Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: Tadumun Organization Creating Self-Employment For Youth. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

Hay’ada Tadamun oo Puntland Ka Hirgalisay Barnaamij Shaqo Abuuris Loogu Sameynayo Dhalinyarada oo ay Ku Deeqday Dowlada Japan (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) Hay’ada Wadaniga ee Tadamun ayaa maanta soo gabagabeysay tababar mudo 10 maalmood ah uga socday magaalada Boosaaso dhalinyaro ka mid ah kuwa ka haray waxbarashada dugsiyada kuwaasi oo hay’adu ay u fidisay mashruuc shaqooyin loogu abuurayo.

 

Tababarkan oo ka dhacay xarunta hay’ada Tadamun ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgalay 56 dhalinyaro ah kuwaasi oo 28 ka mid ah ay ku sugan yihiin magaalada Boosaaso, halka 28 kalena ay ku sugan yihiin magaalada Garowe.

 

Madaxa mashaariicda ee hay’ada Tadamun Bashiir Cali Aadan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dhalinyaradan ay ka mid ahaayeen 320 dhalinyaro oo hay’adu ay dhowaan siisay tababar ku saabsan abuurista ganacsiyada yar yar kaasi oo loogu magac daray (start up your business). Waxaana mashruucan maalgeliyey dowlada Japan oo soo marsiiyey hay’adaha UNICEF iyo Ururka shaqaalaha adduunka ee Qaramada Midoobay (ILO).

 

Bashiir Cali Aadan ayaa sidoo kale sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay qorshayaasha shaqo buurista iyo dhaqancelinta dhalinyarada shaqo la’aantu heyso, waxaana uu xusay in qof kasta oo ka mid ah dhalinyaradaasi uu heli doono lacag uu ku bilaabo ganacsi fudud.

 

Guddi ka kooban lix xubnood oo ganacsato ah ayaa loo saaray soo xulida xubnaha dhalinyarad, kuwaasi oo iyaguna dhalinyarada u diray qoraalo ku saabsan abuurista hindisayaal ganacsi ka dibna qiimeyn lagu sameeyey. Waxaana guddigu ugu dambeyntii ka soo dhex saaray 28 dhalinyaro ah, waxayna dhalinyaradaasi ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso.

 

Maamulaha guud ee hay’ada Tadamun C/laahi Sheekh Xasan oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhalinayarada ku guuleystay mashruucan shaqo abuurista inay si wanaagsan uga faa’ideystaan oo aysan ku lumen lacagaha meel aan ku habooneyn.

 

C/laahi Sheekh Xasan Wuxuu intaa ku daray in qof kasta oo lacagtaasi helayo laga rabo damiin iyo inuu soo gudbiyo qaabka uu doonayo inuu shaqada ku bilaabo si loogu maalgeliyo. Haddii uu ku guuleystana ay jiri doonaan lacago kale oo dhiirigelin ah oo ay heli doonaan.

 

Munaasabadan waxaa ka hadlay gabar ka mid ka mid ah 28 dhalinyarada eek u guuleystay mashruuca oo lagu magacaabo Shukri, waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay mashruucan iyadoo intaasi raacisay inay furi doonto carwo dharka lagu iibiyo oo ay ku shaqeysato.

 

Ku xigeenka duqa magaalada Boosaaso oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo hirgalinta mashaariic noocan oo kale ah, kuwaasi oo uu sheegay inay dhiiri gelin u yihiin dhalinyarada shaqooyinka waayey eek u nool dalka kuwaasi oo uu sheegay inay danta ku kalifto inay tahriib galaan ama ay burcad badeed noqdaan.

 

Ku xigeenku duqa Boosaaso ayaa ku waaniyey dhalinyarada inay dadaalaan oo ay ka faa’ideystaan mashruucan oo wax tar u yeelan kara mustaqbalkooda iyo kan qoysaskooda.

 

Dhalinyaradan ku guuleystay mashruucan shaqo abuurista ayaa guud ahaan gaaraya 56, waxaana 28 ka mid ah ay joogaan magaalada Boosaaso.

 

Dhalinyaradan ka faa’ideysatay mashruucan 21 ka mid ah waa wiilal halka badhuhuna ay yihiin 7 xubnood.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

dhalin1-300x224.jpg

 

dhalin4.jpg

 

dhalin3.jpg

 

dhalin2.jpg

 

degmada.jpg

 

MASUULIYIINTA-TADAMUN.jpg

 

dhalin7.jpg

 

dhalinyarada1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this