Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS

Recommended Posts

Muqdisho Oo La Ciirciiraysa Ergooyinka Gobolada Iyo Amaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

 

(Muqdisho}14.7-7

Ergooyinkii Beelaha Soomaalida uga qeyb geli lahaa kulanka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho................................

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ay ka soo ambabaceen Ergadii shirka lagu casuumay, si ay maalinta berrito ah uga qeyb galaan kulanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in ergooyinka oo soo maraya dhinaca lugta ay soo horkici doonaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale Ergooyin dhowr ah oo sida la sheegay ka imaanaya Gobolada Dalka ayaa iyana saaka ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.

 

Magaalooyinka Kismaayo iyo Beled Weyn ayaa lagu soo waramayaa in ay Ergooyin ka qeyb galeysa kulanka Dib u Heshiisiinta ay ku diyaarsan yihiin garoomada Diyaaradaha ee Magaaloyinkaas, kuwaasoo ay diyaarad ka soo qaadi doonto saacadaha soo socda.

 

sidoo kale waxaa muqdisho diyaar ku ah inta badan ergooyinkii ka socday gobolada puntland oo iyagu si weyn loogu soo dhoweeyay goobihii martida ee loogu talogalay

 

Inta badan waxaa Magaalada Muqdisho xaadir ku ah Ergada ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta qaran ee furmaya Maalinta Berri ah oo Axad ah.

 

Dhanka kale Waxaa aad loo adkeeyay qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho oo ah halka uu ka dhacayo Kulanka Dib u Heshiisiinta Qaran.

 

Qeybo ka mid ah Wadooyinka waa weyn ee Waqooyiga Magaalada ayaa la dhigay Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali, kuwaasoo si weyn u sugaya Amniga.

 

Goobta uu shirka ka dhacayo ee Degmada C/casiis ayaa lagu daadiyay Ciidamo fara badan, iyadoona la joojiyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee Bl-ka ah.

 

Wadada Maana Booliyo, Beerxaani, C/casiis, Juba ayaa waxaa raxan raxan u socda Ciidamo aad u hubeysan, kuwaasoo isku dhaf ah, iyagoo kor ka ilaalinaya Ammaanka Goobta uu shirka ka dhacayo.

 

Sidoo kale Isgoyska Fagax iyo Sanca ayaa iyana la dhigay Ciidamo Ethiopian ah la dhigay, oo sida la sheegay Koontaroolaya Xaalada isgoysyadaas.

 

Arrinta ayaa ku soo beegmeysa, xilli Hanjabaado kulul ay ka soo yeedheen Kooxda Al-shabaab, taa oo ay ku sheegeyso in ay beegsan doonaan qofkii ka qeyb gala shirka.

 

Widhwidh Online News Desk...Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Ergada gobalka Shabeelada Dhexe oo Muqdisho u boqoolay

 

Jowhar (Abaaqaroow) - Ergada shirka dib u heshiiisiinta qaran uga qaybgalaysa gobolka shabeelada dhexe ayaa maanta si habsami leh uga ambobaxay gobolkaasi, kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee Caasumada dalka Soomaaliya.

 

Ergooyinka oo ay weheliyaa ciidamo gaaraya 300 oo askari oo ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo galbinaya ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Jowhar.

 

Xubnahan ayaa waxaa hogaaminaya Sheekh Axmed Sheekh Rashiid oo ka mid ah waxgaradka gobalkaasi Shabeelda dhexe,ayadoo lasheegay in ay ergadan gaarayaan 125 qof,waxaana sidoo kale socdaalkan ku waheliya qaar ka mid ah Madaxda qabanqaabada shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliya ,waxa ayna guuleysteen intii ay sugnaayeen gudaha Jowhar xulitaanka ergada.

 

Dadweynaha Jowhar ayaa waxa ay caleemo qoyan ku sagootiyeen ergada ka qeybgaleysa shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ,ayagoo sheegay in loo baahan yahay in ay taageeraan dhamaan waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi.

 

Ciidamada galbinaya ergadan ayaa waxaa lafilayaa in ay ka mid noqdaan ,kuwa sugidoona amaanka xarunta shirku ka dhacayo.

 

Waa ergadii Sadexaad ee aada caasumada Soomaaliya Muqdisho,oo uu ka dhacayo shirka beelaha Soomaaliyeed oo lafilayo in ay kaqeybgalaan 1,325 qof.

