Sign in to follow this  
Jumatatu

45th Anniversary of the Somali Armed Forces..! (More Pictures)

Recommended Posts

Jumatatu   

Munaasbad ku aadaneyd 45-guuradii aasaaska ciidanka qalabka sida oo maanta ka dhacday garoonka Staadiyo Muqdisho( qaar ka mid ah hogaamiyeyaashii ugu tunka weyn Muqdisho oo ka qeyb galay) Daawa sawirada ugu danbeeyey

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey maalinta 12 apriloo ah 45 Guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee istaadiyo Muqdisho. Manaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha labada gole ee DFKM ah ee ku sugan Muqdisho, Saraakiil iyo ciidamo gaaraya illaa 30 000oo ugu horeyntii halkaasi salaan sharaf ku siiyey madaxda dowladda ee ka soo qeyb gashay munaasabadaasi iyo dadweyne kor u dhaafaya illaa 2500-kun.Munaasbada maanta ayaa ugu horeyntii waxaa halkaasi khudbad aad u dheer ka jeediyey Jen. Max’ed Nuur Galaal oo ugu hambaleyeeyey qaar ka tirsan hogaamiye kooxeedyada Muqdisho sida wada jirka ah oo ay uga soo qeyb galeen muddo 15-sano kadib munaasabada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena sheegay ciidanka xooga dalku inay yihiin difaaca Dalka Soomaaliya “ciidankaan hortiina ah waxaa safan ninamkii ku naafoobay dagaalkii 77-dii, waakuwa halkaa safan hortiinaa waa faallo nool oo jirta marka ragga dhahaya ciidan Amxaaro ayaan keeneynaa waxay ku tacadinayaan nimankaas ku naafoobay iyo ujeedadii ay u naafoobeen meel ayayna uga dhacayaan†ayuu yiri Jen. Galaal oo ka hadlayay naafadii xooga dalka Soomaaliyeed oo maanta ka soo qeyb galay munaasbadaasi.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Cusmaan Xasan Cali Caato iyo wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow oo iyagu si cad u sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay yihiin ciidankii tababari lahaa maleeshiyooyinkooda ku sugan Muqdisho marka ay ka saaraan gudaha magaalada†ciidankena Milateriga nimanka dhalinyaradaa ee jabhadaha noqday ood adinku dhasheen idinlana dhashay, tababarkooda ayaa la idinka doonayaa oo waxaad taqaaniin aad ku shubtaan, waa geesiyaalkii Qaranka, waxaana idinka ballan qaadeynaa waxaad tiraahdiin inay yeelaan anakaa ugu horeyno tabarkaana qoddeyna ka geleynaa†ayuu yiri wasiirka Ganacsiga Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo la hadlayay ciidamada qalbka sida, sidoo kale waxaa halkaasi isna ka hadlay wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo kula dardaarmay ciidanka xooga dalka inay jiraan dad u adeegaya caddowga Soomaaliyeed, oo aana marnaba dooneyn inay shacabka Soomaaliyeed dhibaabata ka baxaan†ma’aqbali doono kuwii aad Gaaraa mardha iyo Harar uga adkaateen inay idin tababaraana waa ka dirirnay mana yeelidoono, sidaas inaad ogaatiin ayaa la rabaa, warkana waa kii Xaajiga uu sheegay kaliya waxaan rabaa inaan idiin sheego inaan ka mideysanahay arrintaas, waddankiinana u diyaar garooba inaad difaacdaan, dadbadnaa soo baxay oo caddowga Caamiliin u ah, waxaana ka dhaadhici weynay Itoobiya ka hara, goormaanu heshiinay, waana la waayay meel lagu heshiiyay, waxay rabaan inay ka faa’iideysaa dhibaatada idin heysata, kuwa caddowga la jira ha dhacaano†ayuu yiri Max’ed Qanyare oo aad u xamaasadeysaa

 

Sidoo kale waxaa halkaasi isna ka hadlay wasiirka howlaha guud iyo giriyeynta Cusmaan Xasan Cali Caato oo ugu hambalyeeyey cidanka qalbka sida munsaadan qiimaha badan oo ay wada jirka uga soo qeyb galeen sidoo kalena sheegay inay ka mideysan yihiin difaaca dalka ayna raali ka noqon doonin marna in wax loo dhimo sharafta iyo sumcada Soomaaliyeed.

 

 

asiiradu waxay kaloo intaa ku dareen in ciidamada looga baahan yahay in ay qarankooda daafacaan, cid walba oo isku dayda in ay wax u dhintona madaxbanaanida dalka ay iyaga laf ahaanyooda talaabo ka qaadaan “

Munaasbadan oo ay ka soo qeyb galeen qaarka tirsan xubanaha labada gole ka jooga Muqdisho ee dowladda FKMG iyo kumanaan dadka reer Muqdisho ah

 

The chiefs inspecting guard of honour..!

Ciidan5.gif

ciidam1.gif

 

Active Xalimos they surely can give a hiding to 'Axmaros'... :D

Ciidan4.gif

 

ka leexda yesan idin dar-darine

Ciidan.gif

 

This where the MP's should be not in a hotel in Nairobi

Ciidan3.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Salaaaaaan Bidiiiiixxxxxx...!

ciidamada.jpg

dadweynihi.jpg

 

Bilicda ka muqaata Xildhibanada Xamar jooga. They are not being kicked out of hotels..

dhuudhi.jpg

 

Planning the next move...! :D

caatoqanyare.jpg

 

Capo di tutti capi..! :D

JenGalaal.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this