General Duke Posted April 28, 2007 Muqdisho: Maxamed Dheere oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. 28. april 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dikreeto kasoo baxday xafiiska raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu magacaabay guddoomiyahaa gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho , Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere0. Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ansixiyay dikreetadan lagu magacaabayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa .. Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaaboow) oo horay u ahaa guddoomiyaha Muqdisho ayaa jagadii laga xayuubiyay. Maamulkan lagu dhawaaqay ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli magaalada Muqdisho maalintii labaad ay si rasmi ah gacanta ugu hayso dawladda federaalka iyo ciidamada Itoobiya. Maxamed Dheere oo horay uga arimin jiray gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu xasuustaa inuu gobolka uu ka talin jiray ammaankiisu uu ka duwanaa gobollada kale , asagoo arinta xagga xasiloonida iyo maamulka horumar kasameeyay. Bishii Feberaayona wuxuu kamid ahaa kooxdii la dagaallanka argagixisada oo asaga iyo raggii la jirayba looga awood roonaaday gacan ku hayntii Muqdisho iyo waliba gobolkii uu in badan ka talin jiray. Dabayaaqadii sanadkii 2006dana wuxuu dib ugu soo laabtay gobolkii uu ka talin jiray ee Shabeellada dhexe, walow markaasi laga qaaday guddoomiye nimadii gobolka Shabeellada dhexe. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 Can the man who tamed lower Shabbele tame Banadir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 Dowladda KMG oo maamul cusub u sameysay gobolka Banadir Click here to find this article in english Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda kMG ah ee Somalia ayaa maamul cusub u magacowday gobolka Banadir ka dib markii xilkii laga qaaday maamulkii Cadde Gaaboow, xilli maalintii labaad ay dagan tahay caasimadda Somalia ka dib dagaalo muddo 8 maalmood ah ka socday oo ay ku nafwaayeen in ka badan 350 ruux. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaaraha Somalia, Cali Max'ed Geedi oo uu soo ansixiyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) in uu noqdo gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho halka wareegtadaasi xilkii looga qaaday Max'uud Xasan Cali cadde Gaaboow. Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Wariye ka tirsan xafiiska Ra'isulwasaare Geedi la yiraahdo Max'ed Siidii. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa u hanqal taagaya bal isbadalka uu Max'ed Dheere ku soo kordhin karo gobolka Banadir, iyadoo Max'ed Dheere oo horey uga arimin jirey gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar uu ka dhigay meel nabdoon. Magacaabista maamulkaan cusub ee gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii labaad gacan ku heynta caasimadda Somalia ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia, iyadoo saakay lagu arkayay isgoysyada magaalada Muqdisho ciidamada booliska dowladda KMG ah. Click here to find this article in english Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 War deg deg ah: Max'ed Dheere oo loo magacaabey Gudoomiyaha G/Banaadir War hada naga soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigan inay xilkiisii laga xayuubiyey Cade Gaabow oo horey xilkaasi ugu magacownaa. Magacaabista Max'ed Dheere ayaa waxay daqiiqad ka hor ka soo baxdey xafiiska Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi, waxaana uu kala tashadey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya. Max'ed Dheere ayaa maalmihii ugu dambeeyey wuxuu si weyn ugu hawlanaa sidii ciidamada dawlada iyo kuwa Itoobiya ay ula wareegi lahaayen amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho. C/laahi Soomaali SBC Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 Guduoomiyaha Gobolka Banaadir oo loo magacaabey Maxamed Dheere Last Updated::2007-04-28 10:48:45 Mogadisco:-Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed geedi isla markaasna uu ansixiyey Madaxweynaha DF Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Cade Xasan Gaabow. wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana Xilkaas loo magacaabey Maxamed Cumar xabeeb (Maxamed DHeere). Ilaa iyo haatan lama garanayo Sababta dhabta ah ee ka danbeysa in xil ka qaadis lagu sameeyo Cadde Xasan Gaabow isla markaana Xilka Gudoomiye Nimada Gobolka loo magacaabo Maxamed Dheere hase yeeshee waxaa ay u muuqataa in la doonayo bal in la arko maadaama ay muqdisho ay degan tahay maalintii labaad in maxamed dheere uu wax ku soo kordhin karo Nabada magaalada Muqdisho oo baryihii ugu danbeysey ay ka socdeen Qul qulatooyin. Wareegtada ka soo baxdey Xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayaa saxaafada waxaa u akhriyey wariye ka tirsan Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, waxaana markii warkaan la maqley ay dadku si aad ah astacajab ogu noqotey. Cade Xasan Gaabow ayaa waxaa horeyxilkaan ugu magacaabey DF Soomaaliya Kolkii ay ku sugneyd magaalada Jawhar. waxaana Cade gaabow mudadii uu hayey Xilkaan ka hor yimid Caqabado dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen markii ay ka talinayeen Hogaamiye kooxeedyadii muqdisho in aysan wax aqoonsi ah aysan siin, iada oo markii maxkamadihii Islaamiga ay la wareegeena awooda maaalada Muqdisho ay yeeleen sidii ay sameeyeen Hogaamiye kooxeedyadii oo kale. Mohamed ALi (Dalmar) mohamedali11@gmail.com Horseednet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted April 28, 2007 Why Mohammad Dheere,a warlord, reerka miyaa cid kale laga waayey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 ^^^There is a method to this madness. Mohamed Dheere before he fell from grace achieved a great deal of security for Jowhar and the Middle Shabbele. I think security, security, security is the top priority. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted April 28, 2007 mo deerah was kicked out of tfg to make room for geedi, thats the way this chip was played. anyways, mo is not trust worthy person, he was a warload just like yeey.. so no surprise. if rudy knows this much, then everybody news this truth. geedi was not in the original tfg members in kenya at all. he was inject in there by melees. thats why hes the puppet boy. yeey is just using him. homie, dont celebrate yet, some more stuff is coming soon. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted April 28, 2007 The government of the warlords, by the warlords, for the Abysnians. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted April 28, 2007 Isn't Mohamed Dheere the same Warlord that described Warlord Yey as a thief "Ciyaala Suuq ah". How times changed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
XOG-ogaal Posted April 28, 2007 good one suldaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted April 28, 2007 ^^ I am sure Duke has yet another explanation to this new development. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yaabka-Yaabkiis Posted April 28, 2007 c/yusuf, cali maxamed geedi, maxamed dheere---yeeey ayaaa ka talisay meeshaaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 Suldanka, grown men get over personal issues and deal with the mattersat hand. Dheere comments are in the past much like most things. The man, like him or not is tough, no nonsene and will not take NO for an answer from the business groups, media and so on. You can say whatever but you can see the change alraedy in the air. Go on Shabbele website today. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coloow Posted April 28, 2007 "Can the man who tamed lower Shabbele tame Banadir." What do you mean by tame? You mean murder and loot? Quote Share this post Link to post Share on other sites