Jacaylbaro Posted September 13, 2007 Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in bannaan-baxyadii maanta ka dhacay Magalooyinka Hargeysa iyo Burco ay ka dambeeyeen Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, oo uu ku eedeeyey in madaxdoodu ay ka soo horjeedeen ansixinta Dastuurka ay xisbiga ku yihiin. Madaxweyne Rayaale oo shir Jaraa’id Caawa ku qabtay Madaxtooyada waxa uu jawaabo kulul kaga bixiyey eedaymo ka soo yeedhay abwaanada Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) iyo Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxa kale oo uu sheegay in uu qodobadii guddidii dhex-dhexaadintu soo saareen sidii uu qaatay u fulin doono. Hadalkii Madaxweyne Rayaale Shirkaasi Jaraa’id ka jeediyey waxa uu ku bilaabay sedan:- ‘’Ganacsatada Somaliland waxaan leeyahay maceeshada u kacday ramadaan baan la joogaa macaashka inta ugu yar qaata oo dadka u naxariista ilaahay sidaasuu idinkana idinku barakayn doonaa ganacsigiina, maalmo shilimaad dheeraad ah dadka aad saartaan wax badan oo aad ka helaysaan ma jirto. Warar bay had iyo jeer faafiyaan ragga Mucaaridka ahi oo qof kasta oo gef sharci galay oo la xidhaba waxa laga dhigaa in uu aniga ii xidhan yahay , horta waxaan halkan ku sheegayaa qof aniga ii xidhan shakhsiyan Madaxweyne ahaan haba yaraatee ma jiro , dadka jeelasha ku jiraa gef sharciga ay ka galeen bay u xidhan yihiin. Dawladnimo waxay ka bilaabantaa oo ay ku dhamaataa sharci iyo kala dambayn , sharci iyo kala dambayn haddii la waayana w ax dawlad ah oo jirayaa ma jiro , jaarkeena aan eegno waxay gaadhi la’ yihiin inay sameeyaan sharci iyo kala dambayn iyo nidaam ay isku maamulaan la’ yihiin , waxaan leeyahay dadkaa barabagaandada fidiya iyo had iyo jeer yidhaahda Madaxweynay cid u xidhan u xidhan yihiin waxaan u arkaa dad ummadan baraya in aanay jirin sharci iyo kala dambayn oo meel madow lagalo markaa haddii sharci iyo kala dambayn la waayo. Ragga fidiya inta badan in aan sharci jirin ama ku hal qabsada nidaamyo hore oo dalkan ka baaba’ay markaan Soomaaliya isku ahaan jiray , waxaan anigu qabaa 1991 SNM baa dalkan Maamulaysay oo laba sano loo d hiibay waa kuwii Madaxdii markaa joogtayna la dagaalamayay oo u diiday in ay nidaam iyo kala dambayn sameeyaan. Marxuumkii iga horeeyayna waa kuwii la dagaalamayay ee mar kastaba eedaynayay ee uu wax ka qaban kari la’aa run ahaantii waa ayaan darro. anigu Madaxweyne ummadu dooratay ayaan ahay sharciga iyo kala dambaynta ummadan u aydo ayaa waajibkayga ah waanan u haynayaa.Guddidii Odayaasha ahayd ee dhex dhexaadinta , waxa aan leeyahay go’aankay sheegeen waa intii sheikh Ismaaciil Dheeg sheegay buu ahaa wixii aan ku heshiinay ee ay ku dhamaatay gunaanadeedii. Waxaan aad uga xumahay nin abwaana oo kalidii dhawr jeer marna BBC-da ka hadlay marna Voice-ka , waxaan leeyahay isagay u kali tahay guddidii kale lama qabaan waana Nasiib darro , halkan markaanu joogay waxaan anigu u sheegay dadkaasi aniga iima xidhna ee sharcigay u xidhan yihiin , Cafisbay u baahan yihiin haday soo qortaana waan tix gelinayaa guddidaa dhex dhexaadinta taladii aan halkaa ka jeediyay , taasi ayay ahayd imikana taasaan diyaar u ahay in aan cafiskaa u fidiyo. Guddidu ergo inay noqdaan anigaa ogolaaday haday cidi wax ka tanaasulayso oo ay wax liqdayna anaa liqay ayaan anigu aaminsanahay. Waad ogaydeen in aan golaha wakiilada isugu yeedhay laba qodobna waan hor dhigay oo markaa inay ka doodaan ay ahayd Miisaaniyadii oo aan idb ugu celiyay