Sign in to follow this  
MoonLight1

Puntland refuse assylum to TFG memebers.

Recommended Posts

Saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan dowladda KMG oo ka tagay Magaalada Baladweyn oo ciidamada Puntland ay u diideen inay galaan magaalada

 

Gaalkacyo

Shabelle

 

October 1, 2009 Markacadeey

 

 

Taliyihii ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan Muqtaar Xuseen Afrax iyo mid ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo lagu qabtay contaroolka koofureed ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo au ku sugnaayeen ciidamada nabad sugida ee maamulka Puntland.

 

Muqtaar Xuseen Afrax iyo Mudanaha Barlamanka ayaa sakarkooda waxaa ku wehlinayay kolanyo gaadiidka dagaalka ah kuwaasi oo doonayay in ay gudaha u soo galaan magaalad hase ahaatee ciidamada amaanka ay ku amreen in ay ku hakadaan contarolka si ay ula socodsiinayaan masuuliyiinta Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole si ay fasax ugu helaan in ay gudaha u galaan magaalada Gaalkacyo.

 

Daqiiqado kadib ayaa taliyaha iyo xildhibaanka Barlamanka waxaa ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen,waxaana tliyaha qeybta mudug ee Maamulka Puntland Muuse Xasaasi uu sheegay in ay jiraan hakinta ciidamada ay ku sameeyeen taliyihii ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan islamarkaana ay doonayeen amar la’aan ay ku galaan magaalada Gaalkacyo.

 

Warar kala duwan oo aan ka helayno saraakiisha amaanka ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan iyo mudanaha Barlamanka ay doonayeen magangalyo siyaasadeed maadaama magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ay la wareegeen Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Ururada ku kacsan dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

 

markacadeey.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this