 

Mataan Gaa boow Muqdisho

 

Abaaqaroow.com(wiil waal)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo Diyaarado iyo Baabuur lagu doonay

Written by Osman Dhayib

 

Friday, 13 July 2007

 

Diyaarado iyo Baabuur ayaa maanta loo diray Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalinta Axadda ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa sheegay in horay Muqdisho u soo gaareen ergooyin badan oo ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta, halka kuwa harayna maanta loo diray Diyaarado iyo Baabuur Muqdisho keenta.

 

 

 

C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in ay diyaar tahay halka Shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed iyo weliba halkii Ergooyinka la dejin lahaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney jirin wax caqabad ah oo shirka dib u dhigi kara.

 

 

 

Ammaanka halka Shirka lagu qabanayo ayuu sheegay in ay sugayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho kula sugan, wuxuuna meesha ka saaray in ay jirto cabsi laga qabo in ay dhacan falal amni darro ah.

 

 

 

Ka qeybgalka shirkaas waxaa qaadacay qaarka mid ah Odayaasha Beelaha ****** oo sheegay in aysan shirkaas ka qeybgeleynin haddii aanan looga hadleynin khilaafaadyada Siyaasadeed, iyagoo caddeeyay in aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo.

 

 

 

Sidoo kalena Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo uu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgeleynin, iyagoo sheegay in aanu Dalka Soomaaliya ahayn mid xiligan lagu qaban karo shir dib u heshiisiineed sabab la xirirta in ay Dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo la heysto oo aan xor ahayn.

 

 

 

Haddaba iyadoo furitaanka Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay wax ka yar maalin ayaa habeen hore waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo xiriir ah oo aan horay uga dhici jirin Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uga sii daraya Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho oo awalba ahayd mid aan hagaagsaneyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaden Cade International Airport oo Maanta Mashquulsan, iyo Wafdigii Beelaha Somaliyeed oo Halkaasi ka soo Dagaya

 

Ergooyinkii Beelaha Soomaalida uga qeyb geli lahaa kulanka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho, wararku waxeey sheegayaan ilaa iyo haatan sidii loogu tala galey in ay u socdaan imaanshaha wafdiyada logu casimey shirka beelaha somaliyeed oo maalinta bari ah ka furmi doona magaalada muqdisho.

 

Ergooyinkii Beelaha Soomaalida uga qeyb geli lahaa kulanka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho, wararku waxeey sheegayaan ilaa iyo haatan sidii loogu tala galey in ay u socdaan imaanshaha wafdiyada logu casimey shirka beelaha somaliyeed oo maalinta bari ah ka furmi doona magaalada muqdisho.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ay ka soo ambabaxeen Ergadii shirka lagu casuumay, si ay maalinta berri ah uga qeyb galaan shirka beelaha somaliyeed.

 

Wararka ayaa sheegaya in ergooyinka oo soo maraya dhinaca lugta ay soo horkici doonaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale Ergooyin dhowr ah oo sida la sheegay ka imaanaya Gobolada Dalka ayaa iyana saaka ku soo jeeda Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa maanta uu dib u dhac ku yimid ergadii beesha **** ugu qeybgeli laheyd shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo saakay aroortii ku soo diyaar garoobay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

 

Dib u dhaca ergadan ayaa ka danbeysay kadib markii ay baaqatay diyaaradii qaadi laheyd xubnahaasi oo iyadu u weecatay iney ergooyin kale ka soo qaato gobolada Bay iyo Bakool.

 

Beelaha wada daga gobalka Hiiraan ayaa waxa ay ku guuleysteen in si aan khilaaf laheyn ,ku soo xushaan xubnaha uga qeybgalaya shirka dibu heshiisiinta, ayagoo daqiiqado ka hor ka soo dagey garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade Airport, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

 

Sidoo kale waxaa muqdisho diyaar ku ah inta badan ergooyinkii ka socday gobolada puntland oo iyagu si weyn loogu soo dhoweeyay goobihii martida ee loogu talogalay.

 

Inta badan waxaa Magaalada Muqdisho xaadir ku ah Ergada ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka furmaya Maalinta Berri ah oo Axad ah Magaala Madaxda Somalia ee muqdisho.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaar garow balaaran oo loogu jiro furtaanka shirwaynaha qaran oo si siwayn looga dareemay magaalada muqdisho iyo ergo ku soo qulqulaysa muqdisho.

 

Magaalada muqdisho ayaa siwayn ula ciirciiraysa diyaar garow baaxadle oo loogu jiro furitaanka shirwaynaha qaran oo lagu wado inuu maalinta barito ah ka furmo magaalada muqdisho iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay ay ergooyin aan kala go'lahayn ku soo qulqulayeen magaalada iyagoo ka kala imanaya gobolada dhexe,jubooyinka,Shabeelooyinka,Hiiraan,Puntland iyo Gobola kale.

