn xildhibaannimo, sidoo kalena uusan doonayn wax jago ah oo dowladda ay siiso, isagoo dhanka kalena sheegay inuusan aqoonsanaynba dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu tagay maanta isagoo hadalladas yiri Magaalada Baydhabo oo uu horay u diiday inuu tago.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Maxamed Qanyare: "Dgaalkii Soomaailya waa dhammaaday, balse waxaan dhammaan kala duwanaanta Siyaasadeed"

Posted to the Web Jan 09, 13:32

 

 

Baydhabo (PP) - Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ka sheegay Mgalaad Baydhabo inuu dhamaaday gabi ahaan dagaalkii Soomaaliya, balse aysan ewli dhammaan kala duwanaashaha siyaasadeen ee u dhexeysa Madaxda Dowalda iyo xubnaha aan ku fikirka ahayn.

 

"Waxaan caddeynayaa maanta inuu dhammaaday dagalakii Soomaaliya nooc walba oo uu yahay, balse aysan weli dhammaan kala duwanaashaha xagga fikirka ee u dhexeeya madaxda Dowladda iyo siyaasiyiinta kale" ayuu maanta ka yiri Maxamed Qanyaer Afrax oo maanta kaga qaybgalay magaalada Baydhabo kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qosyka.

 

Maxamed Qanyare ayaa sidoo kale ka sheegay aqoon is weydaarsigaas in aanay aqbalayn wixii hada ka dambeeya in hal qof uu qolka ku xirto siyaasadda dalka Soomaaliuya, waxaana mid aan suurogal ahayn, waxaana u sheegayaan Shacabka Soomaaliyeed inay tixgeliyaan Dimuqraadiyadda.

 

"Dimuquraadiyadda waa in la tixgeliyo, waxaana wax laga xumaado ah in la sheego in lagu dhaqmo dimuqraadiyadda oo iyaduna ay ku xadgudubto Dimuquraadiyadda, waxaan ka soo horjeedana waa middaas aniga Maxamed ahaan" ayuu yiri Qanyare oo sheegay in iyaga ay kula dagaallameen Maxkamadaha Agagaxiso la dirir, iyagiina meesha laga saaray, balse loo baahan yahay inaan dimuqraadiyadda hadda lagu tuman.

 

Waa markii ugu hroreysao oo Maxamed Qanyare uu ka hadlo arrimo Siyaasadda ku saabsan isagoo ku sugan Magalaada Baydhabo, waxaana sidoo kale uu ku soo beegmay hadalkiisaan iyadoo Madaxdii Dowladda ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Suudi Yalaxow oo iska xaadiriyey Baydhabo

Last Updated::2007-01-09 15:09:31

 

Baydhabo:- Waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ahaan jiray Qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho.

 

Muuse Suudi oo ah xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sabtidii lasoo dhaafay 6dii Janaayo kasoo degay magaalada Muqdisho.

 

Suudi ayaa kamid ahaa Qabqablayaashii dagaalka ee xilalka kasoo qabtay DFKMG balse jagooyinkooda laga xayuubiyey markii xoog looga saaray magaalada Muqdisho dagaaladii dhexmaray ayaga iyo Maxaakiimta Islaamiga.

 

Muuse Suudi ayaa si lama filaan ah tagay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlada Federaalka.

 

Suudi oo wakhti kooban joogay magaalada Muqdisho ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo safarka uu dalka dib ugu soo noqday, iyo siyaasadiisa ku aadan DFKMG.

 

Muuse Suudi ayaa horey usoo qabtay xilka Wasiirka Ganacsiga ee DFKMG, balse xilkaasi ayuu in badan sheegay inuu daraadii isaga casilay, xiligii ay hogaamiye kooxeedka uu kamid ahaa ay awooda ku joogeen magaalada Muqdisho.

 

Muuse Suudi ayaa xilkii uu hayey si rasmi ah looga xayuubiyey bishii June kadib markii ay sii xumaadeen dagaaladii ka socday Muqdisho, kahor intuusan dooni yar uga baxsan xeebta Waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Qanyare iyo Cusmaan Caato

 

Waxaa asaguna Magaalada Baydhabo hada ku sugan Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedkii ay Maxaakiimta Islaamiga ka saareen magaalada Muqdisho.

