Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS

Recommended Posts

Muqdisho: Ergada maamul goboleedka Puntland ee ka qeyb galeysa shirka oo soo gaaray magaalada Muqdisho

13. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Xubno ka socda duqowda dhaqanka, Culimada iyo qeybaha kale ee bulshada maamulka Puntland ee loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan shirka dib u heshiisiinta Qaran ayaa maanta gelinkii dambe waxay ka soo degeen gegiga dayuuradaha Aadan Cadde International Airoport.

 

Ergadan oo gaareysa 140-xubnood ayaa waxaa la tilmaamay inay ka soo ambabaxeen magaalada Garowe, waxaana garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay madax ka tirsan qabanqaabiyayaasha shirka, kuwaas oo uu ka mid ahaa Xuseen Sh. Axmed Kadare.

 

Ergadan ayaa waxaa la dejiyay goobo loogu talagalay, iyadoo ilaa iyo haatan tirada ka qeyb galayaasha shirka ee ka imaanaya gobolada dalka ay gaarayaan 506-xubnood sida uu sheegay afhayeenka shirka dib u heshiisiinta Md. C/raxmaan Shift.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/raxmaan Shifti “Muqdisho waxaa ku sugan in ka badan Shan boqol oo Ergo ah, oo u diyaarsan ka qeybgalka Shirka Beelaha”

 

 

Mugadisho, Jimco, Julaay 13, 2007 SMC

 

Afhayeenka shirweynaha dib u hishiisiinta Beelaha Soomaaliyeed C/raxmaan Shifti ayaa Somaliweyn u sheegay in ergooyinkii ugu dambeeyey ay maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid deegaanada Puntland ee Dalka Somalia.

 

Ergooyinka oo maanta ka soo degay garoonka Muqdisho ayaa wxaa la dejiyey Hoteelo iyo deegaano gaar ah oo loogu talo galay, waxaana uu shiftio sheegay in ay qeyb ka yihiin ergooyin badan oo laga filayo dhinaca Puntland.

 

C/raxmaan Shifti waxa uu carabka ku dhiftay in tirade ergooyinka beelaha ee hatan Muqdisho ku sugan ay kor u dhaafayaan illaa iyo Shanboqol oo ergo, waxa uuna tilmaamay in ergooyinka kale ay saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, isaga oo ugu beelaha beelaha wadatashiyada hoose u socdaan in ay soo afjaraan shirarkooda.

 

Mudada shirweynaha Beelaha ayaa soo dhaw waxaana muuqaneysa qabanqaabo xoog leh, gabi ahaanba waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka deegaanada ku dhaw xarunta shirka, iyada oo la arkayo ciidamo Boolis ah oo la soo daadiyey Xaafado ka tirsan Shibis, C/casiis, iyo Shangaani.

 

Dad badan ayaa su’aalo ka qabo qaabka suurto galin karta shirkaasi, mar hadii ay weli jiraan Qaraxyada iyo weerarada dadka lagu ugaarsanayo, waxa uuse madaxweyne C/laahi yuusuf uu sheegay hadii Hubka Atoomikada ee Waxgumaada la soo gano uu shirka qabsoomi doono.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waxay noo sheegeen, xaqiiqdii, waxay rabaan in xafladda shirku bilaabato Axadda, shirkuna wuxu u dhacayaa siddii loo qorsheeyey, xataa haddii aanay wada iman wefdigii lagu casuumay oo aan dhamays tirnayni," sidaa waxa yidhi Raffaelli. "Siday iyagu sheegteen, ugu yaraan 800 oo ergo ayaa durtaba Muqdisho ku sugan. Laba boqol ilaa 300 ayaa la rejeynayaa inay iyana soo galaan maanta ama berri."

 

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

barbartagashaman.jpg

 

Ergooyinkii Punt Land u matali lahayd Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran oo soo gaaray Muqdisho.

 

Ergadii Puntland u matali laheyd shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed ayaa goor dhawayd soo gaaray Magaaladda Muqdisho, iyagoo ka soo kicitimay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda u ah Dawlad Gobaleedka Punt Land.

