Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buuhoodle Delegation To Hargeisa

Recommended Posts

Buuhoodle-Wafti heer sare ah oo ay u dhan yihiin badanaa cuqaasha iyo odayaasha Hawd ayaa u ambabaxay magaalada Hargeysa,iyagoo casuumad ka helay madxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

 

 

Waftigan oo ay horkacayaan cuqaashu ayaa ka kooban labaataneeyo,waxayna iyagoo kolonyo ah ka baxeen magaalada Buuhoodle,iyadoo ay sii gelbiyeen ciidamo deegaanka balse taageersan Jamhuuriyada Lamagac baxday Somaliland.

 

Safarkan oo hada mudo la qabanqaabinayey ayaa waxa odayaashii hada gaadheen magaalada Hargeysa,iyagoo ku degay Hotel loo diyaariyey oo ku yaala magaalada Hargeysa,Cuqaasha reer Buuhoodle ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale,iyo masuuliyiinta ka soo jeeda gobolada SSC ee ka tirsan maamulka Somaliland.

 

Waftigaas ayaa waxa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa,waxaana la filayaa inay mudo wiig ah halkaas joogaan,Waxaa sidoo kale iyaguna ku sugan magaalada Hargeysa,Col: Axmed Cabdi Xaabsade oo ah masuulka siyaasada ee Somaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn,iyo weliba Ruug cadaagia siyaasiga ah Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle,iyagoo kulan horudhac ah la yeeshay odayaasha.

 

Odayaasha ayaa waxyaalaha ay kala hadli doonaan masuuliyiinta Somaliland waxaa lagu sheegay inay ka mid noqon doonto maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Dhabansaar iyo Laascaanood sidii loo soo dayn lahaa,iyo guud ahaan nabad gelyada gobolkaasba.

 

 

Xafiiska wararka Afnugaal.com

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

what do these odayaal have in common with Somaliland and the tooth fairy have in common: They don't exist. why hide the names of wafti "ay u dhan yihiin badanaa cuqaasha iyo odayaasha Hawd" if there is really such a wafti. lastly, meyay "ay u dhan yihiin" misa wey "u badan yihiin", in the same freakin sentence. you should really stop using afnugaal as a source jb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you nuts ?? ,, Afnugaal is a news portal sxb and it is belonged to the reer Sool like it or not.

 

You should go with the wind sxb ,, those odayaal are odayaal la yaqaano and if you want their names it is easy you can find them. A really good progress for somaliland ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this