Sign in to follow this  
General Duke

MOGADISHU: Who won the soccer game of peace? PICS

Recommended Posts

Wasiirka W/Isboortiga Oo Soo Xiray Tartanka Nabadda Nadaafadda Gobolka Banaadir

 

Mogadishu, Axad, June 17, 2007

 

Mas’uuliyiin ka tirsan DFKMGS, Maamulka Gobalka Banadir iyo dadweyne aad u fara badan, ayaa galabta ka soo qeyb galay Munaasabad ballaaran oo lagu soo gebagebeynayey Tartan Ciyaareedka Toddobaadka Nabadda iyo Nadaafadda Gobolka Banaadir , oo ay soo qabanqaabiyeen G.O.S.

 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Sport-ga DFKMGS Md. Mowliid Macaani Maxamuud, ayaa ka hadlay gebagebaddii Kulan-ciyaareedkaasi, wuxuuna uga mahad-celiyey Maamulka Gobalka Banaadir dadaalka dheeraadka ee ay ka muujiyeen Tartanka ay soo qabanqaabiyeen .

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed “GOS”, Md. C/qaadir Gacal Abkow, oo isagana ka hadlay Munaasabadda lagu soo gebagebeeyey Tartankaasi, ayaa sheegay inay Ciyaaruhu kaalin ka qaataan sidii Bulshadda nabadda loogu beeri lahaa, wuxuuna sheegay inay GOS diyaar u yihiin inay qabanqaabiyaan Tartamo Ciyaareed oo lagu dhiiri-gelinayo Bulshadda Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale, Tartankii K/Cagta ee Toddobaadka Nabadda iyo Nadaafadda ee Gobalka Banaadir, waxaa isku soo haray Kooxaha Feynuus iyo Super Shell, iyadoo ay Kooxda Super Shell ku guuleystay Rigoorayaal loo dhigay 4-5 .

 

Tartankii K/Koleyga ee Wiilasha, waxaa Kaalinta Koowaad galay Kooxda Heegan halka K.Kollayga ee Gabdhahana ay kaalinta koowaad ku guuleysatay Kooxda Horseed.

 

Munaasabaddii maanta Kooxaha guuleystay lagu guddoonsiiyey Abaal-marinno kala duwan, waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir-ku-xigeenka Sport-ga iyo Dhallinyarradda, Md. Cismaan Axmed Carraale, Guddoomiye ku-xigeennadda Maamulka Gobalka Banaadir ee dhinacyadda Siyaasadda iyo Bulshadda, Md. C/llaahi Xasan Ganey “Firimbi” iyo Md. Maxamed Cismaan Dhagax-tuur.

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am sorry ciyaal baar Feynuus lost the game. My ex-xaafad.

 

Xiritaan_Tartanka_Nabadda_8.jpg

Horta Dukoow, askarta TFG maxaa loo naaxin waaye, irbad lagu dhufto ahayd oo sidii digaaga loo naaxiyo camal loo naaxiyo ayeey ahayd tabar-darro awgeed they can hardly bear a rifle. See the dude on lefthand side of the pic above :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this