Xaruuri Posted October 20, 2010 Waa qormo aad u qiimo badan, tilmaan fiicanna ka bixinaysa sheekada in badan halkan ka dhacda: Halkan kaga bogta: Aad baan ula wada soconnay damaashaadkii iyo raynrayntii ka dhacday dalka Jili (Chile) ka dib markii sida qurux badan loogu guulaystay in laga badbaadiyo macdan qodayaashii (Miners) dalkaas ee godkii ay macdanta ka qodayeen uu ku dumey. Ilaahay amarkii bilowgii iyo dhammaadkiiba aad baan u xiiseynayey oo ula socdey. Dadkaas meesha ku jirey waan u damqanayey. Waxaan isku taxalujiyey inuusan marnaba I dhaafin warkoodu. Tallaabo tallaabo ayaan ula socdey. Run ahaantii in badan baan la ooyey eheladii 33 kaa nin ee aan telefishanada kala soconnay masiibada la soo gudboonaatay. Farxad, qosol iyo oohin baan isku daray markii lagu guulaystay qofkii u horreeyay in laga soo saaro bohoshaas 1,000 ku dhawaadka mitir ama baac hoos dhulka ugu qodnayd. http://www.wardheernews.com/Articles_2010/October/Marwo_Xaaji/16_Waa_qoloma.html Quote Share this post Link to post Share on other sites