Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UCID's Second Vice Chairman Resigned

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-04-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN) - Qoraal uu Xafiiska Hadhwanaag ee Hargeysa soo gaadhsiiyay Guddoomiye Xigeenkii Labaad ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayuu ku sheegay inuu casilaad u gudbiyay golaha dhexe ee xisbigaasi UCID. Dr. Fadal oo qoraalkan ku saxeexnaa ayaa sheegay inuu xoogga saari doono isku xidhka aqoonyahanka dalka iyo dibadda dalkana si kale wax u tari doono.

 

Haddaba warkaasi waxa uu u dhignaa sidan:

 

*Waxaan ku wargelinayaa xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID iyo guud ahaanba dadka reer Somalland in aan istiqaalad ka dhiibay xilkii Guddomiye ku -xigeenka ee aan u hayey xisbiga UCID. Arrintaa waxa igu kalifey iyadoo aan ku qancay in aan uga waxtar badnaan karo ka qaybqaadashada horumarinta **Somaliland haddii aan ku hawlgalo hab dhexdhexaad oo aan xisbi ahayn, wakhtigan xaadirka ah.*

 

*Hadda waxaan ka shaqaynayaa siddii aqoonta iyo cilmibaadhista loogu dabiqi lahaa horumarka Somaliland marayso ee dhaqaale, bulsho iyo siyaasadba; waxa kale oo aan ku hawlgelayaa siddii aqoonyahanka iyo dhalinyarada jaamiciyiinta ah ee qurbajoogga ah loogu soo xidhi lahaa horumarka gudaha ka socda.*

 

*Ugu dambayntii waxaan u mahadnaqayaa dadkii ila shaqeeyey mudadaas oo kala jooga Somaliland iyo woqooyiga Amerika.*

 

*Allah Mahad Leh**

Dr. Maxamed Cismaan Fada*l

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this