 

Ergaddan oo ka kooban 162 Xubnood oo laga soo xulay Beelaha Punt Land ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Abaabulka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ee la filayo inuu Axadda ka furmo Xaruntii Hore ee Gaadiidka Booliska. Waxaana loo galbiyay Ergadaasi dhinaca Xaafadda C/casiis halkaasoo loogu diyaariyay Ergooyinka Dhismayaashii ay dagi lahaayeen.

 

C/qaadir Nuur Dirir oo hogaaminayay Ergaddan ayaa u sheegay Carmooyin.com markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade kadib inay ka faraxsan yihiin inay Muqdisho uga soo qayb galaan Shirwayne Qaran. Wuxuuna ku amaanay Dawladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia iyo Shacabka Muqdisho inay ka dhabeeyeen Go'aankoodii ahaa in Muqdisho lagu qabto Shirwayne Qaran, taasoo uu sheegay inay meesha ka saarayso Shirarkii Soomaalida loogu qaban jiray Dalalka Dibadda.

 

Ergaddan ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxay ku sugnaayeen Magaaladda Garoowe, halkaasoo uu uga socday Siminaar ay ku baranayeen Qaabka ay uga qayb qaadanayaan Dib u Heshiisiinta Soomaali wayn. Waxaana sidoo kale Ergaddan ay Kulamo la soo qaateen Masuuliyiinta Punt Land si ay u difaacaan Doorka Siyaasadeed ee Punt Land ku dhex yeelan karto Soomaali wayn.

 

C/raxmaan Shifti oo ah Afhayeenka Shirwaynaha Qaran ee lagu ballansanyahay inuu Axadda ka furmo Muqdisho ayaa soo dhaweeyay imaanshaha Ergadda Punt Land. Wuxuuse tibaaxay inaysan ahayn Ergooyinkii ugu horeeyay ee ka yimaada Gobaladda Dalka Somalia, isagoo sheegay inay jiraan Ergooyin hore oo ka kala yimid Gobaladda Hiiraan, Shabeeladda Dhexe iyo Gobolo kale.

 

Shifti waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jiri doonin dib u dhac soo wajaha waqtiga loo qabtay Shirwaynaha Qaran oo ku beegan Maalinta Axadda ah. Wuxuuna ku dooday in qalalaasaha haatan ka billawday Muqdisho uusan xagal daacin karin Dib u Heshiisiinta Soomaali Wayn, isagoo Kooxaha Qalalaasha wada ku booriyay inay aqbalaan Cafiskii uu fidiyay Madaxwaynuhu oo ah Fursad Qaali ah, Isla markaana ay waxa ay tabanayaan hor keenaan Soomaali wayn. laakiin ma ahan ayuu yiri in inta Xaafadaha iyo Shacabka laga dhex dhuunto laga tuuro Bambooyin, taasina keeni mayso ayuu yiri Xalka Soomaali.

 

Shirwaynaha Qaran oo Abaabulkiisa uu si xooggan uga socda Muqdisho ayaa la filayaa in Maalinta Axadda ah uu ka furmo Dugsigii Sare ee Booliska, halkaasoo si wayn loo adkeeyay Ammaankeeda. Waxaana Shirwaynahaasi la filayaa in lagu soo afjaro Khilaafaadka Beelaha Soomaalida, Isla markaana ay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan oo Soomaali u horseeda Nabad iyo Xasilooni.

 

Xafiiska Warqabadka Carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyn: Ergada Shirka Muqdisho uga qeybgaleysa gobalka Hiiraan oo ka dhoofay garoonka Ugaas Khaliif.

14. juli 2007

 

Baladweyn(AllPuntland)- Ergada uga qeybgaleysa gobalka Hiiraan shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

 

Ergadan ka dhooftay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyn ayaa waxa ay maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaayeen Baladweyn ,ayagoo sidoo kale ay halkaasi ka dhoofeen xubno ka mid ah gudiga qabanqaabada shirka Muqdisho oo halkaasi joogay todobaadyadii ugu danbeeyey,kadib markii ay soo afmeereen xulintaanka ergada.

