xiinfaniin Posted January 9, 2009 Muqdisho: Al- Shabaab oo qirtay in ay qaladaadyo badan galeen. 9. januar 2009 - APL Muqdisho(AllPuntland)- Ururka AL- Shabaab oo ka mid ah Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa qiray in ay galeen ayna qaateen talaabooyin qaldan, waxaana hadalkan kaga dhawaaqay Magaalada Buur-Hakaba qaar ka mid ah Madaxda Ururkaasi. Afhayeenka Ururkan Muqtaar Roobow Cali ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan qaladaadyo badan oo ay galeen Kooxdoodu, ayna markan wadaan sidii ay dib u eegilahaayeen waxna uga qaban lahaayeen. Afhayeenkan ayaa hadal ujeediyay dad badan oo iskugu soo baxay Magaaladaasi, oo aan waxba badan ka fogeyn Magaalada Xarunta u ah baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo, isagoo ay garab taagnaayeen rag Madaxyadu uqarsan yihiin. Muqtaar Roobow ayaa tibaaxay in ay Kooxdoodu gaartay hadafkoodii ay lahaayeen oo ahaa in ay ciidamada Itoobiya ka saaraan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna guul kama dambeys ah ku sifeeyey in ay awoodoodii joogto meesha ay horay ujoogtay. Roobow wuxuu shaaciyey in ay Maalin walba ku soo biiraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanada Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya qaar kamid ah oo hubkoodii wata ay ula yimaadeen oo ay soo dhaweeyeen. Al- Shabaab ayaa lugu tirayaa ururada ugu dagaalka badan ee gudaha Soomaaliya, ayna qaladaadyo badan ku galeen dagaalkaasi, waxaana lugu eedaynayaa oo ay ku eedeeyeen Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha in ay amaradooda ku diideen in Hay'adaha Samafalku ay caawiyaan dad badan oo ku sugan gudaha Soomaaliya oo ka cararay dagaalada ka socda guryahoodii oo kuyaala Magaalada Muqdisho. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted January 9, 2009 A good start indeed. Will we be expecting a reformation of a sort then? Or is this press release a soundbite deemed appropriate for the today's propaganda propagation? The salient question that begs to be asked is: will the A-S ever warm up to the idea of partaking in national reconciliations, alongside Sheikh Shariif? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chimera Posted January 9, 2009 summary dear brothers? Quote Share this post Link to post Share on other sites