Sign in to follow this  
Gabbal

Imaanshaha Ciidamada Itoobiyanka Iyo Samaynta Nabada Gobalka Gedo: An Eye Witness A

Recommended Posts

Gabbal   

Imaanshaha Ciidamada Itoobiyanka Iyo Samaynta Nabada Gobalka Gedo: An Eye Witness Account.

 

Beryahaanba waxaa soo kordhayay ismaan dhaaf u dhexeeyay odayaasha nabadoonada ah iyo qabqablayaasha ururka SNF-SRRC garabkiisa gacansaarka la leh Itoobiyaanka.

 

Khilaafkaan oo aad u sii waynaaday ka dib markii odoyaasha nabada ee beesha Sade oo uu hogaanka u yahay wakiilka Ugaaska Nabadoon Sheekh Maxamed Xaadle ay soo gabageeyeen heshiiskii mudada dheer qaatay, kaasoo dhexmaray beelihii ku dagaalamay degmada B/xaawo bartamihii sanadkan. Nabadoonadu iyagoo kaashanaya shacabka intiisa kale ayay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay in la soo xareeyo dhamaan maleeshiyooyinka ka maqan magaalada sida kuwa beesha Howraarsame.

 

Guulaha ay odoyaasha gaareen ayaa noqday mid si wadajir ah uga caraysiiyay saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka ah ee xuduuda ku sugan iyo kuwa SNF-SRRC. Sababtoo ah awooda nabadoonada oo ah mida dhabta ah ayaa meesha ka saaraysa awooda dhalanteedka ah ee SNF-SRRC iyo xulufadooda. Iyadoo dhowaanahanba la is waydiinayay jiritaanka ururka SNF-SRRC maadaama uu hogaamiyahoodii Maxamuud Sayid iyo ku xigeenadiisii ay xubno ka noqdeen baarlamaanka dowlada ku meelgaarka ee Soomaaliya, ayaa hadana waxaa soo korodhaya khilaaf soo kala dhexgalay saraakiil beeleedyadii sheeganayay ururka SNF-SRRC ee gobolka ku haray.

 

Saraakiil beeleedyadan oo ay kala hogaaminayaan Col. Baalle iyo Xasan Dheere(Labaduba hadda ka hor laga eryey magaalada B/Xaawo kuna sugan magaalada Maandheera) ayaa mid waliba sheeganayaa inuu yahay ku simaha ururka SNF-SRRC oo jiritinaankiisu gabaabsi ku jiro iyo iyagoo ku kala doodaya in nabadii Baled-xaawo ay soo gabagabowday oo loo baahan yahay in la bilaabo nabadayntii Luuq oo uu qabo Jamaal Xasan Sareey iyo saraakiil kale.

 

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xaaladan ka taagan aaga Daawo ee gobolka Gedo ay sii murugtay ka dib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya saraakiisha milateriga ah iyo kuwa sirdoonka ah ee Itoobiyaanka ah, kaasoo ku saabsan habkii ay u wajihi lahaayeen xiriirkii ay la lahaayeen jabhadaha Somaalida ka dib samaysanka dowladdii Soomaaliyeed.

 

Saraakiisha sirdoonka ayaa ku doodaya in Somaliya ay dowlad u samaysantay loona baahan yahay in dowladaas la taageero oo si qayaxan ugu sheegay saraakiisha SNF-SRRC oo dhamaantood ku sugan Dolow haatan inay wixii khilaaf ku xaliyaan gudahooda. Halka kuwa militeriga ay doonayan inay sii wadaan xiriirkii aya la lahaayeen SNF-SRRC oo ku wada maaweelo si aysan uga xoroobin gacan ku hayntooda.

 

Wararka Dolow ka soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha SNF-SRRC garabka Xasan Dheere iyo kuwa milateriga ah ay galeen heshiis hoosaad ay ku keenayaan in hal unug oo ciidanka cadowga Itoobiyan ah la geeyo magaalada Baled-Xaawo, kuwaasoo mudo saddex casho ah halkaas joogi doono, oo ku qasbaya odayaasha in dhamaan maleeshiyooyinka la isugu keeno aaga Malkaariyay oo 7KM u jirta B/xaawo.

 

Arrinkan la xiriira u rarida maleeshiyooyinka ayaa ah mid ku jiray qodobo dhowr ah oo uu soo jeediyay Maxamud Sayid ka hor intuusan xubin ka noqon baarlamaanka. Qodobkan ayaa xudun u ahaa muranka soo kala dhexgalay saraakiisha goobta ee SNF-SRRC. Mr Xasan Dheere oo mudo badan ku dhaganaa qodobkan meel marintiisa ayaa u muuqda haatan inuu ka sito ninka ay aadka isu hayaan ee Koreneel Baalle.

 

Markii ay odoyaasha maqleen wararka sheegaya imaanshaha ciidamada Itoobiyanka ayaa markiiba u fasirtay mid lagu mijixaabinayo dadaalkooda nabadeed laguna abuuranayo qalaalase cusub oo dhex mara beelihii heshiiyay. Waxaase la yaab leh in odoyaashii iyo dadwaynihii la rafaadsanaa colaada iyo abaaraha iyo nabadaynta lagu amray inay diyaariyaan martisoorka ciidamada cadowga Itoobiyanka ah ee imaanaya.

 

Xamdi A.Cali

 

Gedonet, Daawo, Gobalka Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this