Sign in to follow this  
General Duke

warlord Macalin Hashi of Hizbul Islam we control Mogadishu

Recommended Posts

Macalin%20Xaashi.jpg

 

Muqdisho: " Muqdisho waxba noogama harin, waxaanu seexan doonaa Guryaha ay hada joogaan Madaxda raga sheeganaya" Macalin Xaashi oo ka mid ah Hogaamiyaasha Xisbul Islaam.

4. juni 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Mucaaradka Hubeysan ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay guul kaga dhow yihiin dagaalada ka socda magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay la wareegeen goobo muhiim ah oo kuyaala magaaladaasi shalay iyo xalayba.

 

Ciidamada Xisbul Islaam oo gaardinaya ayaa shalay galab maray wadooyinka degmada Yaaqshiid, ayagoo dadweyne isku soo baxay tusayay awooda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay howlgalkaasi ula jeedeen Dhoola-tusyo ay tusinayeen ciidamada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay ka qabsadeen saldhigyo badan oo lugu dagaalamay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

 

Mid ka mid ah Madaxda sare ee Xisbul Islaam kuna sugan magaalada Muqdisho oo la yiraahdo Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in ay Muqdisho uga dhiman yihiin qeybo kooban oo ay joogaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada gaarka u ah Ilaalada Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay deg deg ula wareegi doonaan goobahaasi.

 

Macalin Xaashi ayaa sheegay in ay guushii dagaalku udhow-dahay, waa sida uu hadalka udhigaye isagoo sheegay in ay hada maamulayaan qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya oo uu dagaalku hada ka socdo Meel aan ka fogeyn goobaha ay kataliso dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan dagaalka, wuxuuna sheegay in ay ciidamada AMISOM dagaalka ku jiraan, ayna ladagaalamayaan oo ay ka heli doonaan weeraro culus oo ula jeedo in ay qaadi doonaan dagaal ay ku qaadayaan ciidamada AMISOM ee ilaaliya aqalka Madaxtooyada, garoonka iyo Dekeda oo inta badan weeraro toos ah lugu qaaday xalay saqdii dhexe iyo maantaba.

 

Warka Xisbul Islaam madaxdeeda ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili ay shalay dhinacyada mucaaradku sheegteen guulo baahsan, inkastoo ay soo baxayeen dagaalo qaraar oo xiligaasi ka dib ka dhacayay magaaladaasi Muqdisho, lama garan karo sida uu xaal noqon doono saacadaha nagu soo aadan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mid ka mid ah Madaxda sare ee Xisbul Islaam kuna sugan magaalada Muqdisho oo la yiraahdo Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in ay Muqdisho uga dhiman yihiin qeybo kooban oo ay joogaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada gaarka u ah Ilaalada Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay deg deg ula wareegi doonaan goobahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is hallucinating. He got his butt handed to him yesterday and suffered their biggest loss so far in this war. This explains why Al Shabab sent their men to most of the offices of the media to control the information that is sent out.

 

It is a desperate move.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Macalin Xaashi "Dagaalka guushiisa xageena ayay mari doontaa, haduu Alle idmo waxaan u hoyaneynaa C/casiis"

 

Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo shalay hogaaminayay Xoogaga Mucaaradka Dowladda ee Xisbul Islaam ayaa sheegay in dagaalka ay guushiisa u soo carfeyso, isagoona cadeeyay inay rajeynayaan inay qabsadaan inta ka hartay Magaalada.

 

Macalin Xaashi oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha lahaanshahooda lagu sheego Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in loo xil saaray hogaaminta dagaalada waqooyiga Muqdisho ee ay Mucaaradka doonayaan inay kula wareegaan, oo ah halka ay iminka Dowladda awoodaheeda ku soo koobantay.

 

"Dagaalka guushiisa xageena ayay mari doontaa, haduu Alle idmo waxaan u hoyaneynaa C/casiis"ayuu yiri Macalin Xaashi oo intaa ku daray in goobaha ka haray Magaalada ay ka xoreyn doonaan waxa uu ugu yeeray gaal iyo gaalo raacyada sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Hogaamiyahan ka soo jeeda Degmada Balcad, horayna uga mid ahaa Saraakiishii Hogaamiye kooxeedkii Muuse Suudi, xilli uu Balcad ka talinayay ayaa hada ah Saraakiisha gacanta midig u ah Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya Ururka Xisbul Islaam.

 

Waxaa uu sheegay in shalay dhankooda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalada, isla markaana ay la wareegeen meelo cusub oo uu tilmaamay inay xoog uga saareen Ciidamada Dowladda.

 

Laakiin warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dagaalo rogaal celis ah oo shalay maqribkii ay qaaday Dowladda KMG mar kale ku hanatay goobo ay fadhiyeen Mucaaradka.

 

Dhinacyada isku haaya Magaalada Muqdisho ayaa guulo aan macno laheyn ka kala sheeganaya dagaalada, iyadoona ay caadi noqotay in kolka ay qabsadaan xaafad ama wado aan istiraatiiji aheyn inay ku faanaan oo ay ku beer laxawsadaan hadalo aan ka turjumeyn mas'uuliyad, balse u muuqato u bareerid daadinta dhiiga shacabka iyo hurin colaado.

 

jowharnews@gmail.com

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this