iyo u codaynta labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka, hawl Procedure-keedii haysatay ahayd, odayaduna way ii yimaadeen oo waxay yidhaahdeen waxaan jecelahay meel ka dhow in aan wax ka qabano ana waan ogolaaday , haddii aan ogolaadayna Madaxweyne markuu wax ogolaado odhan maayo wax baan saluugay. Wixii ay soo jeediyeen sideedaan u qaatay , laakin wixii farsamo ah xaq baan u leeyahay in aan sameeyo. in la wada tashado way fiican tahay , laakiin haday taladu noqoto aan wada talino ayaan darro ayay noqonaysaa markaa qaran ma noqonayno , waayo waxa laysku doortaa oo dawladnimada loo sameeyaa in la kala dambeeyo , in la wada taliyo maaha oo layska bar bar taliyo , haddii layska bar bar talinayo doorasho lama sameeyeen , Madaxweyne lmaa sameeyeen , Masuuliyiin lama sameeyeen , kala dambayn waa waxay ummadi meel ku gaadho. Waxa uu sheegay in dadka ajaanibka ah ee Somaliland yimaadaa ay Somaliland ka qoraan amaan , balse wuxuu sheegay in ay ayaan daro tahay haddii la noqdo Mujtmaca iyagu isla dagaalamaya, waxaanu xusay in dhaliisha lays dhaliilayaa ay noqoto mid Macquula. Waxaan aad ugu xumahay qamaamuurtii KULMIYE iyo xaasaskoodii oo Maanta (Shalay) mudaharaad halkan ka sameeyay , waa ayaan daraan odhan karaa, waxa kale oo aan odhan karaa ururkii Qaran ee la garan la’aa KULMIYE ayaa ka dambeeyay , wax beenin karaa ma jiro siday u hadlayeen oo ay u doodayeen , looyar uma aha xisbiayda kale ayay ula siman yihiin. Hogaanka xisbiga KULMIYE waxa haya raggii diidanaa aftidii dastuurkan maanta ay xisbiga ku yihiin loo qaadayay , markaa anigu waxaan qabaa in ay weli dastuurkii diidan yihiin , ilay waxaan sharci ahayn ayay taageerayaane. Waxa ayaan daro ahayd Mudaraadkaa la sameeyay oo aan ruqsad loo qaadanin , iyadoo sharcigeenu ina farayo in labadii xubnood ee shirgudoonka KULMIYE ee golaha Wakiilada ay ka qayb qaateen oo goob joog ka ahaayeen , waxa kale oo ayaan daro ah Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada oo golaha Wakiilada ah in ay yidhaahdaan maxaa shuruucdii loo fulinayaan oo ninkii soo saaray dafiro waa Nasiib darro , Mujtamaceena waxa la barayaa ayaan leeyahay inuu noqdo Mujtamac aan kala dambayn lahayn sharciga aan ixtiraamin. Somaliland dadkeedu haday ugu bataan waa saddex Milyan , Saddex Milyan anigu waxaan aaminsanahay in laysku hayo , oo ay jirto oo ay walaalo noqoto oo ay Qaran noqot oo ay hore u socoto , in la kala guro oo ay kala tagto anigu ma aaminsani oo waan ka soo hor jeedaa , waxaan aaminsanahay Asxaabtaa in aan ahaano oo maalinba ninkii dadku gartaan in ay doortaan oo uu xukumo’’ ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxaanu intaa ku daray ‘’Maalinbaa iman doonta hadaan sii nolaado ilaahay yidhaahdo aad arki doontaan oo aad ii markhaati furid oontaan bal in ay siday ragg Maanta yeeleen aan yeelo iyo inaan ka duwanaado, waxaan anigu aaminsanahay cida ku guulaysata Mustaqbalka hogaanka dalka in aan la shaqeeyo oo aanan xag xagan oo haaraamin. Haddii inta uuna aduunku ina aqoonsan khilaafkeenu uu bato way raagi doontaa markastaba aqoonsiga beesha caalamka aynu ka helo , shacbi weynihii (Maanta) shalay ragaa masuuliyiinka ah ee Maanta Masuuliyadoodii garan waayay ee banaanka u soo baxay ee raba inay buuqa dadka galiyaan iska ag marayay ee diidayna hambalyaan u soo jeedinayaa , waxaan leeyahay ninkii wanaag idiin horseeda raaca ninkii xumaan idiin wadana ha raacina. Quote Share this post Link to post Share on other sites