Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland forces crackdown on criminal/terror networks

Recommended Posts

gaalkacyo2.jpg

 

Gaalkacyo oo ay ka socdaan Hawlgalo Amni sugid ah (Dhageyso)

 

Tuesday, May 26th, 2009 at 8:13 pm

Cali Ahmed

Horseed Media

Gaalkacyo, Puntland

 

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogleh oo amniga lagu sugayo, ayadoo ciidamada amniga ay si gaar ah u baarayaan gaadiidka.

 

Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Col. Maxamuud Cabdulqaadir Xassan Cadde (Sumeysane) oo Horseed Media uga waramay ayaa sheegay in hawlgalada amaanka lagu sugayo looga gol leeyahay sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada, asagoo sheegay inay baaritaan ku wadaan gaadiidka aan taarikada lahayn iyo kuwa kale ee muraayadaha madow ee badanaa lagu fuliyey falalka amniga ka dhanka ah.

 

Taliyaha ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen hawlgaladooda oo ay si fiican u socdaan.

 

Taliyaha Saldhiga ayaa sheegay inay jiraan kooxo isku xirin oo shabakad ah oo u yimid inay khal khal geliyaan amaanka magaalada Gaalkacyo. Taliye Maxamuud ayaa sheegay inay qabteen qaar kamid ah dadka ka yimid koonfurta Soomaaliya asagoo si gaar ah usoo hadal qaaday magaalooyinka Beledweyne iyo Kismaayo. Wuxuuna sheegay Taliyaha inay qaar baxsadeen.

 

Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in sii wadi doonaan kana feejignaan doonaan kooxaha doonaya inay khal khal ku abuuraan magaalada Gaalkacyo oo ah xadka uu maamulka Puntland la leeyahay koonfurta Soomaaliya ahna magaalada labaad ee ugu weyn gobolada Puntland.

 

Source: Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this