 

Qanyare oo in muddo ah ku sugnaa Baydhabo kadib markii ay Maxaakiimta maleeshiyooyinkooda kasoo saareen gobala dhexe, ayaa laba todobaad kahor gaaray magaalada Muqdisho.

 

Hase yeeshee Qanyare ayaan kusii raagin magaalada Muqdisho, ayadoo la sheegay in ay Dowlada federaalka ku amartay inuu dib ugu noqdo magaalada Baydhabo.

 

Qanyare iyo Suudi ayaa kamid ahaa Wasiiro xilka laga qaaday ayagoo diiday in ay iska xaadiriyaan magaalada Baydhabo xiligii ay dagaalka ka wadeen magaalada Muqdisho.

 

Halka Wasiirka Gaashaandhiga Col.Bare Hiiraale uu ahaa hogaamiye kooxeedkii kaliya ee 27kii bishii May 2006 iska xaadiriyey xarunta Dowlada Federaalka.

 

Bare Hiiraale ayaa ah hogaamiyaha kaliya ee hada ku sugan deegaankii uu horey u xakumi jiray asagoo ku magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG.

 

Waxaa sidoo kale iminka ku sugan magaalada Baydhabo Xildhibaan Cusmaan Caato Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta oo todobaadkii hore soo gaaray magaalada Baydhabo, asagoo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse suudi yalaxow oo gaaray baydhabo kadib amar dawladu ku siisay inuu iska xaadiriyo halkaas.

 

Xaaji Muuse Suudi yalaxow oo ahaa hogaamiye kooxeedkii ugu awooda badnaa ahaana ninkii ugu mucaaradsanaa qabqablayaashii dagaalka ee fadhigoodu ahaa muqdisho intaysan maxkamaduhu ka xayuubin awoodoodii ciidan oo maalmo yar kahor gaaray muqdisho ayaa maanta gaaray baydhabo isagoo ka jawaabaya amar ka soo baxay Dawlada Somalia oo ahaa in qabqablayaasha oodhan iska xaadiriyaan Halkaas si qorshe loogu sameeyo.

 

Magaalada baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarkaa ee Dawlada federaalkaa ayaa hada laysugu geeyay dhamaan qabqabalayaashii dagaalka ee ka ariminayay muqdisho 16kii sano oo lasoo dhaafay iyadoo horay ay ugu sugnaayeen magaalada baydhabo hogaamiyayaasha Maxamed qanyare afrax,Bootaan ciise caalim,Cismaan xasan cali caato,Muuse Suudi yalaxow iyadoo qaarkood ka tirsan yihiin barlamanka Somalia.

 

Arimahan ayaa ku soo aadaya xili maanta madaxwaynaha Somalia uu sicad usheegay in xukuumada somalia ay qorshe udiyaarisay qabqablayaashii dagaalka iyadoo xukuumadu dhamaan qabqablayaashii isugu gaynaysa baydhabo si qorshahaas aan la shaacin loogu bandhigo iyadoo ay yar tahay awood ay ku diidi karaan qorshihii loo soo jeediyo.

 

 

seeraar

qalay2005@hotmail.com

allmudug.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Qanyare oo maanta sheegay inuu dhamaaday dagaalkii Soomaaliya balse siyaasadu weli sideedii tahay.

.

January 09- 2007 HornAfrik, Mugadisho

 

Saynab Abuukar “Baydhabo”

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta sheegay inuu dhamaaday dagaalkii Soomaaliya balse siyaasadu weli sideedii tahay.

 

Hadalkan ayuu ka sheegay Xidlhibaan Maxamed Qanyare Afrax aqoon isweydaarsi ay maanta wasaarada arrimaha Haweenka u qabatay in ka badan 120 qof oo ka tirsan qeyabaha kale duwan ee bulshada.

 

Maxamed Qanyare ayaa sheegay in dagaalka uu dhamaaday balse ay weli siyaasada taagan tahay islamarkaana aaney yeeli doonin in qof kaliya siyaasada uu qol ku xirto, waxa uuna u sheegay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay Dimiqoraadiyada ilaaliyaan.