 

Xubnahan waxaa tiradoodu gaareysaa ku dhawaad 125 ergay ,waxaana horkacaya Ugaas Cali Ugaas Xasan,ayagoo lafilayo in ay ka qeybqaataan shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed oo bari ka furmaya Magaalada Muqdisho.

 

Beelaha wada daga gobalka Hiiraan ayaa waxa ay guuleysteen in si aan khilaaf laheyn ,ku soo xushaan xubnaha uga qeybgalaya shirka dibu heshiisiinta ,inkastoo lasheegay in ay jiraan beelo aan ku qanacsaneyn ka qeybgalka Shirka.

 

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa wuxuu gacan ka siiyay gudiga qabanqaabada Shirka Muqdisho ,sidii ay beelaha Hiiraan ula kulmilahaayeen.

 

Waa Ergadii labaad ee diyaarado ku gaartay Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo maalinta bari martigalineysa Shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed oo qaban qaabo xoogan loogu jiro.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka Dhaqanka ee Beelaha uga qeyb gelaya Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo ku soo qulqulaya magaalladda Muqdishu.

 

Mogadishu, Sabti, July 14, 2007 (SMC)

 

Ergooyinka Dhaqanka ee Beelaha Soomaallida ee lagu casuumay inay ka qeyb galaan Shirweynaha dib-u-heshiisiinta ee berrito ka furmi doona Madasha Shirka ee Xaruntii Gaadiidka Boliska Somalia ee magaalladda Muqdishu, ayaa ku soo qulqulayo magaalladda Muqdishu.

 

Ergooyinkaasi oo badankooda lagu soo daabulayo Diyaaradaha yaryar ee Foker-ta, ayaa waxay si xiriir ah ilaa iyo shalay uga soo degayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu, oo haatan noqday Garoon mashquul ah.

 

Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Gobaalladda W/bari ee dalka Somalia, ayaa shalay soo gaaray Magaalladda Muqdishu, waxaana la dejiyey Hotelka Guuleed ee Degmadda Yaaqshiid, iyadoo ay Ciiddamo xooggan sugayaan ammaankooda.

 

Sidoo kale, Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Jubbooyinka, ayaa iyagana barqanimaddii maanta ka soo duullay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Magaalladda Kismaayo, iyagoo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu.

 

Wafuud kale oo ka mid ah Ergooyinka Beelaha ee lagu casuumay Shirka Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu soo waramay inay iyagana dhinaca dhulka soo marayaan, laguna wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan Magaalladda Muqdishu, iyadoo ay Guddiga qabanqaabadda Shirkaasi ku hawlan yihiin sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Ergooyinka Beelaha ee lagu casuumay Shirka, ee ku soo qulqulayo Magaalladda Muqdishu.

 

Dhinaca kale, Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda DFKMGS, ayaa waxay xalay duqeeyeen Hotelka Guuleed oo la dejiyey Ergaddii Beelaha ee ka timid maamul-gobaleedka Puntland, lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ay Hoobiyayaasha dhaliyeen.

 

Sidoo kale, Ciiddamo xoojin ah oo isugu jira kuwa DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ayaa lagu daadiyey inta badan Xaafadaha Magaalladda Muqdishu, gaar ahaan nawaaxigga Hotelladda Ergooyinka la dejiyey, waxaana la xadiday isku-socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

 

Ciiddamadda Ethiopianka oo ku hubeysan Taangiyo iyo hub culus ayaa la dhigay qeybo ka mid ah gudaha magaalladda Muqdishu, waxayna tallaabadaasi qeyb ka tahay hawlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalladda Muqdishu, gaar ahaan Xaafadaha ku hareeraysan Madasha Shirka iyo Hoteelladda ay Ergooyinka deggan yihiin

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinkaasi oo badankooda lagu soo daabulayo Diyaaradaha yaryar ee Foker-ta, ayaa waxay si xiriir ah ilaa iyo shalay uga soo degayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu, oo haatan noqday Garoon mashquul ah.

 

Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Gobaalladda W/bari ee dalka Somalia, ayaa shalay soo gaaray Magaalladda Muqdishu, waxaana la dejiyey Hotelka Guuleed ee Degmadda Yaaqshiid, iyadoo ay Ciiddamo xooggan sugayaan ammaankooda.

