Jacaylbaro Posted August 3, 2009 Masjidka weyn ee Magaaladda Guriceel ayaa laga soo saaray bam lagu aasay abaara saqdii dhexe oo culeeyskiisa lagu qiyaasay 30 ilaa 40 Kg. Ciidamadda nabadsugida Ahlusunna Wal Jameeca ayaa gacanta ku dhigay sedex nin oo gaari watay,lana xaqiijiyay inay bamkaas ku duugeen masjidka weyn ee Guriceel. Bamka Masjidka lagu duugay ayaa la sheegay inuu ahaa mid lala eeganayay waqtiga Salaadda subax oo la doonayay in lagu halaago jameecadda dukanaya salaadda maadama uu yahay masjidka ugu weyn Magaaladda. Sedexda nin ee la qabtay ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab la baxday ee Somalia. Afhayeenka goboladda dhexe ee Ahlusunna Sheekh Cabdi risaaq Ashcari ayaa sheegay in bamkaas ay ka war heleen saqdhexe,ka gadaal markii laga shakiyay iftiin yar oo ka bidhaamay masjidka dushiisa dambe. Afhayeenka wuxuu tilmaamay in ragga la qabtay ,la yaqaan,lana horgeyn doono Maxkamad si cadaaladda loogu fuliyo. Dhacdada naxdinta badan ayaa aad looga hadal hayaa Magaaladda Guriceel,waxayna sheekada ugu badan tahay in Khawaarijtu ,weerar ku yihiin dadka cibaadeeysanayo. Waa markii ugu horeeysay ee Miinooyin ay ku xiraan Masjid alle,waxayna hore ugu caam ahaayeen inay dadka Salaadda u baxo ku sugaan ilinka Masjidka,kadibna dariiqyadda dhexe ku dilaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 3, 2009 It is gettin out of control. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted August 3, 2009 hore loo yiri: dad waalan miyir ma leh.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 4, 2009 Why in Masjid bal ?? ,,, looks like the place is Iraqinized or Pakistanized ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 4, 2009 this is what a lot of people in this forum where cheering for, there you have people Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted August 4, 2009 total madness... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted August 4, 2009 waa la yaabay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano Geel Posted August 4, 2009 inaalilaah, aawey dadki dhihijiray xayawaankaan waa muslim? Quote Share this post Link to post Share on other sites