MoonLight1 Posted October 1, 2009 Saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan dowladda KMG oo ka tagay Magaalada Baladweyn oo ciidamada Puntland ay u diideen inay galaan magaalada Gaalkacyo Shabelle October 1, 2009 Markacadeey Taliyihii ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan Muqtaar Xuseen Afrax iyo mid ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo lagu qabtay contaroolka koofureed ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo au ku sugnaayeen ciidamada nabad sugida ee maamulka Puntland. Muqtaar Xuseen Afrax iyo Mudanaha Barlamanka ayaa sakarkooda waxaa ku wehlinayay kolanyo gaadiidka dagaalka ah kuwaasi oo doonayay in ay gudaha u soo galaan magaalad hase ahaatee ciidamada amaanka ay ku amreen in ay ku hakadaan contarolka si ay ula socodsiinayaan masuuliyiinta Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole si ay fasax ugu helaan in ay gudaha u galaan magaalada Gaalkacyo. Daqiiqado kadib ayaa taliyaha iyo xildhibaanka Barlamanka waxaa ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen,waxaana tliyaha qeybta mudug ee Maamulka Puntland Muuse Xasaasi uu sheegay in ay jiraan hakinta ciidamada ay ku sameeyeen taliyihii ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan islamarkaana ay doonayeen amar la’aan ay ku galaan magaalada Gaalkacyo. Warar kala duwan oo aan ka helayno saraakiisha amaanka ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan iyo mudanaha Barlamanka ay doonayeen magangalyo siyaasadeed maadaama magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ay la wareegeen Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Ururada ku kacsan dowladda KMG ee Soomaaliya. markacadeey.net Quote Share this post Link to post Share on other sites