Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf returns to Somalia from IGAD meeting..

Recommended Posts

Kadib Shirkii IGAD ,Yuusuf oo dib ugu soo laabtay magaalada Beydhabo.

 

 

Beydhabo:-Madaxweynaha dowladda FS C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi kooban uu hogaaminayay ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay Beydhabo kadib markii Nairobi uu kaga soo qeybgalay Shir Madaxeedka IGAD.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in labada cisho ee nagu soo aadan uu warbixin siiyo Golaha Baarlamaanka FS wixii uu kala soo kulmay Shirka IGAD ee 11-aad.

 

R/wasaare Geedi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka FS ayaa iyana lagu wadaa in beri ay soo gaaraan Beydhabo sida la shaaciyay .

 

Dhinaca kale maalmaha nagu soo aaan ayaa la filayaa in Wafdi sare oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda FS C/llaahi Yuusuf Axmed ay u kicitimaan Magaalada sanca ee Caasimadda Yemen , halkaasoo ay kula kulmayaan Madaxweynaha dalka Yemen Cali C/lla Saalax .

 

Warka ayaa waxa uu sheegayaa in wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay ka kicitimi doonaan Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay , iyagoo u duulaya dalka Yemen oo ah halka lagu mideeyay dowladda FS ee ku kala dhantaalmatay khilaaf baarlamaani ah .

 

Ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in wadiga Madaxweynaha ay ka mid noqon doonaan R/wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Gudoomiye Shariif Xassan Sheekh Aadan .

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la filayaa in uu warbixin siiyo Madxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdala Saalax oo la xiriira waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka 4-tii January ee sanadkan.

 

Madaxweyne dowladda Fs ayaa sidoo kale kula kulmi doona inta uu joogo dalka Yemen Madaxweynaha Maamulka Gobaleedka Puntland Gen. Caddee Muuse oo koldhow isna ku sii jeeda Sanca oo dowladda Yemen ay ka wada hadli doonaan sidii loo joojin lahaa dadka tahriibka ah ee maalin walba ku dhimanaya xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.

 

Xubnahan ah Madaxda dowladda FS ayaa waxa ay 28-ka bishan ka qeybgali doonaan kulanka Shirmadaxeedka Carbeed ee ka dhacaya Magaalada Khartuum , iyagoo kadibna si wadajir ah ugu duuli doona dalka Biljimka gaar ahaan Magaalada Barusalis oo ay kulan kula leeyihiin Madaxda Midowga Yurub , waxa ayna uga sii gudbi doonaan dalal uu ku jiro Sacuudiga , Jordan iyo kuwa kale .

 

Cali Cabdi Cali (Suxayfa)

Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this