General Duke Posted July 24, 2007 Abuu Quteyba Oo La Sheegay In Loo Dilay Fal Aar-goosi Muqdisho(Calanka.com) 23-Luulyo-2007 Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo ku dhowdhow goob joogna ka ahaa dilkii Macalin Quteyba oo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu kartida badneyd Maxkamadihii Islaamka ee laga awooda roonaaday ayaa waxa ey u xaqiijiyeen shabakadda warbaahinta calanka.com in dilkii Abuu Quteyba uu ahaa mid la xiriira fal aargoosi oo ey fuliyeen kooxo ey horay isugu kacsanaayeen kana wada tirsanaayeen Maxkamadaha, sida ey hadalka u dhigeen. Xubnahan aanu ka helnay wararkan oo diiday in lagu shaaciyo magcohooda warbaahinta sababo la xiriira amaankooda awgiis ayaa waxa ey iminka ku sugan yihiin mid ka mid ah dalalka ku yaal qaaradda Yurub oo ey haystaan dhalashadiisa, waxeyna intaa ku dareen in ey ku jireen dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay deegaanka Raas-Kamboni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobia oo isku garab ahaa iyo dagaalyahanadii wadaadada. Dilka abuu quteyba ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in uu marar badan ka "dhaga adeygay" awaamirta wadaadadi ka sareysay oo ey dagaalka iskula jireen oo sida la sheegay uu dhaliilsanaa qaabka ey wax u wadeen una dagaalgalinayeen wiilasha dagaalamayay. Kadib markii la dilay Abuu Quteyba ayaa waxaa ka dhashay halkaa isqabqabsi, taasoo keentay in la dilo ama la qowroco qaar badan oo ku mowqif ahaa Macalin Quteyba dabadeedna dusha laga saaray eedeymo been abuur ah oo ahaa in ey ahaayeen jaajuusiin (Basaas) eyna ku hagayeen khadka taleefanka diyaaradaha duqeynta ku waday wadaada ee uu lahaa Mareykanka, waa sida ey hadalka u dhigeene xubnahan. Abuu Quteyba oo lagu tiriyo xubnihii Maxkamadaha Islaamka oo ku dhaqanka diinta ey dhab ka eheyd isla markaana daacad u gudanayay masuuliyadii ey u magacaabeen Maxkamadihii Islaamka ee eheyd ku xigeenka Amniga ayaa waxaa ey dhowr jeer intii uu jagadaas hayay isku dheceen masuulkii ka sareeyay Yuusuf Indhacade oo uu khilaafkoodu ugu xooganaa ka dhashay qaad (Jaad) ku fadhiyay lacag badan oo kasoo dagay garoonka Muqdisho kaasoo uu dab qabadsiiyay Abuu Quteyba. Waxaa sidoo kale jiray khilaafyo kale oo yar-yar oo u dhexeeyay Abu Quteyba iyo xubno ey ka wada tirsanaayeen daladda Maxkamadaha oo iyagu dhowr jeer isku dayay in ey qaab masuq-maasuq iyo laaluush wax ku wadaan balse uu ka diiday Abu Quteyba oo xiligaas ku dhaartay in kitaabka Alle uu ku garab wadaynin laaluush iyo waxyaale la mid ah. Mustafe Nuur Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites