Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso Mayor/NRC Firm Upgrade Camp Shabelle

Recommended Posts

Cowke   

Boosaaso, (RBC Radio) Duqa magaalada Boosaaso iyo wafdi ka socda hay’ada NRC ayaa maanta booqasho ku tegey xerada Kaam Shabeelle oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla magaalada Boosaaso.

 

Waxaa booqashadan ay ahayd mid loogu koourgalayo xaalada nololeed iyo mida nadaafadeed ee xeradaasi oo dhowaan laga hirgaliyey guryo teendhooyin ah oo ay ku deeqday hay’ada NRC ee Boosaaso.

 

Duqa magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo markii uu kuurgalay dhismaha cusub ee teendhooyinka dadka qoxootiga loo dhisay ayaa ka mahadceliyey gurmadkaasi loo sameeyey dadka soo baracay ee ku nool Boosaaso oo ay heysatey hoy la’aan.

 

Waxaa uu sidoo kale duqa magaalada kula dardaarmay dadka qoxootiga ah inay ku dadaalaan nadaafada iyo amaanka oo uu sheegay inay yihiin labo arimood oo xilligan muhim ah.

 

Waxaa uu duqa magaaladu dhinaca kale hay’adaha ugu baaqay inay sii wadaan oo ay kordhiyaan waxqabadka dadka ay u baahan yihiin isla markaana ay buuxiyaan baahiyaha taagan.

 

Jaamac Yaasiin Ibraahim oo ah agaasimaha mashruuca hoy u sameynta dadka soo barakacay ee hay’ada Norwegian Refugee Council (NRC ) oo isaguna la hadlay qaar ka mid ah dadka ku nool xeradan qoxootiga ayaa sheegay inay hadda dhameystireen dhismaha 480 teendho oo loo sameyey dadka soo baracay ee xeradan ku nool, isla markaana aysii wadi doonaan dhismaha teendhooyinka.

 

Waxaa uu sheegay in ay u kuurgalayaan sida ay dadk uga faa’ideystaan waxqabadka hay’ada NRC iyo qaabka ay dadka uga soo baxaan ilaalinta agabka la siiyey sida teendhooyinka.

 

Wardi Cismaan Maxamuud oo gudoomiyaha xerada Shabeelle ee Boosaaso ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin waxqabadka hay’ada NRC iyo sida looga taageeray waxa ugu muhimsanaa noloshooda oo ah oyga.

 

Waxaa uu gudoomiyuhu soo jeediyey in laga taageero dhinaca musqulaha oo uu sheegay inay aad ugu yar yihiin.

 

Xeradan Shabeelle waxay ka mid tahay xerayaha qoxootiga ee ku yaalla Boosaaso, waxaana sida uu gudoomiyuhu sheegay ku nool ku dhowaad 2, 000 oo qoys oo hore u deganaa xeradan.

 

Waxaa intaasi dheer in xeradan ay illaa hadda soo gaarayaan dad hor leh oo qoxooti ah kuwaasi oo badankood ka imaanaya gobolada koonfurta ee dalka.

 

Marka laga tago teendhooyinka loo dhisay dadka ku nool xeradan waxaa kale oo ay hay’adu ka taageertay xagga nadaafada iyo jidadka oo ay loo sameeyey.

 

Waxaana iyana hay’adu dadku u sameysay jikooyin ka sameysan fuustooyin, si ay ug badbaadaan dabka sanad kasta ka kici jiray xeryaha qoxootiga Boosaaso.

 

Qaar ka mid ah dadka ku nool xerada Shabeelle o halkaasi aan ku wareysanay ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin guryahan teendhooyinka ah oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo amaan ah.

 

Duqa Boosaaso oo la hadlaya qoyska degan xerada qoxootiga

 

RBC Radio

 

Duqa Boosaaso oo la hadlaya qoyska degan xerada qoxootiga

N10.jpg

 

Guryo teendhooyin ah oo loo dhisay qoxootiga

N4.jpg

 

Gudoomiyaha xerada Kaam Shabeelle

N3.jpg

 

N11.jpg

 

N7.jpg

 

N8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this