 

“Waxa la inagu eedeeyey waxa ay aheyd argagaxiso la dirirka xilligii dagaalka noo dhaxeeyey xitaa madaxwayne C/laahi Yuusuf waxa uu la safnaa kuwa argagaxisada ah waxaana dowladda ay sheegtay in dagaalkaas uu u dhaxeeyey inaga iyo shacabka Muqdisho ku dhaqnaa”ayuu yiri Maxmed Qanyare.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare waxa uu xusay inay hayaan xog ku aadan kuwa argagaxisada ah inay doonayaan inay dib dalka ugu soo laabtaan, waxa uuna intaas ku daray inuu ayidsan yahay hadalka dhawaan ka soo yeeray madaxwaynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf ee ku aadanaa inuu ka soo horjeedo in heshii lala furo kuwa argagaxisada ah.

 

“Waa inaan iska dhicinaa dhammaanteen kuwa doonaya ama Ninka doonaya in siyaasada uu dagaal qori ah u badalo, siyaasadana waa ay sii socon doontaa weligeed waxa aana taageersanahay ama aan ayidsanahay oo aan raacsanahay waxa ay tahay Dastuurka”ayuu Maxamed Qanyare intaas sii raaciyey.

 

Hadalka Xildhibaan Maxamed Qanyare oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dhamaan hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ay imminka ku sugan yihiin magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo maantana uu ku soo biiray xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo si weyn magaalada Baydhabo loogu soo dhaweeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalka Xildhibaan Maxamed Qanyare oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dhamaan hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ay imminka ku sugan yihiin magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo maantana uu ku soo biiray xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo si weyn magaalada Baydhabo loogu soo dhaweeyey.

Its a refreshing change from the usual..The former strongmen are heeding the TFG calls for once, I wonder what has changed?

Share this post


Link to post
Share on other sites

These guys are just trying to get their 10k Mp checks LOOOOL. It's good that they have been sterilized and are working for a better Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The cyber warriors were hoping the old warlords would start their anti government rehtori, but no all we hear is nice words and some what good actions, they are no more than the other MP's. Which is great.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GD

 

Some people don't want no stability in Somalia. They will support the ICU one week and the Warlords the next. oppurtunist are everywhere and they are more defeated then ever.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I have been a member of this site for a long time, some courts supporters used to support the warlords before, this it was never about faith, but about keeping the status quo as it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaneyaasha Baarlamaanka kmg oo loo qeybiyey Sharciga xaalada degdega ee dalka Somalia lagu soo rogay

 

Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka federaalka km gee Somalia oo fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa maanta loo qeybiyey Sharciga Xaalada degdega ee dalka Somalia lagu soo rogay taasoo ay horey u ansixiyeen golaha Wasiirada.

 

Mudanayasha Baarlamanka ayaa ka doodi doona sidii wax loogu dari lahaa ama loogu kordhin lahaa sharcigan qabyada ah oo la doonayo in dalka Somalia si dhaqsi leh wax loogu qaban lahaa.

 

Kasoo qeyb galayaasha mudanayaasha Baarlamaanka ayaa tiradoodu dhameyd 166 mudane iyadoo markii ugu horeysayna uu kasoo qeyb galay Md. Xaaji Muuse Suudi Yalaxow isagoo aad ugu faraxsanaa ka qeyb galka kulanka Baarlamaanka oo ahayd markii ugu horeysay uu soo xaadiro.

 

Kulanka marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa Xaaji Muuse Suudi ay is gacan qaadeen inta badan Xildhibaanada Dowlada iyagoo sikala gooni gooni ah u shiray waxaana markii danbe is raacay saaxiibada Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare oo horey u sheegi jiray inaysan tagi doonin Baydhabo iyo Jowhar oo ay dowladu daganayd.

 

Sidoo kale waxaa isna la dhaariyey xildhibaan cusub oo magaciisa la yiraahdo Cabdi Axmed Xaaji Faarax oo badalay allaha u naxariistee Marxuum Mire Xaaji Faarax oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this