General Duke Posted June 6, 2008 Maxkamadaha oo diiday go'aankii UN-ka 6 Jun 6, 2008 - 8:48:08 AM Afhayeennada Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh Max'ud Sheekh Ibraahim Suuleey iyo Sheekh C/raxiim Ciise Caddoow ayaa waxay si kala gooni-gooni ah u sheegeen in go'aankii UN-ka ee la dagaalanta burcad-badeedda loogu soo uu yahay mid ka habaabay dariiqiisii. Labada afhayeen oo saxafadda la hadlay ayaa waxay sheegeen in go'aankaan uu yahay mid ay dalalka Reer galbeedku ku banneysanayaan inay xaalufinta badda Somalia, ayna u arkaan in tani ay sii kordhinayso dhibaatada Somalia. "Maxkamadaha waxaa u suuragashay xilligii ay ka talinayeen qaybo ka tirsan Somalia inay sugaan ammaanka barriga iyo badda, taasna waxaa burburiyay reer galbeedka oo ka xun tallaabadaas ay Maxkamaduhu qaadeen" ayuu yiri Sheekh Ibraahim Suuleey. Sheekh C/raxiim Ciise, ayaa isaguna saxaafadda u sheegay in tallaabada UN-ka ay tahay in badda Somalia la xaalufiyo loona fasaxo maraakiibta kalluumeysiga ee reer galbeedka si ay u gurtaan kalluunka. "Go'aankaan waxaa dabada ka riixayay dalal galbeed ah oo dantoodu tahay inay dhacaan hantida badda iyo midda bariga ee Somalia, waxaana dalalka Islaamka ka codsanaynaa inay ka hortagaan go'aankaan" ayuu yiri Sheekh C/raxiim Caddoow. Dhawaan ayuu golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ansixiyay go'aan qeexaya in badda Somalia loo diro maraakiib dagaal kuwaasoo ka hortaga kooxaha burcad-badeeda ah, iyadoo dalal badan ay ku dhawaaqeen inay maraakiib dagaal u dirayaan Somalia. Kooxaha burcadda ah ee badaha Somalia dhibaatooyinka ka wada ayaa waxay abuurmeen 5-sanadood ka hor, iyagoo markii ugu horreysay dhacay markab u rarnaa hay'adda WFP oo mucaawino siday. Hay'adda Badaha caalamka ayaa waxay sheegtay in sannadkaan oo qura lagu afduubay Somalia 26-maraakiib iyo doonyo isugu jira, xiligaanna lagu haysto badda Somalia 3-markab oo laba ka mid ah laga kala leeyahay Netherlands iyo Jarmalka halka midka kalena aan weli la helin dalka iska leh. Garowe Online, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 6, 2008 The noose is tightening and hence all these threats and confused statements. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 6, 2008 Afhayeenka Maxkamadaha oo sheegay in ay ka soo horjeedaan Ciidamada Shisheeye Xilli Shariifka soo dhoweeyay Ciidamo Q.M ka socda Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo maanta shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay Ciidamada Shisheeye ee dalka loo soo wado. Sheekh Suuley ayaa wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan Ciidamo Shisheeye in Soomaaliya la keeno Bad iyo Bariba, wuxuu qaasatan tallaabo qaldan ku tilmaamay qaraarka Golaha Ammaanka ku ansixiyay In Maraakiibta Dagaalka Mareykanka galaan Xeebaha Soomaaliya si ay burcad badeedka ula dagaalamaan. Wuxuu sheegay Sheekh in Ciidamo Shisheeye aanu dalkan waxba ku soo kordhi karin, hase ahaatee hadii Soomaalida laga dhex baxo ay ka tashan karto aayaheeda. Sheekha ayaa mar uu ka hadlay Shirka Jabuuti wuxuu sheegay in hadii go'aanka ka soo baxo uu yahay in Ciidamo ka socda Qaramada Midoobey la keeno Soomaaliya ay dhankooda ka fiirsanayaan, Gudi culumo ahna u saarayaan cawaaqibka ka imaan kara Ciidamadaas. "Anaga waan ka fiirsaneynaa Ciidamada Q.M la soo wado, Guddi Culumo ahna waan u saarna oo ka soo baaraan daga cawaaqibka ka dhalan karta Imaanshiyaha Ciidamadaas, waxaase dhihi lahaa in Ciidamo Shisheeye aysan waxba soo kordhineyn"ayuu yiri Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo ahaa Imaamkii Masaajidka Caanka ah ee Sheekh Cali Suufi. Wuxuu ka hadlay Sheekh Maxamuud dilal beryahan ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho oo lagu dilay Dad uu ka mid ahaa Afhayeenka Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Marxuum Cabaas Maxamed Ducaale, wuxuuna dilkaas ku macneeyay mid ay ka dambeeyaan Kooxda Ciidamada Cadawga ah dalka keensatay, waxayna doonayaan buu yiri in ay dalka dib ugu celiyaan xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada, xiligaas oo la dili jiray cid kasta oo Bulshada wax-gal u ah. Sheekha wuxuu beeniyay in Dilkaas ka dambeeyaan Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Cabaas uu ahaa dadka u ololeeya in shacabka dhibaatada ka baxdo. Hadalka Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee Maxkamadaha ayaa ku soo beegmaya, xilli Sheekh Shariif uu horay usoo dhoweeyay Ciidamo ka socda Q.M ee la keeno Soomaaliya, waxaase wali muuqda in Maxkamadaha iyo Kooxaha kale ee kacdoonka wada in aysan isku raacsaneyn ciidamo shisheeye oo dalka la keeno, waxaana Kooxahaas ugu horeeya Kooxda Majaraha adag ee Al-Shabaab oo ku dhawaaqday in ay dagaal la geli doonaan Ciidamada Q.M ee Soomaaliya loo soo wado. Hooyga wararka Somaliyed Jowhar.com & Jowharnews.com Jowharcom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 6, 2008 ^^Waa markaagii... relax man. Dont feel threatened by the peace talks. Hope the outcome will be good for the country... Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 6, 2008 ^^^lol. Who is talking about the peace talks? I think you are in the wrong thread ina Adeer. Quote Share this post Link to post Share on other sites