 

Sidoo kale, Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Jubbooyinka, ayaa iyagana barqanimaddii maanta ka soo duullay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Magaalladda Kismaayo, iyagoo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland,Hiiraan the lower and Upper Juba, Bay & Bakool and of course the hosts Mogadishu clans.

 

Somalia is here for peace, keep the fireworks up opposition we need them for celebrations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Ergada gobalka Shabeelada Dhexe oo Muqdisho u boqoolay

14. juli 2007

 

Jowhar (AllPuntland) - Ergada shirka dib u heshiiisiinta qaran uga qaybgalaysa gobolka shabeelada dhexe ayaa maanta si habsami leh uga ambobaxay gobolkaasi, kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee Caasumada dalka Soomaaliya.

 

Ergooyinka oo ay weheliyaa ciidamo gaaraya 200 oo askari oo ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo galbinaya ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Jowhar.

 

Xubnahan ayaa waxaa hogaaminaya Sheekh Axmed Sheekh Rashiid oo ka mid ah waxgaradka gobalkaasi Sh/dhexe,ayadoo lasheegay in ay ergadan gaarayaan 125 qof,waxaana sidoo kale socdaalkan ku waheliya qaar ka mid ah Madaxda qabanqaabada shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliya ,waxa ayna guuleysteen intii ay sugnaayeen gudaha Jowhar xulitaanka ergada.

 

Dadweynaha Jowhar ayaa waxa ay caleemo qoyan ku sagootiyeen ergada ka qeybgaleysa shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ,ayagoo sheegay in loo baahan yahay in ay taageeraan dhamaan waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi.

 

Ciidamada galbinaya ergadan ayaa waxaa lafilayaa in ay ka mid noqdaan ,kuwa sugidoona amaanka xarunta shirku ka dhacayo.

 

Waa ergadii Sadexaad ee aada caasumada Soomaaliya Muqdisho,oo uu ka dhacayo shirka beelaha Soomaaliyeed oo lafilayo in ay kaqeybgalaan 1,325 qof.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland + Hiiraan+ Lower & Upper Juba + Bay & Bakool+ Lower Shabbele + The hosts.

 

They are coming, Somali's are coming together reclaiming our capital after 16 years.

 

May Allah reward you all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

barbartagashaman.jpg

 

RABBI IDANKIIS HA HIRGALO SHIRWEYNAHA DIB-U-HESHIISIINTA, HANA KU FURMO NABAD, ISKU-KALSOONAAN, IS-AAMIN, SHAKI LA'AAN, HANA KU DHAMMAADO NABAD, FARXAD, ISCAFIN IYO HESHIIS LOO AAYO, INSHA ALLAAH.

flag.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wufuuda Dhanka Somaliland Oo Lagu Ururinaya Magaalada Laascaanood Si Ay uga Anba

 

(Laascaanood}13.7-7

Wakiilo ka socda gudida shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. ee qaban qaabineysa shirka dib u heshiisiinta Beelaha soomalida ee Muqdisho oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowlada Federalka ayaa la filayey inay maanta u soo duulaan Magaalada Laascaanood.

 

Waxayna Laascaanood u iman lahaayeen sida la qorsheeyey lagu diyaariyey in lagu soo uruuriyo Ergooyinka maamulka labaxay Somaliland uga qayb geli lahaa Shirka dib u heshiista ee lagu wado in 15 bishan ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Iyadoo ay ka hadhsan tahay maalin kaliya mudadii lagu balamay in Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida. uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dardar xoog leh la geliyey sidii uu u suurto geli lahaa qorshahaasi inkastoo ay dhibaatooyin adagi soo food saartay qaban qaabiyayaasha Shirkaas sidii ay u heli lahaayeen si ay arimahaasi ku suuro galaan, hadana waxaa muuqata iney qaban qabiyayaashu doonayaan Hanashada ergooyinkii uga qeyb geli lahaa Beel kasta iyadoo ilaa hada aanay jirin wax ergo ah oo reer waqooyi ah oo laysla og yahay oo tagtay Madasha shirka hase yeeshee la dhawrayo inay koox kastaa hesho dadkii ay geyn lahayd shirkaas.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soobaxay Qaban qabiyayaasha shirka ayaa sheega inay u diri donaan Magaalada Laascaanood xubno isugu jira Xildhibaano iyo rag kale oo ka qayb qaata soo gudbinta ergooyinka.

 

sidoo kale waxay warar xog ogaal ahi sheegayaan in la waayay Dhaqaalihii ay beesha caalamku ugu talo gashay inay ku kaabto sidii ergooyinka loo keeni lahaa Muqdisho.

 

Taasoo gudigu tibaaxeen in gudiga qaban qaabada shirku aanay haysan wax dhaqaale ah oo ay Beesha Caalamku siisay balse ay haystaan oo keliya Balan qaadyo ah in hawsha la qabto oo aan la ogayn inay hirgelayaan iyo in kale.

 

Ergooyinka lagu wado maalmahan inay u anbabaxaan madasha shirka ayaa la sheegaya inay hore xidhiidh ula sameeyeen cida ay doonayaan si mar kelya looga wada baxo laascaanood.

 

Waxaana la sheegay in ergada ka imanaysa laascaanood ay wadaan balan qaadyo ay dadka ugu sheegayaan in loo damaanad qaadayo waxa ay doonayaan oo dhinac kasta ah taasoo ah qaab ay siyaasiintu wax ku kasbadaan

 

Waxaa kale oo aad laysu waydiinayaa ergooyinla lagu ururinayo laascaanood cida ay noqonayaan iyo qaabka loosoo xulayo inkastoo la sheegayo in qaabka hore loosii qorsheeyey oo aan la filayn in ay wax caqabad ahi ku timaado, Balse lama hubo ilaa iyo hada cida uga qayb gelaysa Beelaha Reer sheekh Isxaaq iyadoo la sheegay in dadka ugu muhiimsan ee laga doonayo dhinaca beeshaas inay yihiin Salaadiinta oo qaar badan lagu tilmaamo inuu jiro xidhiidh ay had iyo jeer la sameeyaan Siyaasiin joogta koonfurta laakiin ka soo jeeda gobolada waqooyi galbeed ee soomaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa saadaal weyn laga qaabaa in la helo ergooyin ka socda Beesha Reer Sheekh Isxaaq oo tagta madasha Shirka marka la fududeeyo duruufaha madow ee ku xeeran qaban qaabada shirka

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka Shirka Oo Kusoo Qul-qulaya Mag. Muqdisho

 

Muqdisho(Calanka.com) 14-Luulyo-2007

 

Ergooyinka gobolada ee ka qeybgalaya shirweynaha Qaran ee maalinta berito ah ka furmaya caasimadda Somaliya ayaa waxa ey kusoo qul-qulaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

 

Ergooyinkan oo lagu soo daad gureynayo diyaarado iyo Basas kuwooda gobolada dhow-dhow dagan ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale arkeysaa diyaargarow balaaran oo loogu jiro shirka Qaran.

 

Maanta ayaa waxaa soo anbabaxay ergooyin ka kala socda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kuwaasoo ka qeyb galaya shirka maalinta betiro ah furmaya.

 

Waxaa sidoo kale soo gaaray shalay caasimadda Muqdisho eryooyin ka kala socota gobolada Puntlan iyo S/land, kuwaasoo la dajiyay buux dhaafiyayna hoteelada Muqdisho.

 

Shirkan oo ah mid si weyn looga hadal hayo caasimadda Muqdisho ayaa waxaa maanta booqday xarunta lagu qaban doono shirka oo mar dhow dayactir u dhamaaday madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo masuuliyiin sare.

 

Shirkan ayaa sidoo kale la filayaa in ey kasoo qeyb galaan ergooyin ajaanib ah oo ka kala socda beesha caalamka oo qaarkood waxa ey mar horeba ku sugan yihiin magaalada Muqdisho oo ey sugayaan shirka in uu furmo.

 

xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in ey soo dhaweynayaan furitaanka Shirka, wuxuuna ugu baaqay kooxaha ucaaradka in ey ka qeyb qaataan shirkan qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this