 

 

Dhanka kale dawlada somalia ayaa ciidamo isugu jia Military iyo Boolis ku daadisay dhamaan wadooyinka Magaalada gaar ahaana wadooyinka waawayn sida jidka warshadaha kan wadnaha,Jidadka gala suuqa bakaaraha,suuq bacaad iyo sidoo kale xaafadaha huriwaa,shiirkole,ifkaxalan iyo guud ahaan magalada muqdisho iyadoo la arkayay ciidamada dawlada oo dhex lugaynaya dadwaynaha siwayna ilaalo uga haya dadka caadigaa iyo jidadkaba.

 

Ciidamo dheeraada ayay dawladu u xilsaartay sugida amaanka goobta shirku ka dhacayo iyadoo askar si gaar ah u tababaran la dhigay dhamaan wadooyinka soo gala goobta shirku ka dhacayo lagana mamnuucay in wax gaadiid ah lala galo xaafadaasi iyo jidadka soo gala toona aan ka ahayn gaadiidka ergooyinka iyo kan dawlada.

 

Madaxwaynaha somalia ayaa isna maanta booqday xarunta lagu wado inuu bari ka furmo shirwaynaha qaran isagoo soo kormeeray qaabka wax usocdaan iyo sida loo diyaariyay hooska shirku ka furmayo iyadoo uu ku booriyay qaban qaabiyaasha shirka inay siwayn u hantaan niyada dadwaynaha gobolada fog uga imaanaya.

 

Allmudug.org news Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka shirka dib u heshiisinta qaran oo ku qol qolaya magaalada Muqdisho

 

Muqdisho (WNT)-Waxa ku soo qol qolaya magaalada Muqdisho ergooyinka gobolada,kuwaasi oo ka qayb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta Qaran oo lagu wado inuu beri ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Shalay ayaa waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho ergooyin ka socda maamul goboleedka Puntland oo gaarayyey 162 xubnood oo ka soo dhoofay xarunta gobolkaas ee Garoowe.

 

Waxa iyana soo gaaray magaalada Muqdisho ergooyinka gobolka Hiiraan iyo kuwa shabeellada Hoose halka ay uu dib u dhacay egooyinka uga qayb qaadan lahaa gobolka Gedo kuwaas oo lagu wado inay beri subax soo gaaraan magaalada Muqdisho.

 

Waxaa iyana lagu soo waramayaa inay hal qalable u imaanaya ergooyinka socda gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo dhibaato kala kulmay ciidamo la soo dhoobay xuduudaha oo celinaya ergooyinka u socda magaalada Muqdisho.

 

Si kalstaba ha ahaatee dawlada Fs ayaa u muuqata mid ku dhiiranaysa inuu shirku furmo si kasta oo magaalada Muqdisho u tahay mid ka horayn la’ oo ka harsan qalalaase joogtay iyo qaraxyo.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Attenders of Somali reconciliation conference began to poure in Mogadisho

 

Mugadisho, Saturday , July 14, 2007

 

Somali tribal delegations,who were invated to attend in the Somlia

 

Reconciliation due to open tomorrow in Mogadisho capital.

 

Delegations from the Puntland autonomy arrived in Mogadisho yesterday and they were housed at Guuleed hotel in Yaqshid district.

 

Their security was tightened heavily. also the delegations from Middle and Lower Juba regions are on their way and expected to reach in Mogadishu as soon as possiple.other report say that countantable number of delegations expected to arrive at Mogadishu capital in the coming hours.

 

One of the coordinators told Somaliweyn media centre(SMC).

On the other side, armed insurgent groups fired mortars on Guuled hotel during last night but no casualties caused by the latest mortar attacks

 

Futhermore, ,reinforcement forces were deployed in several districts in Mogadishu especially at the hotels in which delegations stay.all the roads leading to these hotels were blocked or closed.

 

Hundreds of heavily armed Ethiopian forces also were deployed in many different areas to tight the security situations in the capital particularly in the areas close the conference halls and deligation’s hotels.

 

Source: Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka ka qaybgelaya Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo kusii qulqulaya

 

VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa

axaa ka soconaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Ergooyinka Shirka ka qaybgelaya ee ka kala imaanaya Gobolada Dalka Soomaaliya iyadoo lagu wado in maalinta Brito ah uu furmo Shirka dib u heshiisinta Beelaha Soomaliyeed oo in mudo ah Soo jiitamayey.

