General Duke Posted June 4, 2009 Muqdisho: " Muqdisho waxba noogama harin, waxaanu seexan doonaa Guryaha ay hada joogaan Madaxda raga sheeganaya" Macalin Xaashi oo ka mid ah Hogaamiyaasha Xisbul Islaam. 4. juni 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Mucaaradka Hubeysan ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay guul kaga dhow yihiin dagaalada ka socda magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay la wareegeen goobo muhiim ah oo kuyaala magaaladaasi shalay iyo xalayba. Ciidamada Xisbul Islaam oo gaardinaya ayaa shalay galab maray wadooyinka degmada Yaaqshiid, ayagoo dadweyne isku soo baxay tusayay awooda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay howlgalkaasi ula jeedeen Dhoola-tusyo ay tusinayeen ciidamada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay ka qabsadeen saldhigyo badan oo lugu dagaalamay labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Mid ka mid ah Madaxda sare ee Xisbul Islaam kuna sugan magaalada Muqdisho oo la yiraahdo Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in ay Muqdisho uga dhiman yihiin qeybo kooban oo ay joogaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada gaarka u ah Ilaalada Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay deg deg ula wareegi doonaan goobahaasi. Macalin Xaashi ayaa sheegay in ay guushii dagaalku udhow-dahay, waa sida uu hadalka udhigaye isagoo sheegay in ay hada maamulayaan qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya oo uu dagaalku hada ka socdo Meel aan ka fogeyn goobaha ay kataliso dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan dagaalka, wuxuuna sheegay in ay ciidamada AMISOM dagaalka ku jiraan, ayna ladagaalamayaan oo ay ka heli doonaan weeraro culus oo ula jeedo in ay qaadi doonaan dagaal ay ku qaadayaan ciidamada AMISOM ee ilaaliya aqalka Madaxtooyada, garoonka iyo Dekeda oo inta badan weeraro toos ah lugu qaaday xalay saqdii dhexe iyo maantaba. Warka Xisbul Islaam madaxdeeda ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili ay shalay dhinacyada mucaaradku sheegteen guulo baahsan, inkastoo ay soo baxayeen dagaalo qaraar oo xiligaasi ka dib ka dhacayay magaaladaasi Muqdisho, lama garan karo sida uu xaal noqon doono saacadaha nagu soo aadan. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 4, 2009 Mid ka mid ah Madaxda sare ee Xisbul Islaam kuna sugan magaalada Muqdisho oo la yiraahdo Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in ay Muqdisho uga dhiman yihiin qeybo kooban oo ay joogaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada gaarka u ah Ilaalada Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay deg deg ula wareegi doonaan goobahaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted June 4, 2009 Duke. you can't convince anyone by your propaganda lies, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Recovering-Romantics Posted June 4, 2009 He is hallucinating. He got his butt handed to him yesterday and suffered their biggest loss so far in this war. This explains why Al Shabab sent their men to most of the offices of the media to control the information that is sent out. It is a desperate move. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 4, 2009 ^^^Is he Al Shabaab or Hizbul Islam? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Recovering-Romantics Posted June 4, 2009 Originally posted by General Duke: ^^^Is he Al Shabaab or Hizbul Islam? He is confused. He works for who-ever is paying more. Right now he is affiliated with Hizb-ul-Islam Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 4, 2009 Macalin Xaashi "Dagaalka guushiisa xageena ayay mari doontaa, haduu Alle idmo waxaan u hoyaneynaa C/casiis" Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo shalay hogaaminayay Xoogaga Mucaaradka Dowladda ee Xisbul Islaam ayaa sheegay in dagaalka ay guushiisa u soo carfeyso, isagoona cadeeyay inay rajeynayaan inay qabsadaan inta ka hartay Magaalada. Macalin Xaashi oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha lahaanshahooda lagu sheego Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in loo xil saaray hogaaminta dagaalada waqooyiga Muqdisho ee ay Mucaaradka doonayaan inay kula wareegaan, oo ah halka ay iminka Dowladda awoodaheeda ku soo koobantay. "Dagaalka guushiisa xageena ayay mari doontaa, haduu Alle idmo waxaan u hoyaneynaa C/casiis"ayuu yiri Macalin Xaashi oo intaa ku daray in goobaha ka haray Magaalada ay ka xoreyn doonaan waxa uu ugu yeeray gaal iyo gaalo raacyada sida uu hadalka u dhigay. Hogaamiyahan ka soo jeeda Degmada Balcad, horayna uga mid ahaa Saraakiishii Hogaamiye kooxeedkii Muuse Suudi, xilli uu Balcad ka talinayay ayaa hada ah Saraakiisha gacanta midig u ah Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya Ururka Xisbul Islaam. Waxaa uu sheegay in shalay dhankooda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalada, isla markaana ay la wareegeen meelo cusub oo uu tilmaamay inay xoog uga saareen Ciidamada Dowladda. Laakiin warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dagaalo rogaal celis ah oo shalay maqribkii ay qaaday Dowladda KMG mar kale ku hanatay goobo ay fadhiyeen Mucaaradka. Dhinacyada isku haaya Magaalada Muqdisho ayaa guulo aan macno laheyn ka kala sheeganaya dagaalada, iyadoona ay caadi noqotay in kolka ay qabsadaan xaafad ama wado aan istiraatiiji aheyn inay ku faanaan oo ay ku beer laxawsadaan hadalo aan ka turjumeyn mas'uuliyad, balse u muuqato u bareerid daadinta dhiiga shacabka iyo hurin colaado. jowharnews@gmail.com Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites