Jacaylbaro Posted April 6, 2008 hadhwanaag 2008-04-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN) - Qoraal uu Xafiiska Hadhwanaag ee Hargeysa soo gaadhsiiyay Guddoomiye Xigeenkii Labaad ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayuu ku sheegay inuu casilaad u gudbiyay golaha dhexe ee xisbigaasi UCID. Dr. Fadal oo qoraalkan ku saxeexnaa ayaa sheegay inuu xoogga saari doono isku xidhka aqoonyahanka dalka iyo dibadda dalkana si kale wax u tari doono. Haddaba warkaasi waxa uu u dhignaa sidan: *Waxaan ku wargelinayaa xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID iyo guud ahaanba dadka reer Somalland in aan istiqaalad ka dhiibay xilkii Guddomiye ku -xigeenka ee aan u hayey xisbiga UCID. Arrintaa waxa igu kalifey iyadoo aan ku qancay in aan uga waxtar badnaan karo ka qaybqaadashada horumarinta **Somaliland haddii aan ku hawlgalo hab dhexdhexaad oo aan xisbi ahayn, wakhtigan xaadirka ah.* *Hadda waxaan ka shaqaynayaa siddii aqoonta iyo cilmibaadhista loogu dabiqi lahaa horumarka Somaliland marayso ee dhaqaale, bulsho iyo siyaasadba; waxa kale oo aan ku hawlgelayaa siddii aqoonyahanka iyo dhalinyarada jaamiciyiinta ah ee qurbajoogga ah loogu soo xidhi lahaa horumarka gudaha ka socda.* *Ugu dambayntii waxaan u mahadnaqayaa dadkii ila shaqeeyey mudadaas oo kala jooga Somaliland iyo woqooyiga Amerika.* *Allah Mahad Leh** Dr. Maxamed Cismaan Fada*l Quote Share this post Link to post Share on other sites