 

Ergooyinka soo gaaray magaalada muqdisho ayaa waxay sheegeen in rajadoou tahay mid aad u saraysa isla markaasna ay filayaan in shirka ay ka soo baxaan goaamo wax ku ool ah.

 

Goobta lagu qabanayo shirka ayaa si wayn loo hagaajiyay iyadoo iyadoo mudooyinkaana ay ka socdeen dayactir iyo dhisme isla markaasna ay maanta si rasmi ah ula wareegeen Ciidadada Dowlada iyo kuwa itoobiya ee garabka siinaya iyadoo lagu arkayay Jidadka soo gala goobta shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Ciidamo aad u farabadan oo isug jira Kuwa Dowlada federalka iyo kuwa Ethiopia kuwaasi oo lasocday dhaqdhaqaaqa wadooyinka soo gala iyo guud ahaanba Gaadiidka halkaasi imaanaya.

 

Qaybaha kala duwan ee Fanaaniinta ee iyaga laga soo xulay kooxa Waaberi,Heegan Horseed,iyo onkod ayaa iyagu ayaa kamida kuwa laga dareemayo qabanqaabada shirka kuwaasi oo mudo laba bilood ah isku diyaarinayay Ka qayb qaadashada shirka Qaranka.

 

Gudiga Shirka dib uheshiisiinta Qaranka oo aanu Xiriir la samaynay Xubno ka mid ah ayaa sheegay in inta badan ay ergooyinka ay soo gaareen Caasimada isla markaana Berito uu si rasmi ah ufurmi doono Shirka dib u heshiisiinta Qaranka .

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa laga dareemayay isbedel Xoogan iyadoo Ciidamada Itoobiya ay Baaritaan aad u farabadan ka wadeen Qaybaha kala gedesan ee Xaafadaha Magaalada Muqdisho ka mida maadaama maanta ay ahayd Maalintii ugu dambaysay ee Qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta.

 

 

Bahda allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

qulqulaya.

Baydhabo: 2007-07-14, Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa la rajeynayaa in uu 15ka Luulyo oo ah barri ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Shirkaas waxaa kasoo qeyb gali doona sida ay sheegeen howlwadeenada shirkaasi in ka badan 1300 oo xubnood, kuwaasoo ay soo doorteen beelaha ay ka kooban tahay Soomaalidu ee ay dowladii Carta u qeybisay 4.5

 

Xubnaha ka qeybhalaya shirkan waxay ka kala iman doonaan 18ka gobol ee dalka Soomaaliya ka kooban yahay iyagoo lagu soo xulay qaab beeleed.

 

Ergooyinkaas ka qeyb galaya Shirkaas beelaha Soomaaliyeed waxaa ka mid ah dhowr xubnood oo beryahan ku sugnaa degmada Ceelbarde ee gobolka bakool oo hadda u sii safraya magaalada Muqdisho si ay shirka berri furmaya uga qeyb galaaan.

 

Sidoo kale, gobolka j/dhexe iyo gobolka j/hoose ayey kasoo baxayaan Ergo ay soo xuleen beelaha halkaas dega kuwaasoo ka qeyb galaya Shirkaas.

 

Shirka ka dhacaya Muqdisho ayaa loo diyaariyey ciidamo boliis ah oo gaaraya kunaan iyo weliba ciidamo shisheeye oo la howlgali doona, waxaan la adkeeyey ammaanka goobaha la dejinayo Ergooyinka ka kala imanaya gobolada dalka.

 

Dhanka kale Qaramada Midoobey "QM" ayaa soo dhaweysay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga furmaya berri magaalada Muqdisho.

 

Shirka Soomaalida uga furmaya Muqdisho oo ay meel aan nabadi ka jirin ay dad badani is weydiinayaan waxa kasoo bixi kara iyo weliba waxa uu ku soo kordhin karo siyaasadda iska soo horjeedda ee ka dhax jirta dalka Soomaaliya.

 

Gobolada Soomaaliya qaarkood waxay isku magacaabeen dowlad ka madax banaan Soomaaliya kuwo kale waxay la baxeen Maamul goboleed madax banaan, waxaa kale oo jira kuwo ku fikiraya in laysku daro dhammaan 18ka gobol ee dalku ka kooban yahay.

bayadhabo

 

afdheernwes@yahoo.com

 

afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

looks like the clan trash are flocking to the howdown.

 

did they forget this is mogudisho! this town never submitted to no 1 since the day the first building was built there...

 

i guess they have no clue about the history of this here town.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this